Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray doorashooyinka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashada Puntland ka dhaceysa maaalinta berri ku tilmaamay mid horrumar ah, waxaana uu rajeeyay in ay noqoto mid xoojisa horumarka iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online ayuu madaxweynaha ku yiri “Aad iyo aad baan u soo dhoweyneynaa in doorashooyinkii Maamulka Puntland
ay marayaan marxaladdii ugu danbeysey oo maalinta berri ah xildhibaanada Puntland ay dooran doonaan shaqsigii noqon lahaa  Madaxweynaha Puntland 5ta sano ee soo socoto.”

“Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Saciid Xasan  Shire iyo ku xigeennada Guddoomiyaha oo ku guuleystay doorashooyinkii 4ta Janaayo.

Baarlamaanka Puntland waxey muujiyeen mas’uuliyad, weyna ku ammaananyihiin sidii quruxda badneyd oo ay doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa u maareeyeen, tanoo kalsooni buuxda siisay shacabka Soomaaliyeed. Maalinta berri 8da Janaayo waa maalin taariikh weyn oo aan ka wada rajeyneyno in Baarlamaanku uu si habsami leh u gudan doono waajibaadkiisa, isla markaasna ay dooran doonaan shaqsiga noqonaya  Madaxweynaha Puntland.”

“Waxaan ammaan gaar ah u soo jeedinayaa Odayaasha dhaqanka ee Puntland oo soo xulay xubnaha Baarlamaanka, iyo sida maamulka Puntland ay uga dhabeeyeen in doorashooyinka waqtigoodii  ay ku dhacaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dhammaan musharixiinta xilka Madaxweynenimo oo la’aantood aysan suurtogal noqon laheyn in si
dimoqraadiyad ah ay baarlamaanka u doortaan Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Guddiga doorashooyinka oo waajibkooda si xilkasnimo leh u gutay. Waxaan iyagana la illoobi karin kaalinta hay’adaha amniga Puntland ay ka
qaateen inay sugaan amniga iyo xasiloonida Puntland.”

Ugu danbeyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhammaan musharaxiinta xilka Madaxweynenimo waxa uu rajeeyay shakhsi kasta oo ku guuleysta doorashada.

Xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe ma wanaagsaneen marka loo eego maamulka hadda jiray ee uu madaxweynaha ka ahaa Faroole, waxaana aan la ogeyn haddii uu isbadal yimaado maalinta berri sida uu noqon doono xiriirka labada dhinac.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com