25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DEG DEG: Ariel Sharon oo geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jerusalem (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in uu baqtiyey ra’iisal wasaarihii horre ee Israel Ariel Sharon.

Ariel Sharon ayaa ku geeriyooday Isbitaalka the Sheba Medical Centreku oo u dhow Tel Aviv isagoo 85-jir, wuxuuna siddeeed sanno ku qaatay Koomo, kaddib markii uu ku dhacay xanuunka dhiig-karka sannadkii 2006-da.

Mr Sharon ayaa si weyn uga dhex muuqday Millitariga iyo siyaasadda Israeli, wuxuu door muhiim ah ku lahaa dagaalkii madax banaanida ay ku raadineysay Israel sannadkii 1948.

Sannadkii 2001-dii ayuu noqday ra’iisal wasaaare, waxaa ku dhacay cuduro kala duwan, waxaana takhaatiirta ay lahaayeen maalmahan qaar ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee jirkiisa sida Kilida ayaa howlgab noqotay.

Falastiiniyiin fara badan ayaa markii ay maqleen warkan ku farxay, waxaana ay dabaal dagyo ka dhigeen magaalooyinka waaweyn ee dhulalka falastiiniyiinta, maadama ninkan uu ka mid ahaa saraakiisha Yuhuuda ee dhibay ummada Falastiin oo weli aan helin dhun iyo calan ay lee yihiin oo la ictiraafsan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Bariga Dhexe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News