Warar cusub oo kasoo kordhay shirka ka socda BAYDHABA oo galay….!

Baydhabo (Caasimada Online) Shirka ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, oo looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameenaayo lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbeed ee dalka ayaa maanta oo Talaado ah galay wajigii 3-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee maamul lagu soo dhisaayo.

Shirka oo ka socda xarunta ADC-da ee Baydhabo ayaa ka qaybgalaya odayaal iyo wax garad kuwaasoo ku howlan soo dhisimada maamulka loo sameenaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubadda Dhexe.

Guddoomiyaha gobalka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo ka hadlay maanta shirka ayaa sheegay in shirka uu soo gaaray wajigii ugu dambeeyay, isagoona intaas ku daray in cid kasta oo dood ka qabta shirka ay la soo xiriir karaan guddiga farsamada oo la sameeyay.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay Baydhabo gaaraan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda si ay goobjoog uga noqdaan maamulka cusub ee loo sameenaayo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in shirka Baydhabo lagu koobo uun seddax gobal isla markaana wuxuu codsaday in wax saameen ah uusan ku yeelan maamulka KMG ah ee Jubba oo dowladda ay aqoosantay sidda uu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com