Hub iyo gaadid badan oo laga dhacay Boosaaso & xurumaha oo la boobayo

Boosaaso (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online, ayaa shaaciyay in magaalooyinka qaar ee Puntland ay  xalay ka billaabatay boob iyo dhac loo geesaanaayo agab u badan hub iyo gaadiid dagaal oo uu lahaa maamulkii horre ee Faroole.

Magaalooyinka boobka uu ka billowday waxaa ka mid ah magaalada ganacsiga ee Boosaaso, halkaasoo la sheegay maanta iyo shaley in la dhacay gaadid iyo hu badan oo uu lahaa maamulkii horre.

Waxaa la sheegay in hubka laga dhacay magaalada Boosaaso in ay qaateen saraakiil sar sare oo gacan saar la leh Faroole, waxaana ay keentay in iska hor imaad uu dhex maro ciidamado joogay goobta iyo kuwa dhacayay hubka sidda ay lee yihiin wariyaal madax banaan oo Boosaaso ku sugan.

Dhacdadan ayaa si weyn looga dareemay magaalada Boosaaso, waxaana xalay magaalada qaybo ka mid ah lagu soo rogay bandow gaar ahaan xarumaha maamulka, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan.

Goobta hubka iyo gaadidka laga qaatay ayaa la sheegay in ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana ay isku gadaameen goobta.

Si kastaba, dhacdaddan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maanta oo Jimco ah shir jaraa’id oo madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku qabtay Garoowe ku amray in la xafido dhammaan wixii hanti iyo qalab ahaa ee uu ka shaqeenayay maamulkii horre, wuxuuna intaas ku daray in cid kasta lagula xisaabtami doono qalabkii iyo agabkii u ka shaqeenayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Caasimada@live.com