28 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Dibad-bax ballaaran oo lagu taageeray Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacay isku soo bax ballaaran oo lagu taageeraayo howlaha dib u dhiska ee Turkiga ka wado Caasimada Muqdisho.

Boqolaal qof iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Banaadir ayaa isugu soo baxay Beerta Nabadda oo ku taalla degmada Waabari, waxaana halkaas lagu soo bandhigay wax qabadka Turkiga uu ka wado magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid dadkii isku soo baxa ka qaybgalay ayaa watay sawirka ra’iisal wasaaraha Turkiga, waxaana ku dhawaawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan sida ay raali ka yihiin howlaha horrumarka ee Turkiga ka wadaan Soomaaliya soo bandhigay

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlay isku soo baxa ayaa sheegay in Turkiga wax yaabo horrumar leh oo la taaban karo uu ka sameeyay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu ra’iisal wasaaraha Rajib Tyib Ordugan uu yimid magaalada sannadkii 2011-ka.

Tarsan ayaa xusay dhammaan dhismooyinka muhiimka ah ee ka dhisan caasimada in ay dhiseen dowladda Turkiga iyo wadooyinkii burbursanaa oo ay dib u dhiseen qaar koodna ay laami saareen.

Goobaha uu soo hadlan qaaday waxaa ka mid ah Isbitaalkii Digfeer, Dugsiga Banaadir, Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Xerada barakacayaasha ee Rajo iyo goobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha degmada Waabari Axmed Mayre Makaraan oo ku hadlaayay afka guddoomiyaasha degmooyinka Banaadir ayaa sheegay in Turkiga howlaha uu ka wado Muqdisho aan la soo koobiri karin, wuxuuna caddeeyay in ay wax badan ka qabteen dib u dhiska caasimada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga waa dowladda kaliye ee howlo la taaban karo oo ah dhinaca horrumarinta iyo dib u dhiska ay ka sameeen magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo dalka ku yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Farriin qoraaledyada Mobile-ka (SMS) oo dhibaato weyn ka wada SOMALIYA

Markaan arkey Dhibaaatada ka Dhex Dhacda lamaanayaasha is qaba ama Is jecel  ee uu sababo  Mobil-ka ayaa waxaa go’aansadey in aa wax ka Qoro ka dib markii  maalin maalmaha ka mid ah aan arkey  nin Saaiibkey  ah oo meel gaar ah Fadhiya islamarkaana Fekeraya kana muuqata  Murugo ayaan inta u yeerey  waxaana  weydiiyey  halka laga heysto?,waxaana uu i yri  “Saaxiib sidee ii fahamtey  nin Fiiro dheer baa  tahay”,  waxaan ugu Jawaabey “Saaxiib  Maalmahaan  waan ku arkayey caadi ilama ahayn  waxaana kaa muuqda Isbedel aan hore  kuugu aqoon”, inta  uu ii soo dhawaadey ayuu yiri “Saaxib arrin baa i haysata marka maxaad ka qaban kartaa?”,  waxaan iri “wixii karaankayga ah ayaan ka qabanayaa madaama aad tahay Saaxiibkey Qaali ah  oo agteyda  aad iigu weyn”.

Markiiba inta Mobil-kii dib ugu laabtey ayuu soo bixiyey fariin Qoraal ah (Massage) oo uu i yiri  “Saaxiib Fariintaan ayaan Afar Maalmood  tiri waayey” waxaan iri Saaxiib  “meesha ha isaga taalo maxaa Dhib ah”  inta uu I  fiiriyey ayuu yiri “ Saaxiib Fariintaan waxaa ii soo direy Gabar aan Xaaskeyga ahayn marka waxaan ka baqey  inta Gacalisadeyda aragto oo ay dhibaato iiga timaado, Mobil-kii inta aan ka qaadey ayaan akhriyey Fariintii  waaba halis Sababi karta in Saaxiibkey iyo Gacalisidiisa ay kala tagaan. Markiiba intaan Gudaha u galey Mobil-kii ayaa si Fudud  u Tir-tirey Fariintii waxaana saaxiibkey ku iri “ waan tirtirey” markaasuu intuu soo boodey oo Neef weyni ka soo Go’dey  yiri “ma Dhici kartee!!”,  inta aan tusiyey sidaan u tirey ayuu waxaa uu ku qayliyey “AlXamdulilaahi” war Saaxiibkeygiiyow maanta ayaa Murugadii iga hartey  waayo Mobil-ka Afar Maalmood ayaan Waardiye ka ahaa waayo waxaan ka Cabsanayey in Gacalisdeyda ay aragto marka Saaxiib maanta aad baan u faraxsanahay waxaana iigu leedahay maanta Qado ”

