28.1 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Xog: Yaa ka dambeeyey guul-darradii Faroole ka raacday doorashadii P/L?

Nairobi (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa muujiyay in doorashadii madaxweynaha ee shaley ka dhacday magaalada Garoowe, oo uu guuleestay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, in laga shaqeeyay oo meelo badan laga soo abaabulay.

Yaa ka shaqeeyay in uu meesha ka baxo Faroole?

Sida ay lee yihiin ilaha warkan aaan ka soo xiganahay, Faroole wuxuu caqabad weyn ku ahaa dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer uu dhaliil iyo eedeen u jeediyay madaxda dowladda fedaraalka, taasoo aakhirkii keentay in uu xariga u jaro sannadkii la soo dhaafay xiriirka uu lahaa dowladda.

Dowladda Soomaaliya, waxa ay taas keentay in ay ku soo furmaan caqabado badan, waxaana uu Faroole xiriir la sameestay maamulka Axmed Madoobe oo madaxweyne u ah maamulka KMG ah ee Juba.

Dowladda waxa caqabad ku ahaa maamulka Axmed Madoobe, waxaana markii ay aqoonsi siiyeen maadama waqti badan uu goobtaas kaga lumay.

Dowladda ayaa la sheegay inay si xoog badan u taageerat Cabdi Weli Gaas, inkasta oo aysan jaceyl ka ahayn, balse u muuqatay mid aan isku daneysano ah, maadaama labada dhinacba ay ka sinnaayeen in Faroole meesha uu ka baxo.

Waxaa sidoo kale xogta ay sheegeysaa in DF ay si hoose dhaqaale ugu bixisay in Faroole la siibo.

Waxaa kaloo warar hoose oo laga helay Villa Somalia ay muujinayaan in doorashada Puntland ay sabab u ahayd in dib loo dhigo golaha wasiiradda cusun ee xukuumada Soomaaliya.

Markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadda Puntland, waxaa durba hambalyo u diray madaxweynaha cusub Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaarihiisa, waxaana ay ku tilmaameen mid horrumar cusub u horseedi doona deegannada Puntland.

Saxaafadda oo dhib weyn ku qabtay maamulkii horre.

Waxaa kaloo soo dhaweeyay isbadalka ka dhashay Puntland, bahda saxaafadda, kuwaasoo dhibaatooyin waaweyn kala kulmay shanti sanno ee la soo dhaafay maamulkii Faroole.

Maamulka faroole ayaa caburin, caga jugleen iyo xarig isugu daray wariyaasha ka howgala deegannada Puntland, taasna waxa ay keentay wariyaal badan in ay ka qaxaan deegannada Puntland.

Haddaba inta badan warbaahinta madaxa banaan ee ka howgasha Puntland ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub, waxaana ay sheegeen in ay ka bixi doonaan caburintii lagu hayay.

Faroole wuxuu sameestay Idaacad iyo Talafishan gaar ah u maamulkiisa, waxaana warbaahinta ka howlgasha Puntland uu saaray caddaadis xooggan.

QM yeey taageersaneed?

Qaramada Midoobay ayaa durba soo dhaweysay isbadalka ka dhashay Puntland, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kay ayaa u riyaaqay sida nabadda leh ee awoodd loola kala wareegay iyo kaalinta wax ku oolka ah ee madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiraxmaan Faroole uu ku leeyahay horumarka la sameeyay.

QM oo eegeysa dhibka uu Faroole ku hayay dowladda Somalia iyo jaritaanka xiriirkeeda oo lagu daray caqabaddii uu ku noqday xoriyadda hadalka, ayaa lagu warramay inay si hoose u taageerto in Faroole laga adkaado

Isku soo duub ra’yi aruurin la sameeyay waxa ay muujineysaa 90% in dadka reer Puntland ay ka soo horjeedeen madaxweyne Faroole.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Magacyada 11 ka mid ah liiska golaha wasiirada cusub ee C/weli oo la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacyada qaar ka mid ah shaqsiyaadka lagu wado inay ka mid noqdaan golaha wasiirada cusub, ayaa soo baxay, ayada oo weli ay jiraan khilaafyo xooggan oo ka taagan golaha wasiirada.

