Dhageyso: Gaas: Cidda doorashada ku guuleysan waan ogahay waana….!

Garoowe (Caasimada Online) – Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in Puntland khibrad ugu filantahay shanti sano ay maamulka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyey idaacadda RBC, ayaa sheegay in Barnaamij Siyaasadeedkii ay soo gudbiyeen Murashaxiintu ay si fiican u dhacday isla markaana ay maanta tahay maalin farxadeed.

” Waan ku faraxsanahay Maanta hade khudbadihii baa la jeediyey iyo borogaramka Siyaasadeed Murashaxiinta ,waa maalin farxadeed waa jawi wanaagsan sharaf bey u tahay iyo karaamo Puntland hoolka Baarlamaanka la isugu yimaado la hadlo maantana doorashada ayaa dhacaysa” ayuu yiri.

Sidoo kale,wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey Dr Cabdiweli Gaas in guushu isaga raaci doono isla markaana uu noqon doono Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota.

“Insha allaah waxaan rajeynayaa iney doorashadii dhacdo Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka saan u rajeynaya waxan filayaa iney guushu dhankeyga noqon doonto” ayuu yiri Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Halkan ka dhageyso Gaas

Musharax-Cabdiweli-Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com