Fowsiya oo la isku raacay inaan dib loo soo celin & magaca qofka beddelaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa la isku raacay inaysan mar kale dib ugu soo laabaan jagadaas oo la beddelo, kadib khilaaf iyo is-qab qabsi muddo socday, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Go’aankan, ayaa waxaa wada qaatay madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Cabdi Wali, xilli la isku dayayo in la yareeyo wasiiradii ka tirsanaa xukumaada Saacid ee dib usoo noqonaya, kadib qeylo-dhaan shacabka ka timid.

Waxaa sidoo kale jiray cadaadis xooggan oo ka yimid beesha Direed, oo xilkan si aad ah isugu qabsatay.

Xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa u sheegay Caasimada Online in booska Fowsiya lagu beddeli doono nin lagu magacaabo Yuusuf Cabdillahi Kaahin (Yusuf Geydh) oo kasoo jeeda Isaaq, Ciidagale.

Ninkan, ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, oo uu ka degay hotel, waxaana la filayaa in loo magacaabo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Somalia.

Lama yaqaan halka uu ka dambeyn doono masiirka siyaasadeed ee Fowsiya iyo inay dib ugu laaban doonto oo ay xil uga raadsan doonto maamulka Somaliland ee markii horeba ay ka timid.

Waxaa xusid mudan, in intii aan loo magacaabin wasiirka arrimaha dibedda Somalia, Fowsiya ay isku sharaxday madaxweyne-nimada Somaliland, ayada oo qadiyadda maamulkaas si aad ah ugu ololeysay.

Xitaaa markii loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland illaa maanta, dhowr wareys oo ay bixisay Fowsiya, waa ay diiday in si dhab ah u qirto in midnimada Somalia ay muqaddas tahay, ayada oo lagu xasuusto hadal ahaa “Somalia iyo Somaliland-ba waa labadeyda dal”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com