Xubnaha la helay magacyadooda oo horudhac ah waa 12 wasiir oo loo badinayo inay ka mid noqon doonaan 25-ka wasiir ee golaha wasiirada cusub.

Liiskaan iyo Magacyadda nasoo gaaray ma ahan kuwo rasmi ah oo Boqolkiiba Boqol la xaqiijiyay, waase Magacyo Hordhac ahaan noosoo gaaray oo ay dhici karto in wax laga badalo ama wax lagu daro.

  • Wasiirka Arimaha Dibadda: Yusuf Ibraahim Kaahin
  • Wasiirka Lacagta iyo Deeqaha Caalamiga ahna Raisal Wasaare xigeen: Xuseen Cabdi Xalane
  • Wasiirka Waxbarashada: Maxamed Nuur Gacal (DJ)
  • Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Fiqi
  • Wasiirka Gaashaandhiga: Col. Cabdiraxman Shiikh Ciise
  • Wasiirka Qorsheynta: Cabdulahi Goodax Barre
  • Wasiirka Aminga Qaranka: Cabdikarim Xuseen Guuleed (DJ)
  • Wasiirka Maaliyadda: Maxamuud Xasan Suleyman
  • Wasiirka Dastuurka, Cadaaladda iyo Dib-u-heshiisiinta: Farax Sh. Cabdulqadir (DJ)
  • Wasiirka Haweenka: Khadiija Maxamed Diiriye
  • Wasiirka Howlaha Guud: Nadiifo Maxamed Cismaan

Qaabka loo qeyninayo Wasiirada oo ku saleysan 4.5 iyo tirada Wasiirada oo kooban ayaa keentay in beel walba iyo jufo walba ay dhexdeeda iska qilaafaan Qofka ka mid noqonaya wasiirada cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Weli ma booqatay web-kan cajiibka?

Dhammaan bahda jecel cayaaraha, waxaa loogu bishaareenayaa billowga website-ka cusub ee www.gool.net, oo ah website hawada soo galay 1-da January 2014.

www.gool.net waa website kaliya u gaar ah kubadda cagta caalamka, oo aad loola dhacay.

Waxa uu in badan kaga duwan yahay website-yada kale ee cayaaraha ka faalooda, waayo ma qoro oo kaliya wararka, balse waxaad ka daawan kartaa video-ga cayaar kasta oo dhacda iyo waliba ayada oo live ah iyo taariikho hore.

Website-ka cususb ee www.gool.net waxa uu sidoo kale lee yahay qeybo iyo bogag u gaar ah koox kasta, waxaana taas uu kuu saamaxeysaa inaad si gaar ah u hesho wararka kooxda aad taageerto.

Haddaba booqo adaa ka heli doonaa shabakadda cayaaraha ee www.gool.net

Arrin cusub oo shirka Baydhaba kusoo korartay iyo wararkii ugu dambeeyey

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo waxaa looga dhawaaqay guddi ka kooban 36-xubnood, kuwaasoo loo bixiyay (Starry Committee), waxaana guddigan uu ka shaqeen doonaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Guddigan waxaa hoggaaminaya Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda gobalka Gedo, wuxuu sheegay guddiga in looga fadhiyo siddii ay ugu dhawaaqi lahaayeen dowlad gobaleed ka kooban lix gobal oo waa faqsan dastuurka sidda uu yiri.

Wuxuu xusay in 95% uu ku kal soon yahay in uu hirgalo maamulka cusub ee loo sameenaayo gobalada Koonfur Galbeed ee kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Shirka Baydhabo ka socda oo galay wajigii labaad, ayaa waxaa ka qaybgalay siyaasiyiin, odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalada lixda ah.

Dhinaca kale, guddiga looga dhawaaqay Baydhabo waxaa ka soo horjeeday ugaas Ugaas Xasan Maxamed kaasoo taageersanaa qorshe uu waday guddoomiyihii horre ee baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasoo ahaa in maamulka cusub lagu kobo seddax gobal oo kala ah, Baay, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose.

Wuxuu tilmaamay ugaaska cidda sameen karta guddiga Starry Comity, ay tahay, dowladda, baarlamaanka iyo odayaasha ka soo jeeda beelaha gobaladaas, intaasba meesha ma jooga ayuu yiri.

