28 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Mid ka mid ah shaqaalihii TURKIGA ee Muqdisho oo gurigeeda lagu ag dilay

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xaley degmada Xamar-Jajab waxa ay ku dileen haweeney u shaqeen jirtay Turkiga, oo howlo gargaar ah ka wada caasimada Muqdisho.

Haweeneydan ayaa la sheegay in dileen kooxo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo ku sugaayay meel ku dhow gurrigeeda.

Kooxda dilka geestay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana durba gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaan ka sameeyay xaafadda dilka uu ka dhacay balse cid ay soo qabteen ma lahan.

Ma aham markii ugu horreysay oo mid ka mid shaqaalaha u shaqeeya Turkiga lagu dilo Muqdisho, waxaana jirta kuwa kale oo horrey loogu dilay.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlaayay banaan bax lagu taageerayo howlaha Turkiga uu ka wado Muqdisho ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan shaqaalahaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in Turkiga wax qabad la taaban karo uu ka hayo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

 

 

Xog ku saabsan doorashada Puntland ee goor dhow billaabaneysa (Aqri)

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhaceysa doorashada madaxweynaha Puntland taasoo ay u taagan yihiin 11-musharrax.

66-da xildhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Puntland ayaa dooran doonta madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.

Ammaanka goobta doorashada ay ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la dhigay ciidamo fara badan oo ah kuwa daraawishta.

Waxaa kaloo doorashadda ka qaybgalaya ergooyin ka socda beesha caalamka iyo kuwa ka yimid gobalada Soomaaliya.

Maxaa hor yaalla cidda la doorto maanta?

Cid kasta oo ku guuleesata doorashadda Puntland waxaa hor yaalla arrimo badan oo ay ka mid tahay siddii wax looga qaban lahaa ammaanka, xoojinta xiriirka Punland iyo dowladda Fedaraalka, adkeynta xuduudaha iyo dhaqaalaha la kobciyo.

Ma cadda sidda ay wax noqon doonaan, balse dad badan oo odorosa arrimaha Puntland waxa ay lee yihiin waxaa laga yaabaa in isbadal uu ku yimaado hoggaanka Puntland, taasoo ah in qof cusub uu xafiiska qabt.

Akhristayaal waxaa naga xasuus ah in doorashada Puntland oo gordhow billaaban doonta in aad kala socon kartaa Shabakadda Caasimada Online oo wariyaal ay u joogaan goobta doorashadda haddii alle idmo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

DHAGEYSO: Faroole oo qaatay go’aan ku wajahan doorashada P/L ee maanta

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Musharax u tartamaya jagada madaxtinimo ee Puntland ee maanta dhaceysa Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole ) ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono Musharax ku guuleysta doorashada.

Musharax Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa sheegay in si wanaagsan ay ku socoto hawsha loogu jiro in Puntland yeelato hoggaamiye shanta sanno ee soo socota.

Mar uu ka hadlaayey go’aanka uu qaadanayo marba haddii lagaga guuleysto doorshada ayuu sheegay in uu soo dhaweynayo isla markaana uu la shaqeyn doono balse qudhiisu uu soo laaban doono kuna guuleysan doono doorashada.

Halkan ka dhageyso Faroole

Musharax-Cabdirixmaan-Faroole

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dhageyso: Xasan & Cabd Weli oo isku haya wasiirada cusub & xildhibaanada oo ku hanjabay inaysan ansixin doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaa weli isku haysta golaha wasiirada cusub, waxaana xildhibaanada ay iminka ku hanjabayaan inaysan ansixin doonin, haddii la horkeeno baarlamanka.

Hadalkan ayaa waxaa ku dhawaaqay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya isagoo dhaliilay habka lagu xulayo xubnaha cusub ee golaha Wasiirada ee dhawaan la filayo inuu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa yiri “Annagu ma sugayn in ay soo laabtaan xubno badan oo kamid ah Xukuumadii horkacayay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Sacid) ga’aankeenuna ma ahayn in aan diidanahay mr Saacid laakiin waxay ahayd xukuumadda uu horkacayo oo aan ku dhaliilsanayd in aysan si wanaagsan wax u qaban balse hadii lasoo celiyo Xubnahaas codka Baarlamanku ma ogolaanayo”.

