28.1 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Dil xalay ka dhacay MUQDISHO iyo Faah-faahin cusub oo laga helaayo

Muqdisho(Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay magaalada Muqdisho ku toogteen wiil dhallinyaro ah.

Goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online, ayaa xaqiijiyay in kooxo ku hubeysan bastoolada ay ku dileen wiil dhallinyaro ah xaafad ku dhow Hotel Garguurte oo ku yaalla degmada Yaaqshi.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Jeyte Raagge ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhallinyarada xaafadda lagu dilay.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaa dilka kaddib goobta gaaray ciidamo boolis ah kuwaasoo baaritaan ka sameeyay xaafadda balse ma jirto cid ay u soo qabatay.

Ilaa hadda lama sheegin sababta loo dilay wiilka dhallinyarada mana jirto cid ka hadlay, balse waxa uu dambeeyay dila qorsheesan oo magaalada Muqdisho ka dhacayay maalmihii ugu dambeeyay.

Dhowr jeer oo horre ayaa magaalada siddan oo kale loogu dilay dad rayid ah mana jirto cid loo soo qabtay, waxaana arrintaas walwal ka muujiyay bulshadda rayidka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisjo

[email protected]

Carro xoogan oo ka dhalatay markii ay DF adeegsatay heeskii loo tiriyey dilkii AUN Salaad Gabayre iyo Ceynaanshe

Siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa siweyn ugasoo horjesstay dhaliilayna heestii lasaray TV-ga qaranka ee SNTV, xilli dil qasaas ah uu ka dhacay Muqdisho 7-da bishan January ee sanadka 2014-ka, iyaga oo kutilmamay wax laga xumaado arintaasi.

Heestaas oo ahayd Samadiidow dabin baa kuu dhigan laguugu dili doonee waxaa la qaaday 1972-kii sadaxdii bishii marso, xiligaasi oo loo qaaday dilkii allaha unaxariistee General Salaad Gabayre Kadiye iyo General Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Col: Cabdulqadir Dheel Cabdulle, oo ahaa halyeeyo oo soo qabtay xilal kala duwan.

Cabdi Casiis Maxamuud Cilmi
Cabdi Casiis Maxamuud Cilmi

General Salaad, waxa uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee dhaliya fikirkii kacaanka waxa uuna noqday wasiirka gashandhiga ahna madaxweyne ku xigeenka koowaad 1969-kii oo ahayd habeenkii kacaanku dhashay.

Marxuum General Salaad Gabayre, waxa uu ahaa oo kale geesigii horkacayay dagaalkii ciidamada Soomaaliya ay la galeen dowladda Ethiopia 1964-kii, isaga oo ku qaatay bilad geesinimo iyo hal darajo oo ahayd in lasiiyay darajada Gashanle dhexe.

Siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo ayaa uwakiishay siyaasiga iyo aqoonyahanka caanka ah mudane Cabdicasiis Maxamuud Cilmi (Dacay), waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay raali galin ka bixiso gafkaas ka dhacay howl wadeenada SNTV, si looga fogaado carro iyo qul qulatooyin siyaasadeed oo ka dhasha heestaasi oo Soomaaliyoo dhami ogtahay waxa loo sameeyay iyo sida loo adeegsaday burburkii kahor.

Mudane Cabdicasiis Dacay waxa uu si gaar ah baaq ugu diray madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamanka Jawaari iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed in ay tallaabo cad ay ka qaadaan howl wadeenadii SNTV ee falkaasi ku kacay isaga oo intaasi raaciyay in Soomaaliya u baahantahay samata bixin iyo bad baado oo aysan u baahneyn in dib loo xasuusiyo arrimo dhacay oo aad uxanuun badan iyo dadkii gardarrada lagu xasuuqay.

Daauud Cabdi Daauud
Nairobi, Kenya

Madaxweyne C/WELI GAAS oo digniin culus u diray maamulkii ka horreeyay

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maanta oo Jimco ah shir jaraa’id ku qabtay hooyga uu ka daggan yahay magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Cabdiweli Gaas ayaa ugu horreyn u digay, maamulkii ka horreeyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la boobayo dhammaan wixii agab yaalay xafiisyada dowlad gobaleedka Puntland, ilaa inta uu ka soo dhisaayo golle wasiiro cusub oo maamulkiisa uu yeesho.