Si kastaba, shirka Baydhabo ka socda ayaa waxaa jirra beelo iyo siyaaska soo horjeeda maamulka loo sameenaayo lixda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Hadalkii Qanyare oo lasoo dhoweeyey laguna tilmaamay mid karti badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiweli Qanyare waa mas’uul ku dayasho Mudan , sidaasina waxaa ku tilmaamay Beesha Karanle ee qurbo Joogta ah ee ku nool Europe iyo Waqoyiga Maraynkanka, kadib shirar ay ku qabsadeen qadka telefoonka.

Waxa ay dood iyo fallanqayn ku saabasan xaalada wadanka uu marayo dhanka siyaasada iyo aminigaba kadib isku raaceen in siyaasiyiinta, aqoonyahanada,odayaal dhaqameeyda iyo waxgaraduba ay isla meel dhigaan qorsho wada jira oo looga gudbi karo xaaladaha xasaasiga ah ee dalka ka jira, la iskana ilaaliyo in koox gaara ay magaca beeleed si xulfeysi siyaasadeed oo dana beeleed kala gadaal ka riixayaan golayaasha qaranka dhaxdooda looga dhaqmo .

“Hadii taasi madaxda dawladda hogaamiso sida Madaxweynaha , Raisal wasraaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka u aqoonsadaan kutlado qabiil inay talo ka go’do waa nasiib daro iyo dalkoo dib udhac wayn looga rido higsigiii dawlad wanaag iyo himiladiii shacabkana dhabarjab xoogan ku dhacdo” ayey yiraahdeen.

Cabdi Weli Maxamed Faarax Qanyare
Cabdi Weli Maxamed Faarax Qanyare

Waxaa kale oo ka qayb galaaysha shirkan si buuxda u taageereen mowqfka iyo aragtida xildhibaan Cabdi Weli Maxamed Qanyare oo xildhibaan ku daysho mudan, waayo in dastuurka iyo sharciga in la ilaaiyo baarlamaankana guddiyadiisa kala duwan ee shaqeeya, guuddoomiyayaal loo doortayna leh si sharciyana loo ansixiyay, guddomiye Baarlamaan iyo ku xigeenana leh laga dhinac furo guddoomiyaal qabiil iyo kutlado qaab qabiil u samaysan laga door bido waa wax aad iyo aad u nasiib dara ah.

Beesha Karanle way kusoo gababeeyeen shirkooda in Dastuurka iyo sharciga la dhawro nidaamka dawladnimadan aan dib looga noqon , Masaalix shaqsiyadeed iyo mid kooxeedna laga gudbo si ummada ka dhursugayso aysan uga qalbi jabin lana gaarsiiyo himilada iyo rajada ay ka qabaan baarlamaan iyo dawlad daacada ee dalak ka samat biso dhibaatadan ragaadisay.
Shirka Dadkii ka Qeybgalay .

1. Abdi Ali
2. Ibrahim Cali Omer
3. Xasan Sky
4. Abdirashiid yusuf haagi
5. Mire Abdulahi Geedi
6. Ciise abdi Ducaale
7. Ali yahie
8. Ismacil yahie
9. Axmel Tilburug
10. Mahad Ali Jebshe
11. Abdicadir afeey
12. Nuur tusbaxle
13. Abdulahi Muumin
14. Bare Wene
15. Axmed nur Duqaw
16. Abdicadir Xasan ciise
17. Abdi Omer
18. Farhia Yusuf
19. Sacdiya Mahamud weheliye
20. Mulki muhumad
21. Xamdi xasan Cawl
22. Xasan jimcale
23. Shikh Ibraahim shakiraw
24. Abdirisaaq Geesey
25. Ciise Maxamed xasan Indhaqabyo
26. Bashiir Abdi weheliye
27. Mahad Cawaale
28. Mahamed Axmed Xasan
29. Mahamed Ali Duqaw
30. Xabiibo fartaag
31. Haboon Muudeey
32. Canab xuseen hambo
33. Abdiqadir shikh cali Shukri
34. Cabdi Casiiz maxamed jimcaale- Yaybadane
35. Badri Hayle Cabdi Bariise
36. Kooshin Cali Buubaal
37. Haashim Biidhe
38. Ahmed Mahamed Ali
39. Abdulahi Cali Duqaw
40. Muse Ali
41. Xiirey Jalwo
42. Calas Mahamed Cabdi kariim
43. Mahamed Teenis
44. Farhia Mahamed Gacal
45. Mahamed Xuseen wardheere
46. Karuur Mahamud Jayte Xaayaw
47. Abdulahi Ali Xagaley
48. Safiya Mahamed Gacal
49. Mahad shikh adan
50. Raxma dilixaw
51. Shukri beerey
Dr. Ahmednur hassan Adde

