XOG: Yaa soo qoray Warqad maanta la hor geeyay Baarlamaanka Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa kashifay warqad maanta la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, taasoo lagu codsanaayo in muddo 1o-cisho ah loogu daro ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, si uu u soo dhiso xukuumadiisa.

Xildhibaannadan oo maanta ka hadlay fadhi ay lahaayeen baarlamaanka ayaa sheegay in warqadda loo keenay uu guddoonka u soo gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh sidda ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Maxamed Maxamuud Kula-lihi oo caddeeyay in warqadda loo keenay ay ka timid madaxweynaha iyo kooxda Damjadiid, oo uu ku sheegay in ay yihiin macalimiin qarsoon.

“Guddoomiye waan ognahay meesha ay warqadda ka soo baxday,addigga ma ahan, waan ognahay sidda aad uga dam qaneyso in dalka uu yeesho xukuumad, balse warqaddan meesha ay ka soo baxday lama yaqaano, meeshan macalinmiin qarsoon ayaa si hoos-hoos u shaqeenaya, waana Dam-Jadiid,anniga waligeey ma dhihin wasiir iga dhig, see lagu keenay wasiir iga dhig, iyo wasiir ku xigeen” ayuu yiri Kulalihi.

Siddoo kale, kulanka baarlamaanka waxaa ka hadlay guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, kaasoo sheegay in guddoonka baarlamaanka ay ku qaldan yihiin iyadoo kalfadhigga baarlamaanka marka ay shaqeeyaan muddo afar bil ah ay lee yihiin labo bil oo fasax ah in ay sii shaqeenayaan.

Wuxuu codsaday in ra’iisal wasaaraha uu soo dedejiyo xukuumadiisa si loo ansixiyo xildhibaannadana ay fasax ukala aadaan.

Si kastaba, kulankii maanta ayaa markii ay dooddeen xildhibaannada waxaa cod lagaliyay codsiga ka yimid ra’iisal wasaaraha waxaana u coddeeyay 142-mudane, taasoo la sheegay in ra’iisal wasaaraha uu heesto muddo 10-cosho ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com