Siilaanyo oo ADDIS talooyin ku siinaya wafdigii iska dhicin lahaa DF Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa gaaray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillanyo kaasoo shaley safar aan horrey loo shaacin uga ambabaxay magaalada Hargeysa.

Siilaanyo ayaa ku biiraya wafdi maamulka Somaliland horrey u dirtay Addis Ababa kuwaasoo ku wajahan dalka Turkiga halkaasoo dhawaan uu ka furmaayo wajiga shannaad ee wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Inta uusan ka ambabixin Hargeysa ayuu warbaahinta u sheegay in wafdiga Somaliland uga qaybgalaya shirka Turkiga ay yihiin kuwa matalaya shacabka reer Somaliland sidda uu yiri.

Mar la weydiiyay sababta keentay in aan laga qaybgalin wada-hallada labada dhinac kooxaha mucaaradka, wuxuu tilmaamay in maamulkiisa uun lagala tashanaayo masiirka Soomaaliya, wuxuuna digniin u dirtay cid kasta oo isku dayda in ay xiriir la sameeso dowladda dhexe ee Soomaaliya in laga qaai doono tallaano sharciga waa faqsan.

Wada-hadallada Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo dib u dhacay muddo seddex jeer ayaa la filayaa in dhawaan uu qabsoomo, waxaana xukuumadda Soomaaliya la sheegayaa in lagu dhawaaqi doono dhawaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com