 

SOMALILAND oo durba digniin culus u gudbisay madaxweyne C/WELI GAAS

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa uga digay Maamulka Puntland in deeganada Soomaaliland ay ka arimiso uu faragelin ku sameeyo, kadib markii Madaxweynaha iminka talada la wareegay uu khudbad uu Baarlamaanka ka horjeediyay ku sheegay in Laascaanood dib loogu soo celinayo gacanta Puntland.

Xirse Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland, ayaa sheegay in hadii la isku dayo in faragelin lagu sameeyo dhulka Soomaaliland ay maamusho wixii cawaaqib xumo ee ka dhasha ay masuuliyadeeda qaadayaan Maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in Puntland ay kamid tahay dhulka Soomaaliya, guud ahaana Soomaaliya ay urajeynayaan wanaag iyo horumar.

C/wali Wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha shalay loo doortay Puntland, ayaa xilli uu ka hor hadlaye Baarlamaanka Puntland, wuxuu sheegay in Laascaanood oo hada Soomaaliland maamusho ay dib ugu soo celinayaan gacanta Puntland, iyadoo loo marayo siyaasada hadii dagaal laga fursan waayana dib loogu soo celinayo sida uu yiri.

Puntland iyo Soomaaliland, ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf ku aadan maamulida deeganada ay xuduuda ka wadaagaan ee Gobalada Sool iyo Cayn.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Video: Maxaa ka dhacay Uganda oo ka ilmeeysiiyay Soomaalida halkaas?

Caasimada Online:  Soomaali meel kasta ay joogaan waxaa ku heesta dhibaato xoogan oo ka daran tii ay kaga soo carareyn Wadankooda waxeyna ku dhibaateysan yihiin daafaha dunida meel kasta ay ka joogaan.

Arin aan hubo in uu ka naxayo Muwaadin kasta oo Soomaali ah ayaa qabsatay jaaliyad Soomaaliyeed  ee Uganda, waxaana arintan ay la xiriirtaa wiil yar oo Soomaali ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

C/raxmaan Xoosho Jibriil “Gaas wuxuu soo celin doonaa xiriirka P/L iyo DFS”

Garoowe (Caasimada Online) Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isla markaana soo noqday wasiirka dastuurka dowladdii KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xilka loo doortay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo noqday madaxweynaha cusub ee maamulka Puntand.

Xildhibaanka oo la hadlaayay Idaacadda VOA ayaa shegay in uu soo dhaweenaayo guusha uu helay Gaas, wuxuuna sheegay in uu u qalmo maadama uu yahay nin wax badan u qaban karo reer Puntland.

Wuxuu xusay in Cabdiweli uu isku soo dhaween karo maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil dhinaca kale, ku amaanay Cabdiweli Gaas in uu ahaa ninkii u horseeday Soomaaliya in ay ka baxdo KMG ah, wuxuuna sheegay oo kale in uu mas’uul ka ahaa shirarkii Roud-Mapka ee ka dhacay Garoowe, Gaalkacyo iyo Muqdisho.

Si kastaba, Cabdiweli Maxamed Cali ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa ku guuleestay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland markii uu helay codadkii ugu badnaa oo ahaa 33-cod.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa hor yaalla howllo adag oo ay ka mid tahay in uu soo celiyo xiriirka Puntladn iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhibaatooyinka madaxweynaha cusub ee Puntland Gaas horyaalla (Faallo)

Nairobi (Caasimada Online) Si lama filaan ah ayaa waxaa ku guuleystey tartankii doorashada madaxtinimada Puntland Cabdiweli Cali Gaas , oo ra’iisalwasaare ka ahaa xukuumaddii KMG ahayd ee Sheekh Shariif.