Ma yara Dhibaatada Mobilada iyo Lamaanayaasha kala haysta waxaan soo qaadaneynaa dhacdo kale  waxaan arkey meel lagu Buuqsan yahay inta aan u soo dhawaadey ayaan Dhageystey dooda meesha ka socota,waxay dooda u dhaxeysa Nin iyo Xaaskisa oo ku Muransan Cod Mobil ah oo la soo direy iyadoo  Codka uu yahay mid  Haween ah oo Oronaya “Gacaliye waan ku jeclahay Har iyo Habeen,Muuqaadana waa mid aan ka Seexan waayey” Fariintaa ayaa dadkii meesha ay dhageysteen “ Waaba Cod Haween ah” waxaana Gartii la siiyey Haweeneydii “ hase yeeshee  ninka ayaa waxaa uu ku doodayaa “ Codka ma aha Cod Haweeney  ee Waa yar Saaxiibkey ah oo Cod Haween iska Dhigey “ markiiba  waxaa la  weydiiyey inuu keeno ninkii   sidaan isaga dhigey Codka Haween ‘ markiiba  Taleefoonkii ayaa waxaa uu u direy Saaxiibkii oo meesha ka dhawaa  isagiina markiiba si Hal Haleel ah ayuu Goobtii  u yirmid  , waxaana la weydiyey waxa uu ka og yahay arrintaan inta fariistey ayaa Codkii la Dhegeysiiyey, markii uu Dhegeysiga Dhamaadey  ayaa la soo wada fiiriyey maadaama Xaaladu isku cakiran tahay , waxaana uu ku jawaabey” Haa waa Codkeyga “ waa la rumeysan waayey oo dadka qaar waxay yiraahdeen “ Waa wax aan Dhici Karin “ Inta Mobil-kii farfareeyey “ ayuu saaxiibkii oo Goobta Fadhiyey wacan isagoo isaga dhigaya Cod Haween’ inta la yaabey ayaa Dadkii Goobta fadhiyey hal mar Qosol la Daateen”  oo qaarkood ka dalbadey sida uu isaga dhigey Cod haween waxaana uu soo saarey Meel ka mid Mobil-ka oo Codka Haween la saaro sidii baa gartii lagu soo Gabagabeeyey Haweeneydiina lagu yiri “Reerkaada Dhaqo loona sheegey in ay wax waliba  iska Hubiso”

Nin kale oo Saaxiibkeyga  ayaa mar aan isla soo qaadney arrimahan ku saabsan Dhibaatada ka dhex dhacda Mobil-da iyo Lamaanayaasha ama Qoysaska ayaa waxaa uu yiri” Dhibaatadaas waa jirtaa waxaana kuu sheegeyaa aniga marka aan Shaqada ka Rawaxo oo Maqribkii aan tago Guriga markiiba Mobilka ayaa Gacalisadeyda ku Wareejiyaa ilaa laga gaaro Subaxii hase yeeshee hadii uu MobilIi soo dhaco iyada  ayaa qabata  oo ii keenta ,  markaan Dhameysto Muraadkeyga ayaa dib ugu celiyaa , waxaana Farta Wadnaha ku hayaa hadii Haweeney Dool ah ama si Khalad ah u soo garaacdo Mobil-ka marka waa arrin iyana halisteeda  leh waxaana sidan u sameeyaa in aan Kalsooni siiyo Xaaskeyga waxayna Saaxiibdey ii yaqaanaan Mobil Wareejiyey maadaama Xiliga Habeenkii Xaaskeyga Qabato Mobil-keyga ”

Sheeeko kale Nin Saaxiibkey ah ayaan weydiiyey maadaama uu yahay nin Shukaansi badan sida uu uga badbaado Gacalisadiisa markaan ka hadleyno Mobil-ka iyo Arimihiisa , markaasuu yiri” Saaxiib arrintaas waa Fududahay aniga Magacyada Haweenka aan barto waxaan u Bixiyaa marka aan  doonayo in aan   Keydsado Mobil-ka ( Save)  Magac ay Gacalisadeyda cabsi geliya oo aaney ku dhicin in ay si Fudud u qabto  ama waxaan ku Keydsadaa Magac Rageed  si aysan u fahmin  Saaxiibteyda kale“ hase yeeshee mararka qaar arrintaan waa la isku Fahmaa oo Khatar bay keentaa marka Saaxiib ma yara Dhibaatooyinka ay keenaan Mobilada kumana sii jirto marka aad leedahay Gacaliso waxay u baahan tahay Taxadar dheeraad walow Haweenkeena ay yihiin kuwa Maseyr badan

Isku soo  Duuboo Dhibaatooyinka ka dhex dhaca  Lamaanayaasha iss doortey ee uu sababo Mobil-ka   ayaa   abuura Muran iyo kala Shaki sababi kara Aakhirkii kala tag , waxaana la Gudboon Ragga in ay ka Digtoonaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac uu sababo Mobil-ka uu wato , Sidaa Si la mid ah Dumar oo la  ogyahay iney  Hinaaso badan yihiin  ayaa iyana waxaa la Gudboon in ay ka fiirsadaan wax walba oo keeni kara in ay isku Dhacaan saygooda kana feejignaadaan ku deg  degida Akhrinta fariimaha u soo dhaca Saaxiibkood oo  mar waliba  loo baahan yahay in ay Kalsoonidu Sareyso

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  [email protected]

E-Mail  [email protected]

Soomaali laga soo tarxiilay Sacuudiga oo Muqdisho la keenay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah dib loogu soo celiyay 250 qof oo ah Soomaaliya laga soo tarxiilay dalka Sacudiga kuwaasoo ay ku jiraan kuwa bilooyin xirnaa.

Dadkan oo la socday diyaarad weyn oo ay lee dahay shirkadda Daallo ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana ka muuqday raadka ay ku reebtay intii ay ku jireen xabsiga.

Waxa ay u badnaayeen dhallinyarro balse dumar iyo carruur ayaa ku jiray, waxaana qaar kood ay sheegeen inay isku dhiibeen hey’addaha ammaanka Sacuudiga si loogu celiyo dalkooda.

Qaar kood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo qabtay iyagoo shaqeenay markii ciidamada ammaanka Sacuudiga ay raaf xooggan ka sameeyeen magaalooyinka si loo qabqabto dadka sharci darada ku jooga dalkaa.

Badankood waxba ma aysan wadan waayo waxaa la soo qabqabtay iyagoo shaqeenaya ama lugeenay.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Sacuudiga kuwaasoo ku tagay qaab tahriib markii ay ka caraareen dhibaatooyinka ka jiray dalkooda.

Dhinaca kale, waxaa maanta Muqdisho la keenay qaybtii labaad ee Soomaalida laga soo daad gureenaayo dalka Koonfurta Sudan kuwaasoo ka soo cararay dagaallada ka socda dalka ugu cusub aduunka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa saakay ka cusub PUNTLAND oo berri weji kale u billaaban doono?