Sidoo kale Xildhibaan Shuuriye waxaa uu sheegay in ay jirto faragalin lagu hayo Ra’iisul Wasaaraha taa oo ku aadan soo xulista Wasiirada cusub, balse wuxuu sheegay inay ku talinayaan in Ra’iisul Wasaraha go’aankisa loo daayo.

Xildhibaan Shuuriye oo ka jawaabayay hadii baarlamanku ay dhacdo inay diidaan Xukuumadda cusub in caqabad ku noqonayso howlihii laga sugayay dowladda Soomaaliya taasoo ka dhalankarto wax qabad la’aan ku dhacda xubnaha dowladda oo dhan.

Dhanka kale wuxuu sheegay Xildhibaan Shuuriye in Xubnaha baarlamanka ay doonayaan xukuumad la tashi dhinacyada badan ku timid balse aysan doonayn Xukuumad laga soo saaray Jeeb hoostiis.

Maalmahaan ayaa la sugayay in lagu dhawaaqo Xubnaha cusub ee golaha wasiirada Cusub oo horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed balse ilaa hadda ma jirto wax soo shaacbaxay oo ku aadan arinkaan, iyadoo warar hoose ay sheegayaan inuu jiro khilaafyo ku aadan xubnaha kusoo bixi lahaa golaha wasiirada.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Xil-Maxamed-Ismaaciil-Shuuriye

Isha: K24

Dhageyso: Gaas: Cidda doorashada ku guuleysan waan ogahay waana….!

Garoowe (Caasimada Online) – Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in Puntland khibrad ugu filantahay shanti sano ay maamulka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyey idaacadda RBC, ayaa sheegay in Barnaamij Siyaasadeedkii ay soo gudbiyeen Murashaxiintu ay si fiican u dhacday isla markaana ay maanta tahay maalin farxadeed.

” Waan ku faraxsanahay Maanta hade khudbadihii baa la jeediyey iyo borogaramka Siyaasadeed Murashaxiinta ,waa maalin farxadeed waa jawi wanaagsan sharaf bey u tahay iyo karaamo Puntland hoolka Baarlamaanka la isugu yimaado la hadlo maantana doorashada ayaa dhacaysa” ayuu yiri.

Sidoo kale,wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey Dr Cabdiweli Gaas in guushu isaga raaci doono isla markaana uu noqon doono Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota.

“Insha allaah waxaan rajeynayaa iney doorashadii dhacdo Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka saan u rajeynaya waxan filayaa iney guushu dhankeyga noqon doonto” ayuu yiri Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Halkan ka dhageyso Gaas

Musharax-Cabdiweli-Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Madoobe: “DF waxaa qasab ku ah inay taageerto shirka Baydho ka socda”

Baydhabo (Caasimada Online) Madoobe Nuunow Maxamed oo horrey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya haddana kamid ah siyaasiyiinta u ololeenaya in uu hirgalo maamul cusub oo ka kooban lix gobal oo loo dhiso gobalada Koonfur Galbeed ayaa sheegay dowladda in looga baahan yahay in ay taageerto rabitaanka dadka ku dhaqan goboaladaas.

Isagoo la hadlaayay Idaacad ku taalla Muqdisho ayuu sheegay dowladda Soomaaliya in ay qasab ku tahay taageerida shirka Baydhabo ka socda maadama dastuurka ay ku qoran yihiin in labo gobal iyo wax ka badan ay maamul gobaleed sameesan karaan” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay dowladda Soomaaliya in looga baahan yahay in aysan iyada caqabad ku noqon hirgalinta nidaamka Fedaraalka.

Ex Xildhibaan Madoobe Nuunow ayaa ku celceliyay in ay ka go’antahay sameenta maamulka Koonfur Galbeed ee ka socda Baydhabo, kaasoo loo sameenaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Wuxuu sheegay dowladda in hadda ku jirto xilli kala guur ah balse marka ay ka baxdo looga baahan yahay in ay timaado Baydhabo si ay u taageerto shirka Baydhabo ka socda oo hadda gabagabo ku dhow sida uu yiri.