Inkasta oo tartanku ahaa mid aad u adag oo la isla gaaray wareeggii seddexaad, ayaa haddana dadka aad ula socday arrimaha Puntland qaarkood waxay BBC-da u sheegeen in ayna filayn guusha Cabdiweli, oo ay filayaeen In Faroole mar kale dib loo dooran doono.

Waxay amuurtaasi daliil uga dhigeen sida uu ugu diyaar garoobay doorashada iyo awooddii xukunka oo gacantiisa ku jirtay.

AbdiweliCabdiweli ayaa ra’iisalwasaare ka soo noqday dowladdii Sheekh SharifBalse waxaa jira dad kale oo iyaguna sheegay in ay filayeen in Faroole laga guulaysan doono iyagoo sabab uga dhigay taas sida xamaasadda leh ee reer Puntland u doonayaan isbaddal .

Waxay farta ku fiiqayaan sida ay doorashadu u dhacday oo u muuqatay mid hufan oo aan ku shubasho lahayn, taas oo loo arko in ay tahay horumar ay Puntland gaartay marka labarbar dhigo gobollada koonfurta Soomaaliya oo ayna ilaa hadda ka jirin gobal ay doorasho sidaan oo kale ah ay ka dhacday.

Dhibaatooyinka horyaalla

Khubarao ku sugan Puntland ayaa waxay xusayaan in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee horyaala madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli ay ugu horreeyaan dhibaatooyinka amni darrada oo muddaba ka jirtay meelo ka mid ah deegaanada Puntland weliba magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku xeeran.

Waxaa kaloo looga fadhiyaa Gaas in uu ka shaqeeyo sidii uu u mideyn lahaa dadka reer Puntland oo aad ugu kala qaybsanaa siyaasadda, taas oo la eegi doono xukuumadda uu soo dhiso sida dhinacyada oo dhami ay isaga arkaan.

Gobollada Sool iyo Sanaag oo muran siyaasadeed uu u dhexeeya Somaliland iyo Puntland uu muddaba ka aloosnaa ayaa iyadana laga dhur sugayaa sida uu u xalliyo madaweyne Cabdiweli.

Xasan Sheekh
In kasta oo caqabaddahaasi oo dhami ay yihiin kuwo ka jiro Puntland gudaheeda, haddana waxaa jirta dhibaato weyn oo Cabdiweli xal deg deg ah ka sugeysa, taas oo ah xiriirka Puntland iyo Xukuumadda Fedaralka.

Puntland ayaa dhowr bilood ka hor xiriirka u jartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dad badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed waxay isha ku hayn doonaan sida Cabdiweli uu u xalliyo khilaafka jiro.

Waxaana la sheegayaa in Cabdiweli uu xiriir wanaagsan la leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Isha: BBC Somalia

Gaas iyo Camey oo xilka loo dhaariyay

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta baarlamaanka Puntland ee Garoowe lagu dhaariyay madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) kuwaasoo maanta oo Arbaca ah ay doorteen 66-da xildhibaan ee uu ka kooban yahay baarlaaanka Puntland.

Waxaa dhaariyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland, waxaana ay sheegeen labadooda in ay si fiican ula shaqeen doonaan madaxweynihii horre.

Si kastaba, doorashadda maanta ka dhacday magaalada Garoowe oo ay goobjoog ka ahaayeen wafuud ka socotay QM, IGAD, Midowga Yurub,Midowga Afrika, iyo Soomaali ka kala yimid gobalada dalka iyo waddamada qurbaha, sidoo kale waxaa si xor ah howlahooda loogu oggolaaday warbaahinta oo si toos ah uga soo warramaya goobta doorashadda ka socotay.

Muddo saacad laga joogo ayaa laga soo kala dareeray goobta doorashada ay ka socotay oo ah meel duleedka magaalada ku taalla.

Xaaladda magaalada Garoowe ayaa galabta deggan kaddib markii maanta duhurkii ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dad banaan baxayay.