Wuxuu ku amray, wasiir kasta, iyo dhammaan mas’uuliyiinta Puntland oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka in ay mas’uul ka noqon doonaan wax kasta oo laga qaato xafiis ama goobaha uu ku shaqeenayay maamulkii horre.

“Qof kasta oo mas’uul ah waxaa la farayaa in uu xafido, hanti, qalab, gaadid iyo dhammaan qalabkii uu ku shaqeen jiray maamulkii horre waa mas’uuliyad saaran oo lagula xisaabtami doono” ayuu yiri Gaas.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas, ayaa ciidamada ammaanka faray in ay adkeeyaan ammaanka gudaha iyo dibedda ee gudaha Puntland, waana ayuu ku amray in si hufan u gutaan shaqooda.

Dhinaca kale, madaxweynaha cusub ayaa ka mahad celiyay taageerada ay u muujiyeen madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo dhammaan beesha caalamka kuwaasoo soo dhaweeyay guusha uu gaaray, wuxuuna xusay in dowladdiisa cusub wadashaqeen fiican ay la yeelan doonto dowladda Soomaaliya sidda uu yiri.

Mar la weydiiyay xukuumada uu soo dhisaayo in muddada ay qaadaneyso?

Wuxuu tilmaamay muddo seddax toddobaad ama 21-cisho in uu soo dhisaayo dowlad kooban oo tayo leh sidda uu yiri.

Waa digniintii ugu horreysay ee uu saaray madaxweynaha cusub, kaddib markii la sheegay in xafiisyo badan laga qaatay qalab iyo gaadid uu ku shaqeen jiray maamulkii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Video: Fannaanada Maryan Mursal oo ka cabaneysa dhalinyarada Somalida

Fanaanada Caanka ah Maryan Mursal Ciise Bootaan ayaa dad badan oo ka yaabsatay markii ay ka sheekeysay arin aad looga naxay oo ka jira Qaarada Yurub.

Maryan Mursal waxeey sheegeysa in ay tahay 60 jir hadane dhib ay ku qabto dhalin yaro 20 jir ah sida ay sheegeyso ee nala daawo Muuqaalka Fanaanada oo ka hadleysa arinkaasi.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Feysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sh.

Hargeysa (Caasimada Online) Guddoomiyaha xisbiga muraadka UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku tilmaamay qof gabay shaqadii loo igmaday oo ku mashquulaya horrumarka ay gaartay Somaliland sidda uu yiri.

Feysal Cali ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu wado qorshayaal uu ku kala dhantaalayo horrumarka ay ku tallaabsatay maamulka Somaliland.

Wuxuu u sheegay madaxweynaha in uu nabadeeyo gobalada, Jubbada Hoose, Shabeellaha Hoose, iyo Shabeellaha Dhexe intii uu ku mashquuli lahaa dal horrumar gaaray sida uu tilmaamay.

Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay Somaliland in ay maanta u baahneen in ay la midoowdo Somaliweyn maadama ay hadda isku filantahay.

Feysal Cali Waraabe waa nin hadallo kala duwan looga bartay, waxaa uu mar horre amaanay dowladda Soomaaliya iyo horrumarka ay gaartay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Somaliland oo shaacisay inay aqoonsi dal ahaan ka heshay dowladda Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland, ee woqooyiga Somalia, ayaa shaaca ka qaaday inuu filayo in maamulkiisa uu dhowaan helo aqoonsi caalami ah, kadib 22 sano oo dadaal ah.

Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay wargeyska The Economist, ayaa ku dooday in dowladda federaalka Somalia ay iminka aqbashay xaqiiqda ah in la joogo waqtigii labada dhinac ay kala aadi lahaayeen laba jiho.

Waxa uu sheegay in wada-hadalladii dhowaanahan ay la galayeen dowladda Somalia ee ka dhacayey dalka Turkiga ay ku saabsanaayeen oo kaliya sidii labada dhinac ay u kala lug bixi lahaayeen, oo aanay meesha ku jirin wax wada-hadal ah oo la xiriira midow.