Si kastaba, hadalka Madoobe Nuunow ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalinta shaley shirka Baydhabo ka socda uu galay wajigii seddaxaad oo ah kii ugu dambeeyay, in kastoo ay jiraan khilaaf ka taagan maamulkaaas waayo meelaha

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Cadde Muuse oo dardaaran muhiim ah siiyay madaxweynaha cusub ee P/L

Garoowe (Caasimada Online)Madaxweynihii horre ee Puntland, Gen Maxamuud Xirsi Cadde Muuse, oo maanta goobjoog u ahaa wixii ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa dardaraan siiyay madaxweynaha cuusb ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Isagoo hadlaayay markii ay soo dhammaatay doorashadda madaxweynaha ayuu sheegay madaxweynaha cusub in looga fadhiyo siddii uu u fulin lahaa ballan qaadyadii quruxda badnaa ee uu sheegay markii uu musharraxa ahaa.

Cadde Muuse ayaa tilmaamay in Puntland ay rabto nin wax u qabta, wuxuuna shacabka iyo madaxda kale ugu baaqay in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Cadde Muuse ayaa ku tilmaamay doorashdii maanta middii ugu adkeyd ee soo martay Puntland tan iyo markii la sameeyay sannadkii 1998-dii.

Cabdiweli Gaas ayaa noqday madaxweyinii afarraad ee soo mara Puntland tan iyo markii la sameeyay, waxaana looga fadhiyaa in uu la yimaado wax yaabo ka badalan madaxdii ka horreysay.

Ra’iisal wasaarihii ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoggaamin doona Puntland shanta sano ee soo socota.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Natiijada wareegii 1aad ee doorashada Puntland iyo qeybtii labaad oo socota

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa hadda billaabatay qaybta labaad ee codeynta doorashada Puntland oo iminka ka socota xarunta baarlamaanka ee Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin 66-xildhibaan oo uu ka kooban yahay baarlamaanka Puntland.

Wareega 1aad ee Codeynta Doorashada Madaxweynaha ayaa dhamaatay iyadoo guud ahaan la tiriyey codadka oo uu hada ku hogaaminayo Madaxweynaha xilka haya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo helay 27 cod.

Faroole: 27 cod
Gaas: 13 cod
Cali Xaaji: 12 cod
Maxamed Cabdi Nuur: 6 cod
Shire Xaaji Faarax: 4
Cali Cabdi Awaare: 3
Cabdullahi Siciid Samatar: 1 cod

Fallanqeeyayaasha Caasimada Online, ayaa aaminsan in haddiba Faroole uu 27 cod ka helay wareega koowaad ay u eg tahay inuuu doorashada ku guuleysan doono.

Ammaanka goobta doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidamo aad u fara badan.

Dadka reer Puntland ayaa doorashada kala socda Caasimada Online, Idaacadaha maxaliga iyo Talafishadanada Af Soomaaliga ku hadla.

Waxaa la filayaa in doorashadda ay maanta soo dhammaado, isla markaana lagu dhawaaqi doono cidda ku guuleesata xilka madaxweynaha maamulka Puntland ee shanta sanno ee soo socota.

Kala soco warar dheeraad ah Caasimada Online.

Natiijada wareega 2aad ee doorashada

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa hadda dhammaaday tirinta codadka musharrixiinta seddaxda ee isugu soo haray wareega labad ee doorashadda madaxweynaha Puntland.

Waxaa natiijada ay noqotay sidan:-

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole 31
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 18
Cali Xaaji Warsame 16

Waxaa xumaaday 1 cod. Sidaa waxaa ku dhan 66ka cod ee Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

Waxaa wareegan markale ku hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa ku guuleysan waayey labadii wareeg ee hore inuu helo 44ka cod ee guusha uu murashaxa ku qaadan karo.

Waxaana la filayaa in wareega sadexaad loo gudbayo iyadoo ay isu soo harayaan:

Faroole vs Gaas

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

DEG DEG: Wareegii 1-aad ee codeynta doorashada Puntland oo soo idlaatay

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta golaha baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe kusoo geba gebowda codbixintii wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo u taagan yihiin 11-musharrax.

