Feysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sh.

Hargeysa (Caasimada Online) Guddoomiyaha xisbiga muraadka UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku tilmaamay qof gabay shaqadii loo igmaday oo ku mashquulaya horrumarka ay gaartay Somaliland sidda uu yiri.

Feysal Cali ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu wado qorshayaal uu ku kala dhantaalayo horrumarka ay ku tallaabsatay maamulka Somaliland.

Wuxuu u sheegay madaxweynaha in uu nabadeeyo gobalada, Jubbada Hoose, Shabeellaha Hoose, iyo Shabeellaha Dhexe intii uu ku mashquuli lahaa dal horrumar gaaray sida uu tilmaamay.

Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay Somaliland in ay maanta u baahneen in ay la midoowdo Somaliweyn maadama ay hadda isku filantahay.

Feysal Cali Waraabe waa nin hadallo kala duwan looga bartay, waxaa uu mar horre amaanay dowladda Soomaaliya iyo horrumarka ay gaartay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com