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Talaado ah ka billaabatay diyaar garow xooggan oo loogu jirro doorashadda madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Puntland oo barri halkaas ka dhaceysa.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in magaalada oo dhan laga dareemayo diyaar garowga doorashadda, waxaa la adkeeyay ammaanka waxaa la joojiyay gawaarada magaalada isaga kala goosha tan iyo maalinta berri.

Wasiirka amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ammaanka Puntland gaar ahaan Garoowe aad loo adkeeyay, wuxuu tilmaamay in xarumaha muhiimka gaar ahaan xarunta baarlamaanka aad loo adkeeyay si wax nabad galyada u dhimaya aysan uga dhicin.

Wasiirka ayaa xusay in baabuurta la mamnuucay muddo kooban isla markaana wuxu dadka ka codsaday muddadaas in ay dul qaad muujiyaan.

Sidoo kale taliyaha ciidamada ammaanka Puntland Gen Saciid Maxamed Xirsi “Saciid Dheere” ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka magaalada Garoow.

Dhinaca kale, waxaa maanta xarunta baarlamaanka tagi doonaa 11-ka musharrax ee u taagan xilka madaxweynaha Puntland kuwaasoo soo gudbin doona mid kasta wax yaabaha ay qaban doonaan haddii ay ku guuleestaan doorashadda.

Waxaa la hadal hayaa dhow musharrax in mid kood uu ku guuleesto doorashadda Puntland, waxaana ka mid ah dadka aad loo hadal hayo ra’iisal wasaarihii horre Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Cali Xaaji Warsame oo ah mulkiilaha shirkadda Isgaarsiinta GOLIS.

Waxaa dad badan ay lee yihiin madaxweyne Faroole waa ku daayay, waayo sidda uu isbadal ugu yimid guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa la aaminsan yahay in madaxweynahana uu isbadal ugu imaan doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Daawo Video: qeybo cusub oo ka mid ah muuqaalada Muqdisho ee 2014-ka

Magaalo Madaxda Muqdisho Bilic ahaan wax weyn ayaa iska badalay ma is dhaheysid Muqdisho ayaa sidaan ah waxaana la ilmeyneysaa sida ay Mqudisho isku badashay.

Aqristoow Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa is dhaheysaa ma’ahan Magaalo 23 sano dagaalo ku soo jirtay ee waxaad moodaa in aysan weligeyd dagaalba ka dhicin ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Soomaali ku ga’doonsan K/Sudan oo maanta Muqdisho kusoo wajahan

Juba (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ku soo wajahan qaybtii labaad ee Soomaalida laga soo daad gureenaayo dalka Koonfurta Sudan oo bishii horre uu ka dilaacay dagaal sokeeye oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku barakaceen.

Mid ka mid ganacsatada Soomaalida ee ku nool Juba oo hadda sugan safaarada Soomaalida ee halkaas ku taalla ayaa BBC-da u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dib ugu laabto dalkiisa.

Wuxuu sheegay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay ka dilaaceen Koonfurt Sudan in ay ku go’doonsanaayeen xarumo QM ay ku lee dahay dalkaas.

Wuxuu sheegay oo kale in wixii ganacsi ee ay ku lahaayeen Koonfurta Sudan la boobay sida uu yiri.

Toddobaadkii horre ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda ay ka soo daad gureeneysay Koonfurta Sudan 131-qof oo isugu jiray dumar, carruur iyo rag kuwaasoo ka soo cararay collaada ka taagan Koonfurta Sudan.

Dagaallada ka socda Koonfurta Sudan waxaa ku dhintay Soomaali badan kuwa kalena wixii hanti ay lahaayeen ayaa la dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Abwaan caan ahaa oo geeriyooday !!!!

Djabuti (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow uu ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee xarunta Jabuuti allaha ha u naxariisto Abwaan Aw Jamac Cumar Ciise.

Qoraaga Axmed Faarax Idaajaa, ayaa caawa u sheegay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho in abwaan uu ku geeriyooday caawa dalka Jabuuti isagoo da’diisa ay tahay 91-jir.

Wuxuu sheegay AUN Abwaanka ayaa ku dhashay magaalada Laasacaanood sannadkii 1922-dii, waxaana uu ka mid ahaa abwaanada caanka ah ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan wuxuu ahaa nin aruuriya isla markaana qora suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.

Abwaanka ayaa waxbarashadiisa ku qaatay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho sida uu sheegay Axmed Faarax Idaajaa oo ah nin wax badan ka qora gabayada iyo heesaha Soomaalida.

AUN Abwaan Aw Jaamac ayaa tam iyo markii dagaalada sokeeye ay ka dilaaceen Soomaaliya wuxuu ku noolaa dalka Jabuuti halkaas oo la sheegay in uu ka daganaa gurri uu siiyay madaxweynaha Jabuuti isaga iyo qoyskiisa.

Haddaba Maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Oneline waxa ay tacsi qaas ah u dirayaan qoyska iyo bahda uu ka baxay gaar ahaan abwaaniinta iyo qorayaasha Soomaalida AUN Abwaan Aw Jaamac, waxaana ay lee yihiin samir iyo iimaan allaha idinka siiyo. Aamiin Aamiin

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djabuti

[email protected]

Xildhibaannada BF Somalia oo maanta dood aad u adag ka yeeshay….!

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dood aad u culus ka yeeshay arrimaha kalluumeesiga iyo xadeynta badda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa muujiyay in uu jirro qorshe laga lee yahay siddii loola wareegi lahaa qaybo ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana arrintaas wada ay yiraahdeen waddamo dano gaar ah leh.

