Dhageyso: Faysal Ci Waraabe: Waxaan ka cabsi qabaa in Cabdi Weli Gaas uu dagaal ku hogaamiyo Majeerteen

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay doorashadii madaxweyne ee dhowaan ka dhacday Puntland, oo uu ku guuleystay Cabdi Weli Gaas.

Faysal Cali Waraabe, ayaa siiyey Cabdi Weli Gaas digniin ku saabsan muranada dhinaca dhulka ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

“Ninkan Cadbi Weli Gaas ah, waxaan maqlay inuu sheegtay dhulka Somaliland, waxaana ka cabsi qabaa inuu beesha Majeerteen dagaal cusub ku hogaamiyo, taasi oo khasaare u keeni doonta” ayuu yiri Cabdi Weli Gaas.

Halkan ka dhageyso Faysal Cali Waraabe

waraabe

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com