“Dowladda Somalia waxa ay si rasmi ah inoogu aqoonsatay maamul ahaan, waxayna diyaar u tahay inay waxyaabo badan ka tanaasusho” ayuu yiri Biixi.

“Waxa ay aqbashay oo ay fahamsan tahay…inay tahay wax u wanaagsan labada dhinacba in qof walba uu dantiisa raacdo oo la kala tago” ayuu yiri.

Hadalka Biixi, ayaa yimid xilli dhowaan ay mar kale dib u dhaceen wada-hadalladii labada dhinaca ee dalka Turkiga, mana cadda haddii faalloyinkiisa ay saameyn ku yeelan doonaan wada-hadallada.

Si kastaba dowladda Somalia waxa ay marar badan ku celisay inaysan wada-hadal ka galeyn midnimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Dhageyso: Faysal Ci Waraabe: Waxaan ka cabsi qabaa in Cabdi Weli Gaas uu dagaal ku hogaamiyo Majeerteen

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay doorashadii madaxweyne ee dhowaan ka dhacday Puntland, oo uu ku guuleystay Cabdi Weli Gaas.

Faysal Cali Waraabe, ayaa siiyey Cabdi Weli Gaas digniin ku saabsan muranada dhinaca dhulka ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

“Ninkan Cadbi Weli Gaas ah, waxaan maqlay inuu sheegtay dhulka Somaliland, waxaana ka cabsi qabaa inuu beesha Majeerteen dagaal cusub ku hogaamiyo, taasi oo khasaare u keeni doonta” ayuu yiri Cabdi Weli Gaas.

Halkan ka dhageyso Faysal Cali Waraabe

waraabe

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Tahniyad Aqal Gal oo farxad leh

0

Tahniyad Aqalgal.

Aabe macalin cabdulaahi shiikh cumar caruurihiisa oodhan iyo xaasaskiisa
Hooyo Madiino Maxamed Baraale kheyre
Abti cabdullahi Maxamed Baraale xaaskiisa iyo caruurtiisa
Ayaan xassan Abdulle
Abti Cabdinaasir Maxamed Baraale iyo caruurtiisa.
Abti Xuseen Maxamed Baraale caruurtiisa iyo xaaskiisa
Habaryar Faadumo Maxamed Baraale iyo caruur teeda
Habaryar Cibaado Iyo caruurteeda
Habaryar Nuuro iyo caruurteeda
Habaryar Nafiso Maxamed Baraale iyo wiilkeeda
Habaryar Xamdi Maxamed Baraale
Habaryar Ardo Cabdi Baraale seygeeda iyo caruurteeda.
Ayeeyo Caasho Xaashi Xeyle.
Aboowe Cabdi Xakiin Macalin Cabdulahi iyo carruurtiisa
Abaayo Xaawo Cismaan Muuke.
Aboowe Cabdi Waaxid Macalin Cabdulaahi xaaskiisa iyo caruurtiisa,
Heybe Macalin Cabdulaahi
Sucaad Macalin CabdulAhi
Cabdi Nafac Macalin Cabdulahi
Faizo Macalin Cabdulahi
Siraaji  Macalin Cabdulaahi
Cabdi Samad Macalin Cabdulahi
Cabdi Wali Macalin Cabdulaahi

Dhamaan dadkaan waxay tahniyad kal iyo laaba udirayaan arooska iyo aroosada.   Maxamed Axmed Jimcaale Iyo marwadiisa Luul Macalin Cabdulaahi  oo aqalgalkoodu uu kadhacay magaalada muqdisho  xaafada buulo xuubey.
03/01/2014 waxey leeyihiin ubad kheyr qaba kala hela oo dadkooda diintooda iyo dalkooda anfaca. Aamiin

FAALLO: Madaxweynuhu yuu matalaa?

Xaqiiqa ahaan madaxweynaha, xildhibaanka iyo wasiirka waxaa loo xushay inuu ummadda wada matalo laakiin dadkeenu waxay sheegaan in madaxweynaha ama xildhibaanka ama wasiirku tolkiis matalo, dawladda ama wasaaradda uu maamulayana ay tahay dowlad ama wasaarad reer hebel laakiin marka la eego dadka badan ee jifo walba usoo safanaya jagada madaxweynenimada ama xildhibaanimada ama wasiirnimada waxaad ogaanaysaa in aan raggaas tolku soo wada dirsan; waayo haddii uu tolku cid soo dirsanayo nin kaliya ayuu soo dirsan lahaa ee rag iyagu isjabiya masoo wada rashaxdeen.