Sida uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqaya qaabka ay u socoto doorashadda oo codka siinayaa 66 xildhibaan oo ay ku jiraan labo dumar ah.

Ma cadda sidda ay wax noqon karaan iyado cidda ku guuleesanaysa, waxaa goobta ku sugan dhammaan musharrixiinta u taagan doorahadda, wakiilo ka socda beesha caalamka oo u ku jirro danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nichalas Kay iyo ergooyin ka socda dibdda iyo gudaha.

Doorashada ayaa si toos ah loogala socdaa Idaacadaha ku yaalla Puntladn iyo Talafishanada ku hadla Af Soomaaliga iyo Caasimada Online.

Dhinaca kale, waxaa xarunta doorashada ka socota qalqaalo ay wadaan musharrixiinta, waxaana warar lagu kal soon yahay ay sheegayaan in codad lakala iibsanaayo xildhibaannada baarlamaanka.

Kala si toos ah boggeena Caasimada Online oo halkaas ka soo warramaya sida ay wax uga socdaan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Maxaa maanta ka dhacay Garoowe?

Caasimada Online: Caasimada Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe waxaa ka dahcay maanta wax dad badani ka yaabiyay iyo sida ay u dhaceyn oo lagu tilmaamay arin cajiib ah.

Aqristoow nala daawo adaa yabi doonee kadib fikirkaada nala wadaag.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray doorashooyinka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashada Puntland ka dhaceysa maaalinta berri ku tilmaamay mid horrumar ah, waxaana uu rajeeyay in ay noqoto mid xoojisa horumarka iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online ayuu madaxweynaha ku yiri “Aad iyo aad baan u soo dhoweyneynaa in doorashooyinkii Maamulka Puntland
ay marayaan marxaladdii ugu danbeysey oo maalinta berri ah xildhibaanada Puntland ay dooran doonaan shaqsigii noqon lahaa  Madaxweynaha Puntland 5ta sano ee soo socoto.”

“Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Saciid Xasan  Shire iyo ku xigeennada Guddoomiyaha oo ku guuleystay doorashooyinkii 4ta Janaayo.

Baarlamaanka Puntland waxey muujiyeen mas’uuliyad, weyna ku ammaananyihiin sidii quruxda badneyd oo ay doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa u maareeyeen, tanoo kalsooni buuxda siisay shacabka Soomaaliyeed. Maalinta berri 8da Janaayo waa maalin taariikh weyn oo aan ka wada rajeyneyno in Baarlamaanku uu si habsami leh u gudan doono waajibaadkiisa, isla markaasna ay dooran doonaan shaqsiga noqonaya  Madaxweynaha Puntland.”

“Waxaan ammaan gaar ah u soo jeedinayaa Odayaasha dhaqanka ee Puntland oo soo xulay xubnaha Baarlamaanka, iyo sida maamulka Puntland ay uga dhabeeyeen in doorashooyinka waqtigoodii  ay ku dhacaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dhammaan musharixiinta xilka Madaxweynenimo oo la’aantood aysan suurtogal noqon laheyn in si
dimoqraadiyad ah ay baarlamaanka u doortaan Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Guddiga doorashooyinka oo waajibkooda si xilkasnimo leh u gutay. Waxaan iyagana la illoobi karin kaalinta hay’adaha amniga Puntland ay ka
qaateen inay sugaan amniga iyo xasiloonida Puntland.”

Ugu danbeyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhammaan musharaxiinta xilka Madaxweynenimo waxa uu rajeeyay shakhsi kasta oo ku guuleysta doorashada.

Xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe ma wanaagsaneen marka loo eego maamulka hadda jiray ee uu madaxweynaha ka ahaa Faroole, waxaana aan la ogeyn haddii uu isbadal yimaado maalinta berri sida uu noqon doono xiriirka labada dhinac.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warar cusub oo kasoo kordhay shirka ka socda BAYDHABA oo galay….!

