Somaliland oo shaacisay inay aqoonsi dal ahaan ka heshay dowladda Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland, ee woqooyiga Somalia, ayaa shaaca ka qaaday inuu filayo in maamulkiisa uu dhowaan helo aqoonsi caalami ah, kadib 22 sano oo dadaal ah.

Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay wargeyska The Economist, ayaa ku dooday in dowladda federaalka Somalia ay iminka aqbashay xaqiiqda ah in la joogo waqtigii labada dhinac ay kala aadi lahaayeen laba jiho.

Waxa uu sheegay in wada-hadalladii dhowaanahan ay la galayeen dowladda Somalia ee ka dhacayey dalka Turkiga ay ku saabsanaayeen oo kaliya sidii labada dhinac ay u kala lug bixi lahaayeen, oo aanay meesha ku jirin wax wada-hadal ah oo la xiriira midow.

“Dowladda Somalia waxa ay si rasmi ah inoogu aqoonsatay maamul ahaan, waxayna diyaar u tahay inay waxyaabo badan ka tanaasusho” ayuu yiri Biixi.

“Waxa ay aqbashay oo ay fahamsan tahay…inay tahay wax u wanaagsan labada dhinacba in qof walba uu dantiisa raacdo oo la kala tago” ayuu yiri.

Hadalka Biixi, ayaa yimid xilli dhowaan ay mar kale dib u dhaceen wada-hadalladii labada dhinaca ee dalka Turkiga, mana cadda haddii faalloyinkiisa ay saameyn ku yeelan doonaan wada-hadallada.

Si kastaba dowladda Somalia waxa ay marar badan ku celisay inaysan wada-hadal ka galeyn midnimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com