Sawirro: 4 Soomaali ahel ah oo dhacdo xunuun badan ugu geeriyooday USA

Afar qof oo Soomaali ah oo deganaa magaalada Postville ee gobolka IOWA ayaa ku dhintay shil gaari oo Jimcadii (Jan 10, 2014) ka dhacay meel u dhow dhanka Woqooyi ee Magaalada Clermont ee Gobolka Iowa ee dalka Maraykanka, aagga loo yaqaan Fayette County.

Shilkan ayaa ka dhacay Highway 18, waxana uu dhacay 8:46 ee barqanimo kaddib markii ay isku dhaceen gaari ah nooca loo yaqaan Chevy Truck iyo Toyoto Van.

Gaariga ah nooca Toyota Van waxaa watey afarta Soomaalida ah ee geeriyoodey. Gaariga kale waxa uu jiidayey ama sidey caws bundado ah ama aad u tiro badan, sida ka muuqata sawirada hoose.

Gaariga Van-ka ah waxaa wadey Shariff Hussein Warsame (28 jir), waxaana la saarnaa saddexda qof ee la geeriyoodey oo kala ah Miski Yahye Mohamed (34-jir); Khadijo Mohamed (53-jir); Maryan Kulane (25-jir) oo dhammaan deganaa magaalada Postville ee gobolka Iowa. Waxayna ku geeriyoodeen isla bartii shilku ka dhacay.

Gaariga kale labadii qof ee saarnaa waa dhaawacmeen waxaana loo qaday cisbitaal iyagoo ah dhaawac, waxaana magacyadoodu kala yihiin Tony Schlee (57-jir) oo ahaa dareewalka iyo Pamela Schlee (58-jir).

Afarta Soomaalida ah ee geeriyoodey waxay deganaayeen magaalada Postville, Iowa.

Wararku waxay tibaaxeen in baaritaan ay boolisku ku wadaan sidii shilkaasi u dhacay.

Dalka maraykanka waxaa sannad kasta ka dhaca shilal ay ku naf waayaan dad aad u farabadan, tusaale ahaan sannadkii 2012 waxaa shilal ka dhacay Maraykanka ku geeriyoodey dad gaaraya 34,080 qof – (Eeg USA Today ama Wikipea )

Sawirada hoose waa shilkii gaariga, waxaana sawiradaas faafiyey booliska Iowa.

Xuquuqda sawirka: Fayette County Sheriff, xigasho KCCI news
Xuquuqda sawirka: Fayette County Sheriff, xigasho KCCI news
Photo from the Fayette County Sheriff’s Office, xigasho KCRG news
Photo from the Fayette County Sheriff’s Office, xigasho KCRG news

 

Allah ha u naxariisto marxuumiinta

Faafin: SomaliTalk.com