Baydhabo (Caasimada Online) Shirka ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, oo looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameenaayo lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbeed ee dalka ayaa maanta oo Talaado ah galay wajigii 3-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee maamul lagu soo dhisaayo.

Shirka oo ka socda xarunta ADC-da ee Baydhabo ayaa ka qaybgalaya odayaal iyo wax garad kuwaasoo ku howlan soo dhisimada maamulka loo sameenaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubadda Dhexe.

Guddoomiyaha gobalka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo ka hadlay maanta shirka ayaa sheegay in shirka uu soo gaaray wajigii ugu dambeeyay, isagoona intaas ku daray in cid kasta oo dood ka qabta shirka ay la soo xiriir karaan guddiga farsamada oo la sameeyay.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay Baydhabo gaaraan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda si ay goobjoog uga noqdaan maamulka cusub ee loo sameenaayo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in shirka Baydhabo lagu koobo uun seddax gobal isla markaana wuxuu codsaday in wax saameen ah uusan ku yeelan maamulka KMG ah ee Jubba oo dowladda ay aqoosantay sidda uu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Faroole oo khudbadiisa ku weeraray musharrixiinta kale

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaaday khudbadaha ay jeedinayeen 11-ka musharraxnimo ee u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland, oo maalinta berri ka dhaceysa aqalka baarlamaanka ee Garoowe.

Dhammaan musharrixiinta waxa ay isaga mid ahaayeen waxaan qaban doonaa, waxaan yeeli doonaa waxaa noo cad sidaas iyo sidaas, waxaa khudbadooda dhageesanayay 66-ka xildhibaan ee baarlamaanka Puntland, marti sharraf kale iyo wariyaal ka socda gudaha iyo dibedda kuwaasoo lagu casuumay in ay goobjoog ka ahaadaan doorashadda maalinta berri.

Si kastaba, ra’iisal wasaarihii horre ee Sooomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado isbadal maadama arrimaha ammaanka wax badan laga qaban shantii sanno ee la soo dhaafay.

Waxaa khudbadaa ugu dambeesa qaatay madaxweyne Faroole, wuxuu sheegay markii uu arkay wax yaabaha ay qabatay dowladiisa muddada shanta ee xilka haysay in uu go’aansaday in markale uu isku soo taago xilka maadama ay mudan yihiin in ay sii wadaan wax yaabaha ay qabtaan.

Faroole ayaa siddoo kale weerarray musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay in dhammaan khudbadaha ay soo jeediyeen aaney marnaba ku sheegeen wax qabadan xukuumadii horre marka laga reebo in ay dhaliilaheeda sheegeen.

Dhammaan khudbadaha ayaa lagala socday Idaacadaha gudaha ee ku yaalla Puntland iyo Talafashinnada Af-Soomaaliga ku hadla kuwaasoo si toos u baahinyay.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkaayey, waxaana la joojiyay dhammaan gaadidka ka shaqeeya gudaha magaalada Garoowe iyo kuwa soo gala

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoole

[email protected]

Xasan Sh oo la kulmay xildhibaanada Daarood, xilli Majeerteen & Ogaadeen ay isku garbinayaan wasiir muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulmay xildhibaano kasoo jeeda beelaha Daarood.

Kullanka ayaa waxaa looga hadlay golaha wasiirada cusub ee dhowaan lasoo magacaabayo oo weli ay jiraan xubno qaar ah oo aan laga heshiin, beelahana ay isku haystaan.

Xildhibaanadii xalay la kulmay madaxweynaha, ayaa ka codsaday in dib loo soo celiyo oo aan jagadiisa laga beddelin wasiirka maaliyadda ee xukuumaddii Saacid Maxamed Xasan Suleymaan, xilli ay jiraan warar sheegaya in la beddelayo.

Maxamed Xasan Suleymaan waxa uu kasoo jeeda beesha Majeerteen.

Madaxweynaha ayaa dhageystay fikradaha xildhibaanada, balse ma siin wax jawaab ah, sida ay xubno ka qeyb galay u sheegeen Caasimada Online.

Xog horey oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in xilkaasi iminka loo magacaabi doono Xuseen Cabdi Xalane, looguna dari doono ra’iisul wasaare ku xigeen.

