Dhageyso: Xasan & Cabd Weli oo isku haya wasiirada cusub & xildhibaanada oo ku hanjabay inaysan ansixin doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaa weli isku haysta golaha wasiirada cusub, waxaana xildhibaanada ay iminka ku hanjabayaan inaysan ansixin doonin, haddii la horkeeno baarlamanka.

Hadalkan ayaa waxaa ku dhawaaqay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya isagoo dhaliilay habka lagu xulayo xubnaha cusub ee golaha Wasiirada ee dhawaan la filayo inuu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa yiri “Annagu ma sugayn in ay soo laabtaan xubno badan oo kamid ah Xukuumadii horkacayay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Sacid) ga’aankeenuna ma ahayn in aan diidanahay mr Saacid laakiin waxay ahayd xukuumadda uu horkacayo oo aan ku dhaliilsanayd in aysan si wanaagsan wax u qaban balse hadii lasoo celiyo Xubnahaas codka Baarlamanku ma ogolaanayo”.

Sidoo kale Xildhibaan Shuuriye waxaa uu sheegay in ay jirto faragalin lagu hayo Ra’iisul Wasaaraha taa oo ku aadan soo xulista Wasiirada cusub, balse wuxuu sheegay inay ku talinayaan in Ra’iisul Wasaraha go’aankisa loo daayo.

Xildhibaan Shuuriye oo ka jawaabayay hadii baarlamanku ay dhacdo inay diidaan Xukuumadda cusub in caqabad ku noqonayso howlihii laga sugayay dowladda Soomaaliya taasoo ka dhalankarto wax qabad la’aan ku dhacda xubnaha dowladda oo dhan.

Dhanka kale wuxuu sheegay Xildhibaan Shuuriye in Xubnaha baarlamanka ay doonayaan xukuumad la tashi dhinacyada badan ku timid balse aysan doonayn Xukuumad laga soo saaray Jeeb hoostiis.

Maalmahaan ayaa la sugayay in lagu dhawaaqo Xubnaha cusub ee golaha wasiirada Cusub oo horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed balse ilaa hadda ma jirto wax soo shaacbaxay oo ku aadan arinkaan, iyadoo warar hoose ay sheegayaan inuu jiro khilaafyo ku aadan xubnaha kusoo bixi lahaa golaha wasiirada.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Xil-Maxamed-Ismaaciil-Shuuriye

Isha: K24