Dhageyso: Kullankii Axmed Madoobe iyo beesha Sade maxaa kasoo baxay?

Dhawaan waxaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose wafdi ka socda maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo iyo xubno ka tirsan Wasiirada Maamulka Jubba iyo Siyaasiyiin.

Xubnaha gobolka Gedo ka tagay ee Kismaayo gaaray waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Doolow C/rashiid Janan, Afhayenka maamulka dowladda Soomaliya ee gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed, Xildhibaan hore Cali Xasan Deyr, Wasiir ka tirsan mamulka Jubba, Imaam Rashiid Gurra oo kamid ah gudiga dib u heshiisiinta Maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa mudadii ay Kismaayo ku suganaayeen kulamo kala duwan la qaateen masuuliyiinta sare ee Maamulka Jubba sida Madaxwayne ku xigeenka Jubba Gen Abdullahi Sheekh Ismaaciil Fartag iyo Xubno kale.

Sidoo kale Wafdiga ayaa maanta la kulmay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) waxaana ay isla soo qaadeen arimo dhowr oo kamid tahay dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka qaybaha kale ee maamulka Jubba.

Imaam Rashiid Gurra oo kamid ah Wafdiga Gedo ka tagay ee gaaray degmada Kismaayo ayaa sheegay in kulamo gooni gooni ah inay  la qaateen masuliyinta Jubba.

Wuxuu sheegay arimaha ugu wayn ee ka wada hadleen inay kamid tahay dhamaystirka Jubba. Iyo isku xirka bulshada Jubbooyinka.

Hoos ka dhagayso wareysiga Imaam Rashiid

Iimaan-Rashiid-Gurra (1)

Isha: Kismaayo24