Haddaba waxaa is weydiin leh sababta ay madaxtooyada ama xarunta wasaaradda ugu uruuraan jifada madaxweynaha ama wasiirka cusub, jifada kii laga badalayna uga guuraan?. Maxaase keenay in madaxweynaha ama wasiirka ama xildhibaanku thaqaafada qabiilka ku shaqeeyo kolkuu xilka helo?.

Jawaabtu way sahlantahay; waayo inta badan ninkaan wuxuu ka maranyahay mabda’ iyo fikrad uu hirgaliyo ama dadka ugu baaqo, mana xambaarsana barnaamij shaqo ama hormarineed oo uu dadka ku hoggaamiyo. Waxaa kale oo dhici karta in waxa kaliya ee u kaydsan ee uu fikradda ka haystaa uu qabyaalad yahay.

Way jiraan rag soo bartay nidaamyo kale ama soo maray dhaqamo iyo hiddeyaal kale laakiin waxaa dhici karta in kuwaasi aysan xiliigaan dalkaan iyo dadkaan ka dhexshaqayn karin; sidaas darteed waxa kaliya ee usoo haraya ee suuqa lihi uu noqdo qabiilka iyo qabyaaladda.

Dhinac kale qabyaalad kaliya maahee nin walba wixii uu aaminsanaa ama soo bartay ama sidii dhaqankiisu ahaa intaanu xilkaan qaban way kasoo if baxayaan markuu madax noqdo. Waxaas kasoo if baxaya ha weynaadeen ama ha yaraadeen, wax xun ha ahaadeen ama wax san.

Waxaa kale oo saamayn qofka ku leh hadba dadka ku xeeran oo waxay cabsan yihiin ku daaranaya. Intaa waxaa dheer ninka madaxda ahi wuxuu u baahanyahay dad gar iyo gardaraba ugu nacamleeya, mana helayo cid bilaash durbaanka ugu tunta oo aan ahayn tolkaan la dagay.

Gunaanadkii nin walba isagaa is matala, nin nin matalana ma jiro, anfac gaara oo qabiilku ay ku qabaan oo aan faan iyo anagaa xukuna ahayna ma jiro, aakhirana kaligiis baa su’aasha la weydiin, ninkii xumaan ku taageerayna dambi u gaara ayuu helayaa ee nin walbow naftaa iyo aakhiradaa.

W/Q: Axmed C/Samad
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Daawo Video: C/weli Gaas oo ka hadlay heshiisyadii Faroole iyo DF Soomaaliya

Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Puntland Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa si dad badan uga hadlay Heshiisyadii Dowladii Faroole ay isku qabteyn Madaxda Dowlada & sida uu ka yeelayo.

Dr Gaas waxuu sheegayaa arimo la is dhahayay wuu kaga duwanaan doonaa Dowladii Faroole balse u muuqata in uu kala mid noqon doono ee nala daawo hadalkani laga duubay Madaxweynaha Cusub.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Gobol muhiim ah oo ka soo horjeestay ku biiridda maamulka koonfur galbeed

Afgooye (Caasimada Online) Mid ka mid ah Siyaasiyiinta gobalka Shabeellaha Hoose, oo sheegay inuu magaca gobolka iyo dadka degan u hadlayo, ayaa caawa ka soo horjeestay shirka maamul u sameenta gobalada koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya kaasoo ka socda magaalada Baydhabo.

Dr. Siid Cumar Abuukar Xaaji, oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay in dadka reer Shabeelle aysan ka warqabin shirka ka socda Baydhabo, wuxuuna tilmaamay in shirkaas ay wataan koox gooni ah sidda uu yiri.

Waxaa uu xusay in Shabeellaha Hoose afar degmo oo muhiim ah aysan gacanta dowladda ku jirin siddaas darteedna wax la dhaho Fedaraal uu xilligan ka hirgali Karin Shabeellaha Hoose, sidda uu yiri.

