Madaxweyne C/WELI GAAS oo digniin culus u diray maamulkii ka horreeyay

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maanta oo Jimco ah shir jaraa’id ku qabtay hooyga uu ka daggan yahay magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Cabdiweli Gaas ayaa ugu horreyn u digay, maamulkii ka horreeyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la boobayo dhammaan wixii agab yaalay xafiisyada dowlad gobaleedka Puntland, ilaa inta uu ka soo dhisaayo golle wasiiro cusub oo maamulkiisa uu yeesho.

Wuxuu ku amray, wasiir kasta, iyo dhammaan mas’uuliyiinta Puntland oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka in ay mas’uul ka noqon doonaan wax kasta oo laga qaato xafiis ama goobaha uu ku shaqeenayay maamulkii horre.

“Qof kasta oo mas’uul ah waxaa la farayaa in uu xafido, hanti, qalab, gaadid iyo dhammaan qalabkii uu ku shaqeen jiray maamulkii horre waa mas’uuliyad saaran oo lagula xisaabtami doono” ayuu yiri Gaas.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas, ayaa ciidamada ammaanka faray in ay adkeeyaan ammaanka gudaha iyo dibedda ee gudaha Puntland, waana ayuu ku amray in si hufan u gutaan shaqooda.

Dhinaca kale, madaxweynaha cusub ayaa ka mahad celiyay taageerada ay u muujiyeen madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo dhammaan beesha caalamka kuwaasoo soo dhaweeyay guusha uu gaaray, wuxuuna xusay in dowladdiisa cusub wadashaqeen fiican ay la yeelan doonto dowladda Soomaaliya sidda uu yiri.

Mar la weydiiyay xukuumada uu soo dhisaayo in muddada ay qaadaneyso?

Wuxuu tilmaamay muddo seddax toddobaad ama 21-cisho in uu soo dhisaayo dowlad kooban oo tayo leh sidda uu yiri.

Waa digniintii ugu horreysay ee uu saaray madaxweynaha cusub, kaddib markii la sheegay in xafiisyo badan laga qaatay qalab iyo gaadid uu ku shaqeen jiray maamulkii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com