Waxa ay sheegeen in ayaan daro ay tahay in ay soo noq-noqoto arrimaha badda Soomaaliya, waxaana ay codsadeen in arrimahaas il gaar ah loo yeesho.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ay jiraan waddamo in ay boobaan badda Soomaaliya isla markaana ay gurtaan kheyraadka alle uu ku maneestay dalkan.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in beesha caalamka ay u soo dirto Soomaaliya maraakiib shisheey kuwaasoo xaalufin kuwada badda Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa guddoonka baarlamaanka ka codsaday in arrimahan dib loo dhigo maadama dowlado horrey u soo maray Soomaaliya ay ku fashilmeen markii ay faraha lagaleen.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ka hadlay guddiga kalluumeesiga iyo kheyraadka badda ee ku jirra baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo arrintan gacanta ku haya.

Si kastaba, dad badan oo ku xeel dheer arrimaha badda waxa ay lee yihiin maxay tahay wax yaabaha soo celceliya in baarlamaanka iyo madaxda dowladda ay kahadleen badda Soomaaliya .

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

TARSAN oo ka shifay in mashruucyada dib u dhiska Xamar la musuq-maasuqo

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomihaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta oo Isniin ah sheegay mashaariicda loogu talagalay dib u dhiska caasimada Muqdisho la musuq maasuqay ama si qalad loo is-ticmaalay.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta ka hadlaayay kulan uu la qaatay guddoomiyahaasha gobalka Banaadir iyo hey’ad qaabilsan dib u dhiska Muqdisho oo lagu magacaabo SFF, ayaa sheegay 80% mashaariicda loogu talagalay Muqdisho in la musuq maasuqay.

Tarsan ayaa tilmaamay in mashaariicda ilaa hadda laga fuliyay Muqdisho ay yihiin kuwa aan loogu talagalin meelihii looga baahnaa ama faras magaalaha u ahaa caasimada sida uu yiri.

“Illaah ayaa idinku dhaariyay hey’ad ayaa noo dhistay xarun, iska daa in lagu nafciyo waxa ay noqotay in aan galino labo jibaar wax yaabaha lagu bixiyay waa khasaaro, hey’addaha ajaaniibta ee qandaraaska ku soo qaatay Soomaalida ee fadhiya Nairobi waxbo uma hayaan magaaladan” ayuu yiri Tarsan.

Guddoomiye Tarsan waxaa uu carabka ku adkeeyay in shaqaalaha ajaaniibta ee haya mashaariicda laga Muqdisho lagu badalo dad Soomaali ah maadama ay aqoon badan u lee yihiin baahida Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu xukuumadda cusub ugu baaqay in ay dabagal ku sameeyaan mashaariicda hey’addaha caalamka ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

“Magaaladan malaayiin doollar ayaa lagu bixiyay haddana ma jirto meel la taaban karo oo wax looga qabtay, hey’addaha caalamiga iyo NGO-yda la mataanoobay iyaga ayaa qaatay inta badan lacagtaas, oo laga soo qaaday QM iyo beesha caalamka”

Tarsan ayaa xusay in la joojiyo  Erayga ah “Capacity Building” waayo sas ayaan ka qaadnay ayuu yiri.

“Hey’addaha iyo NGO-yada waa kuwa ku heshiiyay qorshe 20-kii sanno ee la soo dhaafay soo socday oo ah aan kala goosano 80% adiga qaado 20% adiga qaado, Hey’addaha ku bar waaqoobay ee guryaha waaweyn ka dhisrtay mashaariicda loogu talagalay Magaaladan” ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Tirada iyo magacyada musharrixiinta u taagan xilka P/Land oo la shaaciyay

Garoowe (Caasimada Online) Guddiga doorashadda maamulka Puntand ayaa galabta shaaciyay tirada musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddiga doorashadda ayaa sheegay in xilka madaxweynaha ay u taagan yihiin ilaa 11-musharrax halka madaxweyne ku xigeenka ay u taagan yihiin 10 musharrax, kaddib markii uu soo dhammaaday xilliga loogu talagalay in ay soo gudibiyaan musharrixiinta oo galabta ku ekaa.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa kala ah:

  1. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  2. Cali Xaaji Warsame
  3. Cadbiraxmaan Maxamed Faroole (oo ah madaxweynaha hadda xilka haya)
  4. Cabdiweli Maxamuud Gurey
  5. Shire Xaaji Faarax
  6. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
  7. Cabdullaahi Siciid Samanter
  8. Maxamed Cabdinuur Xirsi
  9. Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey
  10. Cali Cabdi Awaare
  11. Cali Cabdulqaadir Yusuf

Xubnaha u taagan xilka madaxweyne kuxigeenka ayaa kala ah:

  1. Gen.Cabdisamad Cali Shire
  2. Cabdullaahi Xirsi Timacade
  3. Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)
  4. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
  5. Maxamuud Caydiid Dirir
  6. Daahir Khaliif Maxamuud
  7. Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane
  8. Maxamed Xirsi Ducaale
  9. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar
  10. Xuseen Xaaji Xasan

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo fara badan.

Wariyaha caasimada Online ee Garoowe oo ka mid ah wariyaal loo oggolaaday in ay si toos u tabiyaan doorashadda ayaa soo sheegaya in magaalada ay ka socoto olole iyo qaban qaabo ku aadan doorashadda.

Waxaana musharrixiinta maanta ay la kulmeen dadweynaha reer Puntland, maalinta berrina waxa ay soo gudbin doonaan khudbadahooda ay ku soo bandhigayaan wax yaabaha ay qaban doonaan haddii ay ku guuleestaan doorashadda maalinta Arbacada ka dhaceysa aqalka baarlamaanka ee Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Musuq-Maasuq xooggan oo hareeyay xarunta dad dhigista ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa soo baxaya warar sheegaya in musuq-maasuq ay ka billaabatay xarunta laga qaado warwada aqoonsiga ee (ID) taasoo dhawaan maamulka Gobalka Banaadir uu ka furay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo qasab looga dhigay muwaadiinta doonaya in ay dhoofaan iyo kuwa qaadanaya Baasaboorka, in ay qaataan warqaddan, haddana ma ahan mid si caddaalad ah loo heelo.

