Dhageyso: Gaas oo shaaca ka qaaday qorshihiisa ku wajahan DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland ee dhowaan la doortay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay waxaa uga qorsheysan Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo in dhowayd mugdi ku jiray.

Wareysi uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay marka koowaad tahay in labada dhinac ay iskusoo dhowaadaan isla markaana xiriirka labada dhinac oo xumaada ay wax badan ku bi’i karaan.

Dr.Gaas ayaa tilmaamay in markii uu la wareegayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xiriirka labada dhinac uusan wanaagsaneen, wax badan ayaan ka bedelay wada shaqeyntii u dhexeysay Madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

‘’Hadda waxaa ii qorsheysan in la isku soo dhowaado, labada dhinac waxba uga bi’i kara Xiriirka xumaada Dowladda Federaalka waxba uga bi’soomi kara Dowladda Puntland waxyaabo badan ku waayi karta’’, ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta Federaalisim-ka, wuxuuna sheegay in uu yahay qofka koowaad ee aaminsan nidaamka ayna sahlayso in wada shaqeyn uu ka dhexeeyo Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

‘’Waxaan ahay qofka koowaad aaminsan Federaal, Dastuurka Soomaaliyeed waxaa ku dhisnay Federaal muhiimad gaar ah buu ii lahaa in Federaalisimka uu xoog yeesho maamulka la baahiyo oo awoodaha dowliga la qeybsado taasa keentay in Puntland dhisanto’’

‘’Sidoo kale Jubba Land aad baan ugu faraxsanahay dhismaha maamulka Jubba Land uu dhismay oo laftaydu door fiican kasoo qaatay dhismihiisa hore, inta kale waxaan rajeynayna sida Dowlad goboleedka ka abuurmaysa Baydhabo in iyana si deg deg ah loo sameeyo, ka bacdiina gobolada dhexe kooda abuurmo’’

‘’Way sahlanaanaysa in la wada shaqeeyo marka maamuladii iyo Dowlad goboleedyada dhismaan, Dowladda Federaalka waxaa u sahlanaanaysa wada shaqeyntii’’, ayuu sheegay

Dhinaca kale Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa xusay in Xukuumadiisa ay si weyn uga dhex muuqan doonaan Dumarka ayna yihin lafdhabarta bulshada, iyadoo mudooyinkaan Dumarka ka cabanayeen tirada laga siiyay xubnaha Baarlamaanka oo ah labo xubnood keliya.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

gaas madaxweyne

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com