Wuxuu ku celceliyay in odayaal ka soo jeeda Baay iyo Bakool in ay rabaan in been ka sheegaan bushadda reer Shabeellaha Hoose, oo aan aqoon u lahayn wax la dhaho Fedaraal.

“Reer Baydhabo meeshooda hanaga joogaan, annaga xilligan Fedaraal wax la dhaho diyaar umanihin, waxaana maqan afar degmo oo muhiim ah” ayuu yiri Siid Cumar.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay marka la xoreeyo degmooyinka gacanta dowladda ka maqan oo ay dadka Shabeelle ay fahmaan Fedaraal allaha nagaarsiiyo.

Shirka Baydhabo ka socda ayaa la doonayaa in maamul loogu sameeyo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Shirka ayaaba hadda khilaaf uu ka taagan yahay, oo waxaa la isku heestaa ma seddax ayaa laga dhigaa maamulkiisa mise lix gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wixii maanta ka dhacay Baydhabo oo warar dheeraad ah laga helay

Baydhabo (Caasimada Online) Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxa ay is-hortaag ku sameeyeen in ka badan 40 oday oo ka mid ah ergooyinka ku shiraya xarunta magaalada Baydhabo kuwasoo loo diidday in galaan shirka goobta shirka oo ah xarunta xarunta ADC-da.

Haddaba sida ay wax u dhaceen waxaa ka hadlay afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Baydhabo, Malaakh Deerow, oo u warramay warbaahinta, wuxuu tilaamay in odayaasha maanta loo diidday in ay soo galaan shirka ay ahaayeen kuwa aan wadan ID Card isla markaana aan loogu talagalin shirka in ay ka qaybgalaan.

Wuxuu beeniyay in shirka Baydhabo maanta lagu kala kacay, arrintaas waxaa buunbuuniyay buu yiri odayaal qorsho gooni ah wata, waxaana uu ku goodiyay in ay tallaabo ka qaadi doonaan sidda uu hadalka u dhigay.

Malaakha ayaa xusay in shirka Baydhabo uu galay wajigii labaad, kaasoo maalintii shaley laga dhex magacaabay 36-xubnood oo guddi farsamo kuwaasoo ka soo baaran degga sida uu noqon doono maamulka lixda gobal ee loo dhisaayo gobalada Koonfur Galbeed.

“Annigoo ku hadlaya afhayeenka beelaha Baydhabo, waxaan idiin xaqiijinayaa in aaney waxbo ka jirin wararka sheegaya in shirka Baydhabo lagu kala kacay, isla markaana AMISOM aysan is hortaagtaagin odayaasha ka qaybgalaya shirka, AMISOM wax siyaad ah kuma lug lahan, meesha waa la keensaday, warkaasna waa been” ayuu yiri.

Maanta duhurkii ayaa wararka aan qornay waxaa ku jiray war ku saabsan shirka Baydhabo in lagu kala kacay, kaddib markii loo diidday in ka badan 40- odayaal oo ahaa kuwii ku shiraayay Baydhabo, kuwaasoo shirka ku tilmaamay in uu yahay mid ay afduubteen qolo gooni ah.

Waxaa jirta oo cad in uu jirro khilaaf xooggan oo ka dhashay shirka maamulka cusub looga sameenaayo magaalada  Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

Wafdi ka socda gobolka Gedo oo tagay Kismaayo & Mowqifkooda oo isbadalay

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta oo Khamiis gaaray wafdi ka socda maamulka Gedo.

Wafdiga gaaray Kismaayo oo uu hoggaaminaayay wasiirka caafimaadka ee maamulka KMG ah ee Juba, Xasan Aadan Yarrow ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kisamayo.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid wasiiradda maamulka Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Gen Fartaag.

Afhayeenka Gobalka Gedo, Nuur Sayax Aadan oo caawa la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaabka maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in magaalada ay u tageen siddii ay kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda maamulka KMG ah ee Juba maadama ay ka tirsan yihiiin.

Mar la weydiiyay in mowqifkooda uu isbadalay maadama ay horrey uga soo horjeedeen maamulka Axmed Madoobe? wuxuu tilmaamay in hadda wixii ka dambeeya ay taageersan yihiin maamulka Jubba sida uu yiri.

