Saraakiil iyo Ciidamo Barre Hiiraale ka soo goostay oo isku dhiibay A/Madobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa lagu soo bandhigay sarkaal iyo ciidan la sheegay in ay ka soo goosteen Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) oo sheeganaya in uu yahay madaxweynaha maamulka Juba.

Ciidankan oo tiradooda gaareysa 10 askari iyo sarkaalkii hoggaaminayay waxaa lagu soo bandhigay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana ku sugnaa halkaas mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Juba iyo saraakiisha ciidanka Kenya ee AMISOM.

Sarkaalka hoggaaminayay ciidanka ka soo goostay Barre Hiiraale oo lagu magacaabo Mahad Fargureey ayaa sheegay markii ay arkeen qadka uu ku jirro Barre Hiiraale ee ah in dagaal dhiig uu ku daado uu galiyo shacabka ku nool Kismaayo ay go’aansadeen in ay ka soo baxaan.

Waxa ay codsadeen in la cafiyo isla markaana ay hadda diyaar u yihiin siddii ay uga qaybgali lahaayeen maamulka KMG ah ee Juba.

Sarkaalkan ayaa ugu baaqay ciidamada kale ee la jooga Barre Hiiraale in ay soo baxaan maadama uu wado qaldan ku taagan yahay sida uu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Kuba, Gen Ismaacil Fartaag ayaa soo dhaweeyay sarkaalka iyo ciidamada ka soo goostay Barre Hiiraale, wuxuuna sheegay in la iska cafiyay oo aan wax dambi aan loo heesan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com