Hal qof ayaa ku dhintay qof kalena waa uu ku dhaawacmay sidda ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay si rasmi ah ugu wareegaan xarunat madaxtooyda ee looga arrimiyo Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

S/Land & Khaatumo oo soo dhaweeyay natiijada kasoo baxday doorashada P/L

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulada Soomaaliland iyo Khaatumo ayaa si yaabo kala duwan uga hadlay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Ugu horreyn wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hor inta uusan ka ambabixin magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeeday dalka Turkiga, ayuu sheegay in ay soo dhaweenayaan doorashada madaxweynaha ee maanta ka dhacday Garoowe.

Wuxuu xusay in Somaliland ay la shaqeeneyso madaxweynaha cusub Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Dhinaca kale, Afhayeenka maamulka Khaatumo, Maxamuud Maxamuud Gaax-Nuug ayaa BBC-da u sheegay  in ay soo dhaweeynayaan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in ay xiriir fiican ka filayaan hoggaamiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa.

Gaax-Nuug ayaa tilmaamay in Cabdiweli Gaas uu yahay aqoon yahan wax badan ka qaban kara arrimaha Puntland.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo uu si fiican u yaqaano isla markaana

Si kastaba, labadan maamul ayaa horrey khilaaf uu kala dhexeeyay maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole.

Ma cadda sida uu noqon doono xiriirka Somaliland, Khaatumo iyo Puntland oo hadda doortay hoggaamiyaal cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Waa kuma m/weyne ku-xigeenka P/L?

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow la soo gagabeeyay wareega seddaxaad ee codbixinta doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay isugu soo hareen labo musharrax oo kala ah Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Cabdulaahi Xirsi Timacadde.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Puntland uu helay 48 cod halka ninka kale ee u tartamayay uu helayu 16-cod, isagoona intaas ku daray in la soo gabagabeeyay doorashada madaxweynaha iyo ku xigenkiisa.

Doorashada maanta ka dhacday Puntland oo tii afaraad tan iyo markii la sameeyay maamulkaas sannadkii 1998-dii ayaa lagu tilmaamay mid aad u adag una xasaasi ahayd markii loo eego kuwii kale.

Doorashada madaxweynaha waxaa kal sii horeesay ku guuleestay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali oo helay 33-cod kaasoo kaga guuleestay madaxweynihii horre Faroole oo isna helay 32-cod.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana la hakiyay baabuurta magaalada isticmaala.

Dhinaca kale, didbadbaxyo iska soo horjeeda ayaa ka dhacay magaalada Garoowe waxaana wariyaasheena ay soo sheegayaan hal qof in uu ku dhintay qof kalena uu ku dhaawacmay .

Waxaa dibadbayo lagu soo dhaweenaayo  madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Qardho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

DF oo ku faraxday guusha C/Weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uu soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe, taasoo uu ku guuleestay ra’iisal wasaarihii horre Somaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Warar qoraal ah oo ka soo kala baxay xafiisyada madaxweynaah iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada qaabka ay u dhacday waxaana ay u hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee loo doortay madaxxweynaha ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan hambalyo qaas ah u dirayaa Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas, oo aan wadashaqeyn dhow yeelan doono, iyadoo Dowladda Federaalka ay dar-dargelineyso dhaqangelinta Federaalka Somalia. Puntland waxey tusaale fiican u tahay dalka intiisa kale.”

“Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda aheyd ee ay u loolantameen. Puntland waxey tustay dalka intiisa kale iyo caalamkaba in dhaqanka dimoqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi laheyn.”

Madaxweynahu waxuu ammaanay Baarlamaanka Puntland sidii mas’uuliyadda laheyd oo ay u maareeyeen doorashooyinka.

“Xildhibaanadii matalayey shacabka Puntland waa codeeyeen oo ay soo afjareen olalahii doorashooyinka oo maalmahan la hadal hayey. Sidoo kale waxaan ammaanayaa oo aan u mahadcelinayaa Madax Dhaqameedka, Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha amniga oo sugay amniga iyo nabadda xilligii doorashooyinka, kaasoo doorashooyinka ka dhigay kuwo guuleysta.”

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ma fiicneen waayihii dambe, waxaana dhowr jeer maamulkii horre uu eedeeyay dowladda dhexe, taasoo keentay in xiriirkooda uu xumaado.

