Natiijada wareegii 1aad ee doorashada Puntland iyo qeybtii labaad oo socota

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa hadda billaabatay qaybta labaad ee codeynta doorashada Puntland oo iminka ka socota xarunta baarlamaanka ee Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin 66-xildhibaan oo uu ka kooban yahay baarlamaanka Puntland.

Wareega 1aad ee Codeynta Doorashada Madaxweynaha ayaa dhamaatay iyadoo guud ahaan la tiriyey codadka oo uu hada ku hogaaminayo Madaxweynaha xilka haya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo helay 27 cod.

Faroole: 27 cod
Gaas: 13 cod
Cali Xaaji: 12 cod
Maxamed Cabdi Nuur: 6 cod
Shire Xaaji Faarax: 4
Cali Cabdi Awaare: 3
Cabdullahi Siciid Samatar: 1 cod

Fallanqeeyayaasha Caasimada Online, ayaa aaminsan in haddiba Faroole uu 27 cod ka helay wareega koowaad ay u eg tahay inuuu doorashada ku guuleysan doono.

Ammaanka goobta doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidamo aad u fara badan.

Dadka reer Puntland ayaa doorashada kala socda Caasimada Online, Idaacadaha maxaliga iyo Talafishadanada Af Soomaaliga ku hadla.

Waxaa la filayaa in doorashadda ay maanta soo dhammaado, isla markaana lagu dhawaaqi doono cidda ku guuleesata xilka madaxweynaha maamulka Puntland ee shanta sanno ee soo socota.

Kala soco warar dheeraad ah Caasimada Online.