Maamulka Hiiraan oo ku guuleestay daminta colaad taagneed

Beledweyne (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa maanta oo Axad ah sheegay in ay ku guuleesteen siddii loo soo afjari lahaa dagaal beeleed ka dhacay deegannada Kabxanleey iyo Diifow oo ka tirsan gobalkaas.

Wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobalka Hiiraan, Cabdikariin Faarax laqanyo ayaa shaley gaaray deegannada lagu dagaallamay, waxaana halkaas ay maanta ku qabteen kulan ballaaran oo lagu soo afjaraayo dirirta ka taagneed deegannadaas.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa sheegay in labada dhinac ay oggolaadeen siddii loo kala qaadi lahaa maleeshiyaadka labad dhinac, waxaana uu tilmaamay la kala saxiixday heshiis ka kooban dhowr qoddobo sidda uu yirin.

Wuxuu tilmaamay in labada dhinac lakala dhex dhigi doono ciidamo ka socda AMISOM ah iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Intaa kaddib waxaa hadalka qaatay qaar ka mid ah odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda labada maleeshiyo, waxaana ay sheegeen in ay taageersan yihiin heshiiska la kala dhex dhigay labada beel.

Deegannadan ayaa dagaallo ay horrey uga dhaceen, kuwaasoo la isku heesto dhul, waxaana ka dhashay khasaaro dhimmasho, dhaawac iyo mid hantiyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com