Si kastaba doorashada maanta ka dhacday Puntland ayaa la sheegay in ay dib u dhigtay magacaabista xubnaha cuusb ee wasiiradda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Rabshado ka billowday GAROOWE !!!!!

Garoowe (Caasimada Online) Rabshado ayaa ka billowday magaalada Garoowe, kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha oo uu ku guuleestay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Garoowe xarunta Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in isku dhacyo magaalada ay ku dhexmareen taageerayaasha madaxweynihii horre Faroole iyo madaxweynaha cusub Cabdiweli Gaas.

Isku dhaca oo ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamaanka waxaa durba soo gaaray ciidamada ammaanka Puntland kuwaasoo kala ceyriyay dadka isku dhacda uu dhexmaray.

Waxaa kaloo magaalada laga maqlayaa rasaas xooggan, sidoo kale waxaa la weeraray gurri uu deggan yahay madaxweynaha cusub ee Puntland Gaas, waxaana halkaas lagu dilay askari ilaalo ahaa.

Dhinaca kale,magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaas ayaa waxaa isugu soo baxay dad weyne fara badan oo soo dhaweenaya madaxweynaha Cusub.

Magaalada Garoowe waxaa iminka ka socota doorashada madaxweyne ku xigeenka oo u taagan yihiin 10-musharax, waxaana ilaa hada la marayaa wareega koobaad.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo fara badan.

Natiijada doorashada madaxweyne ku xigeenka kala soco Caasimada Online.

HALKAAN KA DAAWO:

Mahadsanidiin

Doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo goordhow billaabaneysa

Garoowe (Caasimada Online) Sidda ay goordhow noo soo sheegeen wariyaasha Caasimada Online ee Garoowe ku sugan, waxaa la filayaa in goordhow laguda galo doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay taagan yihiin 10-musharrax.

Codbixinta madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa u qaadi doona 66-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Puntland.

Musharrixiinta u taagan xilka madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa kala ah

1-Gen.Cabdisamad Cali Shire

2-Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade

3- Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)

4-Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

5-Maxamuud Caydiid Dirir

6-Daahir Khaliif Maxamuud

7- Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane

8-  Maxamed Xirsi Ducaale

9-Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar

10- Xuseen Xaaji Xasan

 

DEG DEG: Cabdi Weli GAAS oo noqday madaxweynaha cusub ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu dhawaaqay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, kaddib doorasho saakay ka billaabatay xarunta golaha baarlamaanka ee Garoowe.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Saciid Cali Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadda,waxaana uu sheegay in madaxweynaha cusub uu ee Puntland uu helay 33-cod codadka baarlamaanka Puntland.

Wuxuu sheegay in Cabdiraxmaan Faroole uu helay 32-cod.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in hal cod uu xumaaday.

Intaas kaddib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas kaasoo sheegay in uu wax badan ka qababn doono arrimaha Puntland shanta sanno ee uu xafiiska joogayo.

Wuxuu u mahadceliyay madaxweynihii horre ee Faroole, iyo dhammaan musharrixiinta kale ee isku soo taagay doorashada.

Madaxweynihii horre ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa isna hadlay wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka dimuquraadiga ay u dhacday doorashada, wuxuuna u mahadceliyay madaxweynaha cusub ee Cabdiweli Gaas.

Faroole ayaa shacanka iyo ciidaamada Puntland ka codsaday in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub si uu uga shaqeeyo dib u dhiska iyo horrumarka Puntland.

Waxaa hadda hadlaya wakiilka gaarka ah ee xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya Danjire Nichalas Kay, kaasoo aad u soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashada.

Haddaba labada musharrax ee u soo baxay wareega ugu dambeeyay doorashada siddee ayey ukala heleen codadka.

Wareegii koowaad Cabdiraxmaan Faroole ayaa helay 27-cod, halka Cabdiweli Gaas uu helay 13-cod.

Wareega labaad Cabdiraxmaan Farooel ayaa helay 31 cod, Gaas wuxuu helay 18-cod

Wareega seddaxaad Cabdiweli Gaas ayaa helay 33-cod halka Cabdiraxmaan Faroole uu helay 32-cod, waxaana halaabay hal cod sida uu sheegay guddoomiha baarlamaanka Puntland.