Waxaa dadka laga qaadaa lacago dheeri ah, haddii kale dhowr maalin ayey qaadaneysaa in helaan warqaddaas.

Dhibaatada jirta waxa weeye goobta laga bixiyo warqadda muwaadinnimada waa hal meel oo kaliye taasoo feel ay dadweynaha ugu jiraan maalo badan.

Tusaale marka aad rabto in aad hesho Passport iyo warqadda muwaadinnimada waa in aad bixiyaa 200 oo dollarka Maraykanka, laakin sidda saxda sidaas ma ahan oo waa 100 dollar dhammaan warqadda iyo Passaports.

“Muddo 20-cisho ayaan ku soo laabanayay xaruntan, welina ilaa hadda ma helin warqadda muwaadinnimada, waxaa goobta ka jirta musuq-maasuq” ayuu yiri qof ku sugnaa xarunta oo la hadlay Caasimada Online.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in ay jiraan dad lacago laaluush bixiya si ay u helaan warqadda aqoonsiga, balse wuxuu sheegay in goob walba oo laga dhoofo ama laga qaato warqadaha aqoonsiga ah sida baasaboorka la dhigay kambiyuutarro laga heli karo warbixinta qofka oo dhameystiran.waxbaa laga qaban doonaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa maanta ka dhacay MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta oo Isniin ah lagu toogtay askari la sheegay inuu ilaalo u ahaa gudoomiyaha degmada Howlwadaag kaasoo horrey u dilay wiil arday ahaa.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Maslax Ciise Iimaan  ayaa lagu toogtay goob fagaaro ah oo ku taalla dugsiga tababbarka ciidanka booliska ee Gen Kaahiye.

Dilka markii uu dhacay, waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha maxkamadda qalabka sida Korneel. Liibaan Cali Yaroow , wuxuu sheegay in askariga la dilay oo horrey ay maxkamadda u xukuntay uu horrey u dilay qof shacab ah.

Wuxu xusay  in askari walba oo dil u geysta qof shacab ah iyo cid walba oo dil geysata ay mudan doonto xukun kan la mid ah, isagoo intaas ku daray in askar badan oo dilal ku xukuman la toogan doono sida uu yiri.

Qaar ka mid ah dad daawanayyay xukunka saakay ayaa soo dhaweeyay, waxaana ay ka codsadeen maxkamadda ciidanka qalabka sida inla dardar galiyo tallaabada laga qaadayo ciidamada dowladda ee dadka shacabka dhibaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dowladda Britain oo la ogaaday in ay hub siiso burcad-badeeda Soomaalida

London (Caasimada Online) Sida ay qotay Asia New International, dowladda Ingiriiska ayaa lagu eedeeyay in hub siiso kooxaha burcad-badeeda geeska Afrika iyo qaar mid ah waddamada kale.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hub badan loo dhoofiyay Bariga Afrika, loona baahan yahay in dib u eegis deg-deg ah lagu sameeyo sababta keentay in 44,000 oo hub ah loogu dhoofiyay Bariga Afrika oo ay ku jiraan Soomaalida muddo dhan 15 bilood ah.

Xog ay heshay dowladda ayaa muujinaysa in hubka loo dhoofiyay Bariga Afrika ay ka mid yihiin 30,000 oo qoryaha fudud ah iyo 2,536 bastooladood sida lagu sheegay warbixinta.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Britain ayaa ku eedeeyay waaxda ganacsiga in ay ammaanka khatar galiyeen iyagoo aan wax baaritaan ah sameen oo ku aadan in la hubeeyo ciidamada gaarka ah.

Sida lagu sheegay warbixinta hubkan ayaa loo isticmaalay in la siiyo shirkado gaar ah oo waardiyeeya maraakiibta ganacsiga ee adeegsada xeebaha Soomaaliya si ay u afduubaan burcad-badeeda Soomaalida.

Hub qiimihiisa badan yahay ayaa la sheegay in la bixiyay intii u dhexeysay bishii April 2012 ilaa bishii June 2013.

Ugu dambeyn guddiga soo saaray warbixintan ayaa leh shirkadaha British-ka waxa ay hu badan u gacan galiyeen burcad-badeeda Soomaalida kuwaasoo ka dilacaay badweynta Hindiya iyo gacanka cadda.

Warbixintan ayaa ku soo aaday iyadoo sannadkii la soo dhaafay la sheegay in wax afduub ah uusan ka dhicin xeebaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Maxay ka wadahadleen Xasan & Affey

Muqdisho (Caasimada Online)Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo dajiraha gaarkanka ee ururka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey.

Kulanka oo ahaa mid albaabka uu u xiran yahay ayaa labada nin waxa ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay xiriika IGAD iyo dowadda fedaraalka Soomaliya iyo soo dhaweynta danjiraha cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Danjire Afeey oo u dhashay dalka Kenya isla markaana aad ugu xeel dheer arrimaha Soomaaliya, ayaa ballanqa inuu si dhow u la shaqeen doono dowladda Soomaaliya gaar ahaan marka ay timaado arrimaha amniga iyo horumarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u hambalyeeyey danjire Afey xilkan cusub isla markaana sheegey in IGAD iyo Dowladda ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in la sii xoojiyo.

