Maqaal xiiso leh: Farriin ka timid arday ka tirsanaa Ubaxii kacaanka + Video

Xilligii dowladii kacaanka ay dalka Soomaaliya ka jirtay waxaa inta badan indhaha shacabka ku dhici jiray farriimo suugaaneysan oo ay soo bandhigi jireen UBIXII KACAANKA kuwaasi oo u badnaa ardaydii xilligaasi.

Haddaba markii ay burburtay dowladii kacaanka oo ardaydaasi gacanta ku heysay waxbarasho ahaan iyo caafimaad ahaan, waxaa ay ku kala baaheen dunida dacaladeeda, iyaddoo qaar ka mid ah ay galaafatay colaadii sokeeye ee dalka ka dhacday.

Xubin ka tirsan UBIXII KACAANKA oo la soo xiriiray warbaahinta caasimada.net ayaa waxaa uu dalbaday inuu shacabka Soomaaliyeed gaarsiiyo farriin uu isku barbardhigayo wanaagii la heystay xilligii dowladii kacaanka iyo khasaarihii laga dhaxlay burburintii dowladaasi.

Muuqaalka hoose waxaa uu ardaygan kusoo gudbinayaa erayo iyo heeso ku dareen gelinaya kuwaasi oo labada waqti ka hadlaya. Waxaana sidoo kale buddhiga farriinta uu ka dhigtay heestii allaha u naxariistee abwaankii weynaa ee Abdiqadir Xirsi Yamyam oo aheyd ” SOOMAALIBAAN AHAY”.

Waxa kale oo uu si gaar ah ugu sheegayaa farriintiisan in dadka oo dowlad heysata islamarkaana aysan baahi aheyn in fanaanada Saado Cali Warsame soo qaaday heestii “Soo bari galeey ama Landcruiser gado” taasi oo qeyb ka aheyd kacdoonkii lagu riday dowladii xilligaasi jirtay.

Haddana isla jawaabta heestaasi mirihii laga dhaxlay ayuu usoo qaatay shaqsigan farriinta soo diray isla fanaanada Saado Cali Warsame oo hadda Muqdisho kusoo qaaday hees ay ku cabireyso in dadka gaajo iyo abbaar galeen, taasi oo uu abwaan Maxamuud Ciise Singub kusoo daray riwaayadiisa aan soo bixin ee “Ummad wada siyaasi ah” .

Qaabka farshaxanimada leh ee farriintan uu usoo bandhigay ayaa ah mid ka hadlayay waqtigii la soo maray iyo waxa hadda la joogo. Soomaalinimadii iyo hogaankii dalkeena u ahey africa kale iyo sida maanta ciidamo kala ka socda ay ammaankiisa u sugayaan!!!.

Waxba yuusan hadalka ila durkine halkan hoose ka daawo farriinta arday ka tirsanaa ubixii kacaanka.