Si kastaba, maamulka Gedo ayaa labo garab ukala jabay, waxaana ergo 40 kor u dhaafaya ay kal horre ku biireen shirka maamul u sameenta Koonfur Galbeed ee ka socda Baydhab, waxaana hoggaaminayay ergadaas siyaasiga Maxamed Sayid Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Vila Hargeysa oo laga furay Muqdisho iyo Howlaha ay qaban doonto

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah dib loo furay xarunta Vila Hargeysa oo ku dhex taalla madaxtooyada Soomaaliya.

Xafladda furitaanka waxaa ka qaybgalay madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Xaruntan ayaa la sheegay in ay ku shaqeen doonaan guddoonka iyo guddiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Xaruntan ayaa la la sheegay in dhismaheeda door weyn ay ku lahayd dowladda Norwey, taasoo bixisay dhaqaalaha ku baxay.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa aad ugu mahadcelisay dowladda Norwey, wuxuuna xusay la’aanteed in aysan hirgali Karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna ku tilmaamay xaruntan mid horrumar u herseedeysa baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwa sameeyay wax yaabo lagu farxo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabadani ay fududeynayso gudashada waajibaadka hor yaalla guddoonka baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay baarlamaanka Soomaaliya in ay qabteen howllo la taaban karo oo sharraf u ah shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Cabdi Weli Gaas iyo Faroole oo kulan xasaasi ah ku leh Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Garoowe in uu ka socdo kulan albaabada uu u xiran yahay oo ay lee yihiin madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynihii horre Cabdiraxmaan Maxamed Muuse.

Kulanka waxaa kaloo kuwehlinaya ergooyin ka socda beesha caalamka, waxaana la sheegay in looga hadlaayo siddii looga arrinsanaa wax yaabaha xigga doorashada madaxweynaha iyo sidda horrey loogu sii wadi karo horrumarka ay ku tallaabsatay Puntland.

Ma jirto wax faah-faahin kale oo laga hayo kulanka ka socdo xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, balse waxaa loo yeeray wariyaasha ku sugan magaalada Garoowe, kuwaasoo loo sheegay in uu jirro shir jaraa’id.

Waa kulankii ugu horreyay oo ay yeeshaan labada nin tan iyo markii doorashada madaxweynaha Puntland uu ku guuleestay Cabdiweli Maxamed Cali ra’iisal wasaarihii horre ee Somalia.

Faah-Faahin kala soco Caasimada Online.

 

Xasan oo shaaciyey sababaha keenay dib u dhaca magacaabista wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay sababaha keenay in dib u dhac uu ku yimaado magacaabista golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya oo maalmahan la dhowrayay.

Madaxweynaha oo la hadlaayay koox wariyaal oo ku sugnaa xarunta Vila Somalia ayaa sheegay in ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu wado wadatashiyo iyo kulamo aan kala go’ lahayn kuwaasoo uu ku doonayo in dadka uu kala tashado xukuumadda uu soo wado.

Xasan Sheekh ayaa xusay in ra’iisal wasaaraha uu qabtay shaqo adag, taasoo keentay in habeeno badan uu shaqeeyo waqtiyo badan sida uu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday baarlamaanka in ay dul qaad muujiyaan maadama la doonayo in la soo dhiso xukuumad tayo leh.

“Baarlamaanka waxa ay maalmahan u dhag taagayaan xukuumada cusubka, balse ra’iisal wasaaraha Ra’iisal wasaaraha shaqo aad u adag ayuu qabtay isagoo kulamo iyo fadhiyo la qaatay dadweynaha oo dhan bal sii loogala tashado waxyaabaha ay doonayaan iyo wax yaabaha ay neceb yihiin, waxaan oghay in uu habeeno badan uu dhafray, Baarlamaanka dulqaadkiisa waa uu ku mahadsan yahay, waxaana mar dhow aan filayaa in ay ka soo dhammaan doonto wadatashiyada oo uu ku dhawaaqi doono xukuumadiisa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay doorashadii shaley ka dhacday Puntland, wuxuuna si gaar ah u amaanay baarlamaanka cusub ee Puntland, isagoona intaas ku daray in ay u duceenayaan isla markaana ay taageero diyaar la yihiin madaxweynaha cusub sida uu yiri.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xafiiska jooga muddo 18-cisho tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 26-kii bishii December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Horumarka & ganacsiga ka socda magaalada Muqdisho 2014

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxay cagta saartay Wadadii Horumarkka & Nabadda, waxaadna ka dareemeysaaa Magaalada horumar dhan walba ah.