Intaa kaddib waxaa shir jaraa’id Villa Somalia ku qabtay danjire Afeey iyo afhayeenka madaxweyne Eng Yariisow.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa ugu horreyn sheegay in madaxweynaha iyo danjire Afeey ay wax badan ka hadleen kuwaasoo ay isku afgarteen sida uu yiri.

Danjire Afeey ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu yimaado Muqdisho, wuxuuna xusay in shaqadiisa ugu badan ay noqon doonto Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in uu la kulmay ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka wax badana ay ka wada-hadleen sida uu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in IGAD ay ka shaqeen doonto siddii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho xoog ah marka lagaaro sannadka 2016-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Prof. Geedi: Puntland waxa ay xittaa ka horeysaa reer galbeedka”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa amaanay doorashooyinkii baarlamaan ee dhowaan ka dhacay maamul goboleedka Puntland, waxaana uu ku tilmaamay mid horumar muujineysa.

Geedi, waxa uu ammaanay Puntland, waxaana uu sheegay inay mudan tahay in lagu daydo.

“Dalal badan ayaa kaga dayda reer galbeedka dimuqraadiyadda, hase yeeshee Puntland waxa ay xittaa ka horeysaa dalal badan oo reer galbeed ah” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Halkan hoose ka dhageysa Geedi

Cali-Geedi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faah-faahin: Qarax khasaaro geestay oo maanta ka dhacay magaalada…!

Jowhar (Caasimada Online) Inta la ogyahay seddax qof oo uu ku jirro askari ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qarax bambaano oo habeenkii xaley lagu weeraray ciidamo ku sygnaa goob qaadka lagu iibiyo oo ku taalla magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuq ku yaalla xaafadda Hanti-Wadaag oo ka mid ah xaafadaha magaalada Jowhar, waxaana markii uu dhacay goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo baaritaano ka sameeyay xaafadaha ku dhow suuqa.

Dhinaca kale, hal qof ayaa ku dhintay dad kalena waa la’yahay kaddib markii ay ku soo duntay goob carada laga qodo oo ku taalla xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.

Dhacdooyinka noocan oo kale waa kuwa ku soo laab laabtay deegmada Jowhar sida ay lee yihin wariyaal ku sugan magaalada.

Waxaa goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Jowhar iyo dadka shacabka ee ku nool magaalada kuwaasoo u gurmaday dadka ku go’doonsan godka carada laga qodo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Goorma ayuu Uur-ka iman karaa, ileen Galmo kasta Uur ma keento’e?

Baaritaanno ay sameeyeen culimo fara badan oo ku xeel dheer cilmiga caafimaadka gaar ahaan cudurrada dumarku, waxay caddeeyeen in ugxantu ay ka tagto ugxansidaha 15 maalmood kahor caadada xigta, ama haddaynu si kale u niraahno maalinta 15aad kahor inta uusan imaan dhiigga soo socdaa. Sidaasi bay haddaba ku xaddidi kartaa islaantu wareegga dhiiggeeda caado, iyada oo taasi ka tixraacaysana ay sii sheegi kartaa goorta ay ugxamayn doonto.

Waxaynu hore usoo sheegnay inay xawadu jirka haweenta ku jiri karto muddo (48) saacadood. Haddaba haweeneyda wareeggeeda caado uu yahay 26 maalmood oo kasta, waxaa la faxli karaa inta u dhexeysa maalinta 9aad ilaa 13aad, iyada oo loo eegayo xisaabtaan:

26 –                          26 –

15 =                         15 =

__                            __

11 –  maalinta ugxamaynta                     11 + maalinta ugxamaynta

02 = intay nooshahay xawadu               02 =  nolosha ugxanta

______                                                ______

09 maalinta ugu horreysa ee ay    13 maalinta ugu dambeysa eey

  faxlisi dhici karto            faxlisi dhici karto

Muddada ay suuragal tahay inay faxlisi dhacdo

Waxaa intaa dheer inay suuragal tahay inay ugxantu hor marto ama dib dhacdo laba maalmood, sidaasi bayna dhakhaatiirtu ugu dareen muddadaasi aynu soo sheegnay 2 * 2 = 4 maalmood oo kale oo ka dhigan waqti nabad gelyo.

09 –  maalinta sagaalaad                   13 +  maalinta 13aad

02 = muddo nabad gelyo                 02 =  muddo nabad gelyo

__                                                    __

07  maalinta ugu horreysa                 15  maalinta ugu dambeysa

      ee ay faxlisi dhici karto                  ee ay faxlisi dhici karto

Muddada ay suuragal tahay inay faxlisi dhacdo

Sidaasi bay haweeney kasta oo wareegga caadadeedu uu yahay 26 maalmood ay uur ku qaadi kartaa inta u dhexeysa maalinta 7 – 15aad kolka laga soo tiriyo maalintay caadadu ku dhacday. Haweeneyda caadadeedu 27ka maalmood tahay waxay uur qaadi kartaa inta u dhexeysa maalmaha 8 – 16aad. Tan 28ka maalmood 9 – 17, tan 29ka 10 – 18, tan 30ka maalmoodna waxaa suuragal ah inay uur qaaddo inta u dhexeysa maalinta 11aad iyo maalinta 19aad laga soo billaabo maalintii ay ka timid caadadii ay ka qubaysatay.

Haddaba maxay samaynaysaa haweeneydu si ay u garato maalmaha ay uurka qaadi karto?. Jawaabtu waxa weeye:

–   Waxay si sax ah oo jadwalaysan muddo dhowr sanadood ah u qoraysaa taariikhda ay caadadu ka timaado.

–   Iyada oo jadwalkaasi la kaashaneysa waxay ogaaneysaa taariikhda caadada soo socota.

–   Taariikhdaasi waxay ka tuuraysaa 15 maalmood, dabeetana waxaa soo baxaya waqtiga ugxan jiifka.

