Baarlamanka oo oggolaaday codsi uga yimid R/W Cabdi Weli Sheekh Axmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah kulan ay ku yeesheen waxa ay cod u qaadeen codsi uga yimid ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, kaasoo sheegay muddo 10-cisho ah loogu daro xilliga uu soo magacaabayo golaha cusub ee xukuumadiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo maanta shir guddoominayay kulanka ayaa baarlamaanka u akhriyay warqad ka timid ra’iisal wasaaraha islamarkaana uu la ogyahay madaxweynaha taasoo uu ku codsanaayo in muddo 10-cisho la siiyo si uu soo magacaabo xukuumadiisa.

Intaa kaddib xildhibaannada baarlamaanka ee ku sugnaa fadhigga oo gaarayay 185-mduane ayaa dodd ka yeeshay arrimahaas waxaana qaar kood ay sheegeen in ay diddan yihiin maadama xilliga fasaxa ay gali lahaayeen la joogo.

Waxaa markii dambe loo qaaday cod, waxaana 142 mudane ay oggolaadeen codsiga uga yimid ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, seddax ayaa ka aamustay wax diidday ma jirin.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna shegeay in ra’iisal wasaaraha loo oggolaaday codsiga uga yimid ee ah in 10 cisho loogu daro waqtiga uu soo dhisaayo xukuumadiisa.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka oo saxaafadda la hadlay markii uu kula soo dhammaaday ayaa sheegay in wasiiradda cusub ay ku jiraan xukuumadii horre, taasna ay keeni doonto caqabad kale oo ra’iisal wasaaraha ku soo furanta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com