Muqdisho Horumarka ay ku talaabsatay waxaa ka mid ah Ganacsiga & dhana wax soosaarka hadaba nala arag Horumarka Sanadka Cusub 2014 & Magaalada Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

Shirka BAYDHABA oo lagu kala kacay

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shirkii ka socday magaalada Baydhabo ee looga hadlaayay maamul u sameenta lix gobal in lagu kala kacay maanta oo Khamiis ah.

Malaakh Sanweyne Maxamed Cali oo ka mid ah odayaasha ka qaybgalaya shirka Baydhabo ayaa u sheegay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho in maanta ciidamada AMISOM ay is-hortaageen in ka badan 40 ergo oo ahaa kuwii ka qaybgalayay shirka maamul u sameenta Koonfur Galbeed ee ka socda xarunta ADC-da.

Wuxuu tilmaamay shirka Baydhabo in uu noqday mid fowdo ah, maadama la magacaabay guddi loo bixiyay Stary Comity, wuxuuna ku tilmaamay in loo magacaabay kooxo qas-wadayaal ah sida uu yiri.

“Ciidanka AMISOM ayaa is-hortaag nagu sameeyay, waxaan gaareynaa 43-oo kamid ahaa odayaasha beelaha Baay iyo Bakool ee shirka ku sugnaa, laakin AMISOM waxa ay lee yihiin kuwa gudaha ku jira waan soo saareynaa, meesha masiibo ayaa ka soo socota, waxaan qaban doonaa shir jaraa’id oo aan uga hadleyno in aan raali ka ahayn shirka qaabka uu socd” ayuu yiri Malaakh Sanweyne.

Wuxuu xusay in shirka Baydhabo uu yahay mid aaney dowladda ka warqabin, maadama ay wadaan koox fitnayaal ah, sidaas darteed ma yeeleyno mana oggolaan doono wax yaabaha ka socda Baydhabo” ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxa uu ku celceliyay in shir aaney dowladda ka warqabin oo madaxweynaha uusan furin in uusan ka dhici karin magaalada Baydhabo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in khilaaf xooggan uu ka dhashay shirka ka socda magaalada Baydhabo, waxaana khilaafkaas uu la xiriiraa sida laga yeelaayo maamulkaas, waxaa qaar ka mid ah odayaasha iyo siyaasiyiinta ay lee yihiin waxaan u baahanahay waa in shirka uu ku koobnaadaa Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, kuwa kale ayaa iyagan ku dooddaya in maamulka cusub loo sameeyo Baay, Bakool, Gedo, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Tarsan oo shaaciyey qorshe magacyo beddelis ah oo saameynaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku baaqay in la badalo magacyada qaar ka mid wadooyinka caanka ah ee Muqdisho ku yaalla.

Tarsan oo ka hadlaayay xafladda loo qabtay Iskaashitada Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay in ay haboontahay siddii magacyada looga badali lahaa wadooyinka Muqdisho.

Wuxuu soo jeediyay in loo bixiyo wadooyinkaas caasimada Turkiga ee Istanbul iyo magacyo kale.

“Waxaad maqleysaa wadadda Soddonka,Wadnaha iyo Vila Liinin, maxay macno ah oo ay lee yihiin, maxay xambaarsan yihiin, waxaan u baahanahay in macno u yeelno wadooyinka caasimada ku yaalla” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa soo jeediyay maadama la mideeyay caasimadaha Muqdisho iyo Istnbul in muhiim tahay  waddooyinka Muqdisho loo bixiyo Via Istanbul, wadadda Iskaashatada iyo magacyo kale oo qurux badan sidda uu yiri.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladii ugu horreysay ee mashruucyo lagu horrumarinaayo Muqdisho ka billowday, waxaa ay dib u dayactirtay qaar ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho sida Makah Al-Mukaramah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]