Madoobe: “DF waxaa qasab ku ah inay taageerto shirka Baydho ka socda”

Baydhabo (Caasimada Online) Madoobe Nuunow Maxamed oo horrey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya haddana kamid ah siyaasiyiinta u ololeenaya in uu hirgalo maamul cusub oo ka kooban lix gobal oo loo dhiso gobalada Koonfur Galbeed ayaa sheegay dowladda in looga baahan yahay in ay taageerto rabitaanka dadka ku dhaqan goboaladaas.

Isagoo la hadlaayay Idaacad ku taalla Muqdisho ayuu sheegay dowladda Soomaaliya in ay qasab ku tahay taageerida shirka Baydhabo ka socda maadama dastuurka ay ku qoran yihiin in labo gobal iyo wax ka badan ay maamul gobaleed sameesan karaan” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay dowladda Soomaaliya in looga baahan yahay in aysan iyada caqabad ku noqon hirgalinta nidaamka Fedaraalka.

Ex Xildhibaan Madoobe Nuunow ayaa ku celceliyay in ay ka go’antahay sameenta maamulka Koonfur Galbeed ee ka socda Baydhabo, kaasoo loo sameenaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Wuxuu sheegay dowladda in hadda ku jirto xilli kala guur ah balse marka ay ka baxdo looga baahan yahay in ay timaado Baydhabo si ay u taageerto shirka Baydhabo ka socda oo hadda gabagabo ku dhow sida uu yiri.

Si kastaba, hadalka Madoobe Nuunow ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalinta shaley shirka Baydhabo ka socda uu galay wajigii seddaxaad oo ah kii ugu dambeeyay, in kastoo ay jiraan khilaaf ka taagan maamulkaaas waayo meelaha

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com