–   Si ay wax farqi ah oo dhici kara uga hor tagto waa inay ku dartaa waqtigaasi laba maalmood oo ka horreeysa iyo laba ka dambeeysa, sidaasina uu waqtigu ku noqonayo shan maalmood.

–   Shantaasi maalmod waxay ku daraysaa 2 * 2 = 4 maalmood oo kale, iyada oo laba maalmood oo kamid ah laga soo qaadayo inay xawadu gaartay kahor waqtigii la filayey, labada maalmood oo kalena ay noolaan karto kadib waqtigii la filayey inay noolaato, sidaasi bayna haweeneydu ku uuraabi kartaa oo qura 9 maalmood oo ku jira bartamaha bisha caadada.

W/D: Sabriye Macallin Muuse

Ammaanka Garoowe oo la adkeeyay iyo olole ay wadaan musharrixiinta

Garoowe (Caasimada Online) Ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa aad loo adkeeyay waxaana la dhigay meel kasta ciidamo aad u hubeysan.

Arrintan ayaa ka dambeesa iyadoo maalinta Arbacada ee soo socota Puntland ay ka dhaceyso doorashadda madaxtinnimada taasoo sannadkan ka badalan doorashooyinkii horre.

Magaalada waxaa ku qulqulaya ergooyin caalami ah iyo wariyaal ka yimid Nairobi kuwasoo doonaya in ay goob joog ka noqodaan doorashadda madaxweynaha Puntland.

Maanta oo Isniin ah waxaa loo oggolaaday musharrixiinta in ay la hadlaan dad weynaha reer Puntland, maalinta berrina waxa ay soo gudbin doonaan khudbadahooda ay ku soo bandhigayaan haddii ay ku guuleestaan xilka wax yaabaha ay qaban doonaan.

Ciidamada daraawiishta ayaa si weyn loogu arkayaa magaalada oo dhan, waxaana si caaddi ah ku shaqeenaya goobaha ganacsiga iyo gaadidka dad weynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxtinmada Soomaaliya waa xabsi iyo qaxootinimo!! (Faallo xasaasi ah)

Tan iyo markii ay dhaceen Dagaalada Sokeeye ee Soomaliya waxaa mar waliba aad arkeysa waxaad la yaabtid oo ku soo kordha Dhacdooyinkii Soomaalya ka jirey , waxay 10-kii September ee Sannadkii 2012  markii lagu Dhawaaqey in Xasan Shiikh  uu noqdey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markiiba Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo wada jira  ay Guryahooda ugu tageen Qoyska Madaxweynaha la doortey si loo geeyo Goob Amaan ,  iyadoo inta uu socda Howlgalka lagu Badbaadinayo Dadka Ehelada la ah Madaxweynaha ayaa waxaa  si aad ula yaabay Bulshada waxayna  qaarkood  ku Calaacaleen  ” Haddii Madaxtinmada Soomaaliya ay sidaan tahay walee iguma ogid in aan dalkaan Madax ka noqdo marka in aan sidaa iska ahaado oo Xabada Rootiga aan kala goosano saaxiibadeey ama Deriskeyga  ayaa ii roon intii la I Barakicin lahaa oo Deegaankii la iga wadi lahaa  “

Wiil Dhalinyaro ah oo isna la yaaban sida loola  Badbaadinayo Qoyska Madaxda Dowlada ayaa yiri “ inkastoo ay wanaagsan tahay in aan dalkaan Madax ka noqdo hadana markaana arkay in Ehelkeyga laga  Barakicinayo Deegaankii ay  ku noolaayeen waxaana Xaqiiqo  ah in Madaxtinimadaas noocaas  ay tahay  mid aan qiimo lahayn waayo hadi aanan dhexgeli Karin Bulshadda oo aan ka  noolaan Karin Deegaanka waa Madaxtinimo aan Sharaf lahayn

Iyadoo Dhacdadaas ay ahayd mid si aad looga Sheekeyo Soomaaliya ayaa dhawaan markii Raiisul Wasaare loo Magacaabey Cabdi weli Shiikh Axmed ayaa Ciidamo isugu jira Amisom iyo Soomaali waxay  hareereeyaan  Guri ku yaal Xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan waxayna Dhacdaan ahayd  mid aan Goob Joog u ahaa , waxaana aan arkayey Ciidamada oo dadk ku amraya in ay Guryahooda ku  Xaroodan . markaa waxaan saarnaa Gaari BL ah oo isna lagu amrey in uu Wadada ka leexdo , waxaa markiiba aan biaabey in aan raadiyo Xog ku saabsan waxa ay Ciidamada meesha ay ka sameynayaan , waxaana wareystey Nin Odey ah oo  meesha ka dhawaa waxaana weydiiyey waxa ay qabanayaan Ciidamada markiiba waxaa ii dhibey War aan ku Qanci waayey oo ah in uu I yiraahdo “waxaan u maleynayaa in Ciidamada ay raadinayaan  dad ay ka shakiyeen oo ku jira mid ka mid ah Guryaha la hareereeyey”

waxaan bilaabey Xuuraansi kale si aan u helo waxa ay Ciidamada halkaan ka qabanayaan nin kale oo isna ka dhawaa Goobta oo la soo daayey ayaa I yri “ waxaana arkayey Hooyo  iyo Dhowr qof oo isugu jira Gabdho iyo wiilal oo la saarayo Gawaarida AMISOM ,welibana lala saarayo Boorsooyin iyo Alaabo kale marka ma garanayo ujeedka ka dambeysa in dadkaa halkaas laga saaro”

