FAALLO: Madaxweynuhu yuu matalaa?

Xaqiiqa ahaan madaxweynaha, xildhibaanka iyo wasiirka waxaa loo xushay inuu ummadda wada matalo laakiin dadkeenu waxay sheegaan in madaxweynaha ama xildhibaanka ama wasiirku tolkiis matalo, dawladda ama wasaaradda uu maamulayana ay tahay dowlad ama wasaarad reer hebel laakiin marka la eego dadka badan ee jifo walba usoo safanaya jagada madaxweynenimada ama xildhibaanimada ama wasiirnimada waxaad ogaanaysaa in aan raggaas tolku soo wada dirsan; waayo haddii uu tolku cid soo dirsanayo nin kaliya ayuu soo dirsan lahaa ee rag iyagu isjabiya masoo wada rashaxdeen.

Haddaba waxaa is weydiin leh sababta ay madaxtooyada ama xarunta wasaaradda ugu uruuraan jifada madaxweynaha ama wasiirka cusub, jifada kii laga badalayna uga guuraan?. Maxaase keenay in madaxweynaha ama wasiirka ama xildhibaanku thaqaafada qabiilka ku shaqeeyo kolkuu xilka helo?.

Jawaabtu way sahlantahay; waayo inta badan ninkaan wuxuu ka maranyahay mabda’ iyo fikrad uu hirgaliyo ama dadka ugu baaqo, mana xambaarsana barnaamij shaqo ama hormarineed oo uu dadka ku hoggaamiyo. Waxaa kale oo dhici karta in waxa kaliya ee u kaydsan ee uu fikradda ka haystaa uu qabyaalad yahay.

Way jiraan rag soo bartay nidaamyo kale ama soo maray dhaqamo iyo hiddeyaal kale laakiin waxaa dhici karta in kuwaasi aysan xiliigaan dalkaan iyo dadkaan ka dhexshaqayn karin; sidaas darteed waxa kaliya ee usoo haraya ee suuqa lihi uu noqdo qabiilka iyo qabyaaladda.

Dhinac kale qabyaalad kaliya maahee nin walba wixii uu aaminsanaa ama soo bartay ama sidii dhaqankiisu ahaa intaanu xilkaan qaban way kasoo if baxayaan markuu madax noqdo. Waxaas kasoo if baxaya ha weynaadeen ama ha yaraadeen, wax xun ha ahaadeen ama wax san.

Waxaa kale oo saamayn qofka ku leh hadba dadka ku xeeran oo waxay cabsan yihiin ku daaranaya. Intaa waxaa dheer ninka madaxda ahi wuxuu u baahanyahay dad gar iyo gardaraba ugu nacamleeya, mana helayo cid bilaash durbaanka ugu tunta oo aan ahayn tolkaan la dagay.

Gunaanadkii nin walba isagaa is matala, nin nin matalana ma jiro, anfac gaara oo qabiilku ay ku qabaan oo aan faan iyo anagaa xukuna ahayna ma jiro, aakhirana kaligiis baa su’aasha la weydiin, ninkii xumaan ku taageerayna dambi u gaara ayuu helayaa ee nin walbow naftaa iyo aakhiradaa.

W/Q: Axmed C/Samad
alwaqaar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online