Xasan Sh oo la kulmay xildhibaanada Daarood, xilli Majeerteen & Ogaadeen ay isku garbinayaan wasiir muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulmay xildhibaano kasoo jeeda beelaha Daarood.

Kullanka ayaa waxaa looga hadlay golaha wasiirada cusub ee dhowaan lasoo magacaabayo oo weli ay jiraan xubno qaar ah oo aan laga heshiin, beelahana ay isku haystaan.

Xildhibaanadii xalay la kulmay madaxweynaha, ayaa ka codsaday in dib loo soo celiyo oo aan jagadiisa laga beddelin wasiirka maaliyadda ee xukuumaddii Saacid Maxamed Xasan Suleymaan, xilli ay jiraan warar sheegaya in la beddelayo.

Maxamed Xasan Suleymaan waxa uu kasoo jeeda beesha Majeerteen.

Madaxweynaha ayaa dhageystay fikradaha xildhibaanada, balse ma siin wax jawaab ah, sida ay xubno ka qeyb galay u sheegeen Caasimada Online.

Xog horey oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in xilkaasi iminka loo magacaabi doono Xuseen Cabdi Xalane, looguna dari doono ra’iisul wasaare ku xigeen.

Xuseen Cabdi Xalena waxa uu ka dhashay beesha Ogaadeen, waxaana maalmahan ka socda Muqdisho loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya beeshiisa iyo Majeerteen oo ku wajahnaa xilkaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xuseen uu taageero ka helayo dowladda Ethiopia.

Magacaabista golaha wasiirada ayaa noqotay caqabad iyo jahwareer haysta ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, oo sida la sheegay marar badan xubno uu xilal inuu u magacaabayo u sheegay kadib ka beddelay, cadaadisyo dhowr ah dartood, balse iminka heer gebo gebo ah ay ku dhowdahay magacaabista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com