Xuseen Cabdi Xalena waxa uu ka dhashay beesha Ogaadeen, waxaana maalmahan ka socda Muqdisho loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya beeshiisa iyo Majeerteen oo ku wajahnaa xilkaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xuseen uu taageero ka helayo dowladda Ethiopia.

Magacaabista golaha wasiirada ayaa noqotay caqabad iyo jahwareer haysta ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, oo sida la sheegay marar badan xubno uu xilal inuu u magacaabayo u sheegay kadib ka beddelay, cadaadisyo dhowr ah dartood, balse iminka heer gebo gebo ah ay ku dhowdahay magacaabista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saraakiil iyo Ciidamo Barre Hiiraale ka soo goostay oo isku dhiibay A/Madobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa lagu soo bandhigay sarkaal iyo ciidan la sheegay in ay ka soo goosteen Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) oo sheeganaya in uu yahay madaxweynaha maamulka Juba.

Ciidankan oo tiradooda gaareysa 10 askari iyo sarkaalkii hoggaaminayay waxaa lagu soo bandhigay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana ku sugnaa halkaas mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Juba iyo saraakiisha ciidanka Kenya ee AMISOM.

Sarkaalka hoggaaminayay ciidanka ka soo goostay Barre Hiiraale oo lagu magacaabo Mahad Fargureey ayaa sheegay markii ay arkeen qadka uu ku jirro Barre Hiiraale ee ah in dagaal dhiig uu ku daado uu galiyo shacabka ku nool Kismaayo ay go’aansadeen in ay ka soo baxaan.

Waxa ay codsadeen in la cafiyo isla markaana ay hadda diyaar u yihiin siddii ay uga qaybgali lahaayeen maamulka KMG ah ee Juba.

Sarkaalkan ayaa ugu baaqay ciidamada kale ee la jooga Barre Hiiraale in ay soo baxaan maadama uu wado qaldan ku taagan yahay sida uu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Kuba, Gen Ismaacil Fartaag ayaa soo dhaweeyay sarkaalka iyo ciidamada ka soo goostay Barre Hiiraale, wuxuuna sheegay in la iska cafiyay oo aan wax dambi aan loo heesan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Fowsiya oo la isku raacay inaan dib loo soo celin & magaca qofka beddelaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa la isku raacay inaysan mar kale dib ugu soo laabaan jagadaas oo la beddelo, kadib khilaaf iyo is-qab qabsi muddo socday, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Go’aankan, ayaa waxaa wada qaatay madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Cabdi Wali, xilli la isku dayayo in la yareeyo wasiiradii ka tirsanaa xukumaada Saacid ee dib usoo noqonaya, kadib qeylo-dhaan shacabka ka timid.

Waxaa sidoo kale jiray cadaadis xooggan oo ka yimid beesha Direed, oo xilkan si aad ah isugu qabsatay.

Xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa u sheegay Caasimada Online in booska Fowsiya lagu beddeli doono nin lagu magacaabo Yuusuf Cabdillahi Kaahin (Yusuf Geydh) oo kasoo jeeda Isaaq, Ciidagale.

Ninkan, ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, oo uu ka degay hotel, waxaana la filayaa in loo magacaabo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Somalia.

Lama yaqaan halka uu ka dambeyn doono masiirka siyaasadeed ee Fowsiya iyo inay dib ugu laaban doonto oo ay xil uga raadsan doonto maamulka Somaliland ee markii horeba ay ka timid.

Waxaa xusid mudan, in intii aan loo magacaabin wasiirka arrimaha dibedda Somalia, Fowsiya ay isku sharaxday madaxweyne-nimada Somaliland, ayada oo qadiyadda maamulkaas si aad ah ugu ololeysay.

Xitaaa markii loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland illaa maanta, dhowr wareys oo ay bixisay Fowsiya, waa ay diiday in si dhab ah u qirto in midnimada Somalia ay muqaddas tahay, ayada oo lagu xasuusto hadal ahaa “Somalia iyo Somaliland-ba waa labadeyda dal”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]