Si kastaba, madaxweynaha cusub Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa hor yaalla arrimo badan oo ay ka mid tahay in uu wax badan ka qabto ammaanka Puntland oo falal ammaanka lid ku ah ay dhacayeen kaasoo ay ugu dambeesay weerarkii ka dhacay Boosaaso.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

DEG DEG : Faroole iyo C/Weli Gaas oo isugu soo haray wareega saddexaad

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu dhawaaqay natiijada wareega labaad ee doorashada Puntland oo ay u taagnaayeen seddax musharrax.

Waxaa wareegaas ka soo baxay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horrey u soo noqday ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Faroole waxaa helay 31-cod

Gaas waxa uu helay 18-cod

Waxaa wareega labaad ku haray Cali Xaaji Warsame oo helay 16-cod

Wareega 3-aad ee doorashadda ayaa ah middi ugu dambeysay waxaana si weyn looga arkayaa xarunta baarlamaanka olole ay wadaan taageerayaasha labada musharrax.

Doorashadan waxaa si weyn loogala socda xarunta Villa Soomaaliya ee looga arrimiyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa warar ay heshay Caasimada Online ay muujinayaan in doorashadda Puntland ay dib u dhigtay magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiiradda Soomaaliya.

Kala soco Natiijada Caasimada Online oo wariyaal badan ay ka joogaan xarunta golaha baarlamaanka Punland ee Garoowe.

Seddax musharrax oo isugu soo haray doorashada madaxweyne ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa doorashadda Puntland isugu soo hartay seddax musharrax oo kala ah, Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas iyo Cali Xaaji Warsame, kuwaasoo ka soo gudbay wareegii koobaad ee codbixinta doorashadda.

Guddiga doorashooyinka doorashooyinka ayaa ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay san qaldin goobaha cod bixinta ay ka socoto.

Seddaxdan musharrax waxa ay kala ahaayeen kuwii la filaayay markii loo eego 11-ka musharrax ee u taagab doorashadda Puntland.

Seddax musharrax ayaa kala helay:

Madaxweyne Faroole ayaa helay  27-cod.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa helay 13-cod

Cali Xaaji Warsame ayaa helay 12-cod.

Waxaa hadda billaabatay tirinta wareega labaad ee codbixinta musharrixiita seddaxda ah

Doorashadda qaybtan ayaa aad xasaasi u ah, waxaana guddiga doorashooyinka ay codsadeen in la joojiyo wax kasta oo dhaqdhaqaaq ah inta ay socoto doorashadda.

Kala soco wixii soo kordha oo iska ku haay Caasimada Online

Guddoomiyaha BF oo arrin muhiim ah balse aad u adag ka dhawaawjiyey

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya baarlamaanka uu la xisaab tami doono xukuumadda Soomaaliya, maadama ay soo baxeen is qabqabsi la xiriirta baarlamaanka iyo xukuumadda.

Jawaari ayaa sheegay in seddaxdii bil ay qiimeen ku sameen doonaan wax qabadka xukuumadda si meesha looga saaro ayuu yiri is qabqabsi.

Waxaa uu tilmaamay in hey’addaha dowladda sida baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka la gaarsiiyo degmooyinka iyo gobalada dalka.

Jawaari ayaa xusay in xukuumadda cusub looga baahan yahay siddii ay kharashaadka ugu darsan lahayd arrintaas oo uu sheegay in ay muhiim tahay.

Waxaa uu ku celceliyay in uu ogaaday in loo baahan yahay in shacabka ay arkaan xafiisyada dowladda oo ka shaqeeya goobaha ay ku nool yihiin sida degmooyinka iyo gobalada dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay qaabka ay codka kalsoonida ugala laabteen xukuumadii Saacid taasoo loo didday in wax qabadkooda ka soo hor gudbiso baarlamaanka, waxaana markii dambe loo qaaday cod taasoo lagu riday.

Waxaana dad badan ay tallaabadaas ku macneeyeen arrin fadeexo ku ah baarlamaanka oo la is lahaa waa kuwa laga doonayay in ay sharciga ilaaliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku shaqeesa intooda badan Villa Somalia, wallow ay jiraan goobo ay xafiisyo ka furatay laakin badankooda lagama shaqeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]