Madaxweyne Faroole oo khudbadiisa ku weeraray musharrixiinta kale

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaaday khudbadaha ay jeedinayeen 11-ka musharraxnimo ee u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland, oo maalinta berri ka dhaceysa aqalka baarlamaanka ee Garoowe.

Dhammaan musharrixiinta waxa ay isaga mid ahaayeen waxaan qaban doonaa, waxaan yeeli doonaa waxaa noo cad sidaas iyo sidaas, waxaa khudbadooda dhageesanayay 66-ka xildhibaan ee baarlamaanka Puntland, marti sharraf kale iyo wariyaal ka socda gudaha iyo dibedda kuwaasoo lagu casuumay in ay goobjoog ka ahaadaan doorashadda maalinta berri.

Si kastaba, ra’iisal wasaarihii horre ee Sooomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado isbadal maadama arrimaha ammaanka wax badan laga qaban shantii sanno ee la soo dhaafay.

Waxaa khudbadaa ugu dambeesa qaatay madaxweyne Faroole, wuxuu sheegay markii uu arkay wax yaabaha ay qabatay dowladiisa muddada shanta ee xilka haysay in uu go’aansaday in markale uu isku soo taago xilka maadama ay mudan yihiin in ay sii wadaan wax yaabaha ay qabtaan.

Faroole ayaa siddoo kale weerarray musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay in dhammaan khudbadaha ay soo jeediyeen aaney marnaba ku sheegeen wax qabadan xukuumadii horre marka laga reebo in ay dhaliilaheeda sheegeen.

Dhammaan khudbadaha ayaa lagala socday Idaacadaha gudaha ee ku yaalla Puntland iyo Talafashinnada Af-Soomaaliga ku hadla kuwaasoo si toos u baahinyay.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkaayey, waxaana la joojiyay dhammaan gaadidka ka shaqeeya gudaha magaalada Garoowe iyo kuwa soo gala

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoole

Caasimada@live.com