Cadde Muuse oo dardaaran muhiim ah siiyay madaxweynaha cusub ee P/L

Garoowe (Caasimada Online)Madaxweynihii horre ee Puntland, Gen Maxamuud Xirsi Cadde Muuse, oo maanta goobjoog u ahaa wixii ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa dardaraan siiyay madaxweynaha cuusb ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Isagoo hadlaayay markii ay soo dhammaatay doorashadda madaxweynaha ayuu sheegay madaxweynaha cusub in looga fadhiyo siddii uu u fulin lahaa ballan qaadyadii quruxda badnaa ee uu sheegay markii uu musharraxa ahaa.

Cadde Muuse ayaa tilmaamay in Puntland ay rabto nin wax u qabta, wuxuuna shacabka iyo madaxda kale ugu baaqay in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Cadde Muuse ayaa ku tilmaamay doorashdii maanta middii ugu adkeyd ee soo martay Puntland tan iyo markii la sameeyay sannadkii 1998-dii.

Cabdiweli Gaas ayaa noqday madaxweyinii afarraad ee soo mara Puntland tan iyo markii la sameeyay, waxaana looga fadhiyaa in uu la yimaado wax yaabo ka badalan madaxdii ka horreysay.

Ra’iisal wasaarihii ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoggaamin doona Puntland shanta sano ee soo socota.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com