Markii Howgalkii Gabagaboobey ayaa dadkii Hal mar soo wada baxeen waxa markiiba aan heley qof degenaa Halkii Gurigii Howlgalku ku wajahnaa waxaana weydiiyey waxa Xiligaan ay Ciidamada ka sameeyeen waxaana uu yiri” Walaal ma garanayo waxa meesha ka jira waxaan u maleynayaa in ruux la tuhunsan yahay in uu meesha ku jiro “ Sheekadaas mar kale waan ku  Qanci waayey,  waxaan u sii dhawaadey Goobtii Howlgalka uu ka socdey waxaan heley Islaan Deris la ah halka Howlgalku  ka socday waxaa weydiiyey waxa meesha ka jira , iyadoo  naxsan oo Fiigsan ayey I tiri” Amiinow walaal Guriga waxaa Degenaa Islaan Dhashey Raiisul Wasaaraha Cusub Cabdiweli Shiikh Axmed iyada ayaa halkaas laga wadayey oo la Badbaadinayey” waxay ii sii raacisey “Islaanta ma ogeyn  in Wiilkeeda Raiisul Wasaare Noqdey oo markii la saarayey ayaan waxaan ka maqalyey iyadoo Ciidanka ku eh maxaa iga rabtaan,  igana ugu jawaabayay “ Hooyo wax kale ma jiraan wiilkaadii Cabdiweli ayaa maanta Riisul Wasaare loo Magacaabey

Islaantii inta naxdey yey ku tir ragii ka xayn lahaa ” Maandheyskow oo qofkii madax laga dhigo Dadkiisana Ma la Barakiciyaa? Aniga meeshaan ayaa bartey Deris fiicanna waa leeyahay ee maad iska  kay dhaaftaan aan dadkeyga ku dhex jiraa “ Sarkaallkii watey Ciidamada oo Soomaali ahaa  ayaa Islaanta ugu jawaabey “Hooyo  sidaan baa nala soo amrey ee Gaariga nasaar si aan kuu ag dejino wiilkaaga “ islaantii oo ka Xun in ay ka barakacdo Deegaanka  ayaa si hal halaal ah u Fuushey Gaariga  waxayna horey u Macsalaameysey Deriskeedi muddo dheer la nooleyd hase yeeshee islaanta waxay ahayd  qof si aad ah looga jaclaa Deegaanka welibaa Deeqsi ah , waxaana barakaceeda ka Xumaadey dhamaan dadkii Deriska ahaa oo laba iyo Saddex  inta u fariisteen ka sheekeynayey islaantii halkaa laga kaxeeyey

Nin odey oo is aad ah u yaqaaney Islaanta Dhashey  Raiisul Wasaaraha cusub oo aad uga  Murugeysaa  ayaa ku Calaacaley “ Islaantaan waa qof aad u wanaagsanaa oo Deriskeeda u roon marka  waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu meel wanaagsan geeyo “hase yeeshee waxaa  uu  aad ula yaabey oo uu si barbar dhigey sida Madaxdii hore  Ehelooda iyo Caruurtooda ugu dhex jireen Bulshadooda iyo kuwa maanta aysan Bulshadooda ugu dhex noolaan Karin Xitaa hadii ay ka degaan Xilka bal fiiri inta Madax ee na soo martey 23 kii Sano ma jiro  Qof  si caadi ah dadkooda ugu dhex noolaan karo halka Madaxdii hore gaar haan Xilyadii Lixdameeyadii waxaan arki jirey Aadan  Cadde oo Caruurtiisa iska lugeyn jirey Xitaa marka ay imaanayaan Dugsiga ay soo raaci jireen Gawaarida Dadweynaha ama BL-ka bal fiiri Maxamed Siyaad Caruurtiisa iyo EhelkIisa sida ay ula noolaan jireen Bulshadooda, waxaana arki jirey Wiil uu Dhaley Maxamed Siyaad oo aan isku Fasal ahayn marka aniga waxaan  arrinkaa ku tilmaami karaa isbedelka Xiliga ilaahna ha nasiiyo Madax nala noolaato.

Hooyo kale oo muddo Deris ahaayeen Hooyada Dhashey Raiisul Wasaaraha Cusub ayaa iyana ku Catowdey” waa arrin la yaab leh  haddi qof  aad Ehel tihiin si la filaan ah madax looga dhigo dalka  in ay ku soo wajehyso cabsi aad u daran marka Islaantaan maanta Wiilkeedii laga dhigey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya  waa islaan aan ku tilmaami karo qof aad u Ciseeya Deriskeeda islamarkaana si aad ah uga war qabta dadka la nool weliba Gurigeeda waxaa ku noolaa dad fara badan marka in maanta halkaa laga wado waa wax la yaab leh oo Nasiibdaro ah,marka Ilaah ha na siiyo Masuuliyiin Dadkooda la nool islamarkaaa aan ka Qaxayn  marka Madax Noqdaan iyo marka ay Xilka ka degaan.

Waxaa la soo gaarey Gunaadka Maqaalkeyga, inkastoo Madaxtinimada  Soomaaliya laga helo Magac ,Maamuus, Maal iyo Sharaf hadana  waxaa Nasiibdaro ah  in Qofka Madax noqdaahi aanu si  rasmi ah ugu raaxeysan Karin Araga Caruuirtiisii uu aadka  u jeclaa ka hor intii aanu Madaxda noqon waxaana intaa dheer in marka uu Xilka si uun ku waayo uusan ku sii nagaan Karin dalkiisa Hooyo waxayna taasi sababtaa in isaga Laftiisa uu ka daba Qaxo Caruurtii uu mar hore Qixiyey halka Madaxdii hore ee dalka ay hal Xeero wax kuwada cuni jiraan iyaga, Caruurtooda iyo Xaasakooda , Hadaba Madaxtimada Soomaaliya sow lama dhihi karo  waa  Xabsi uu ku jiro Qofka Madaxda Noqda  iyo  Barakac ku yimaada Caruutiisa  iyo Xaasaskooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  [email protected]

E-Mail [email protected]