Madaxweynaha Puntland oo soo saaray arrimo muhiim ah (Warbixin)

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa caawa soo saaray warbixin uu uga hadlaayo wax yaabaha uu qaban doono marka uu soo dhiso xukuumadiisa cusub.

Mudane Gaas ayaa war-qoraal oo uu saaray oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Caasimada Online, ayuu waxa uu ku yiri :”Waxaan u Sheegayaa Dhamaan Bulsho Waynta Reer Puntland Markaan Ka Soo Baxno Dhismaha Dawlad Qaran oo ay Leedahay Puntland Waxaanu Rabnaa Inaanu Ka Shaqayno Arimahan Soo Socda.

1. Inaanu Ka Shaqayno
Sidii aanu U Qaban Lahayn Shir Guud oo ay Iskugu Iman Doonaan Dhamaan
Bulsho Waynta Reer Puntland Kaas oo Lagaga Tashan Doono Midnimadda Reer
Puntland,
2. Inaanu ka Shaqayno In Ay Helaan Dhamaan Ciidamadda Reer Puntland iyo Shaqaalaha Reer Puntland Mushaharkoodii oo Dhamaystiran,
3.Inaanu Ka Shaqayno Kobcinta Dhaqaalaha Umaddan Reer Puntland ee ay
Haystaan Dhibka Badan ee Hoos u Dhaca Dhaqaalaha iyo Kor u Kaca Lacagta
adag
4. Inaanu Ka Shaqayno Sidii aanu uga Hor Tagi Lahayn
A.  TAHRIIBKA
B.  BUDHCADNIMADDA
C. BUDHCAD BADEEDKA
Si Looga Hortago Arimahaas Waxaanu Samayn Doonaa ,
Shaqo Abuur Dhalinyarta Jaamacaddaha Iyadoo Lagu Salaynayo Cadaalad iyo Sinaan,
Inaanu Ka Shaqayno Maal-Galin iyo Taageerid aanu Taageerno Dabka ku Dhibaataysan Dalka Gudihiisa ee Danyarta ah .
5. Ka Hor Tagga Sicir Bararka iyo Dhaqaale Xumida umadeena Haysata ee Kaliftay inay Bataan Dhimashadda iyo Tahriibku .

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan uu sheegay in muddo seddax toddobaad ah uu ku soo dhisaayo golaha xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com