CIIDAMO Mareykan ah oo si qarsoodi ugu sugan Somalia (Maxay qabtaan?)

Wanshinton DC (Caasimada Online) Markii ugu horreysay ayaa la ogaaday in unugyo ciidamo Maraykan ah ay joogaan Soomaaliya, kuwaasoo gacan siiya ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Maraykanka ma sheegin tirada ciidamada ka jooga Somalia, balse Wargeyska Wanshinton Pots ee ka soo baxay Magaalada Wanshinton ayaa Jimcihii sheegay 12-askari, in Maraykanka ay joogaan Soomaaliya kuwaasoo loo bixiyay ciidanka isku xirka millitariga, si ay tallo bixin, iyo isku xir u siin lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMIISOM.

Ciidankan ayaa shaqadooda waxa ay tahay siddii u kobcin lahaayeen tayada iyo xisilloonida dedaalka ballaaran ee lagu soo celinaayo awooda Ciidamada.

Waa markii ugu horreysay oo askari Maraykan ah lagu arko ciidda Soomaalida tan iyo sannadkii 1993 xilligaas oo 18-askari Maraykan ah lagu dilay caasimada Muqdisho, isla sannad kaddibna Maraykanka uu isaga baxay guud ahaan Soomaaliya.

Maraykanka saldhig ciidan oo weyn ayuu ku lee yahay dalka Jabuuti, halkaasoo ay ka duulaan diyaaradaha wax basaasa waxna duqeeya, kuwaasoo Soomaaliya meelo badan ka geestay duqeyn.

Sannadkii horre waxaa Soomaaliya yimid taliyaha ugu sareeya ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afrika, kaasoo la kulmay madaxda dowladda iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba, dowladda Maraykanka ayaa bishii Janaayo ee sannadkii horre waxa ay aqoonsatay dowladda fedaraalka Soomaaliya,waxaana Maraykanka uu 500 oo milyan oo dollar uu ku bixiyay tababarka iyo kobcinta ciidanka Midowga Afrika iyadadoo 70 malyuun oo dollaar uu ku bixiyay ciidamada Soomaalida.

Hey’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa horrey loo sheegay in saldhig qarsoodi ah ay ku lee dahay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com