Soomaali laga soo tarxiilay Sacuudiga oo Muqdisho la keenay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah dib loogu soo celiyay 250 qof oo ah Soomaaliya laga soo tarxiilay dalka Sacudiga kuwaasoo ay ku jiraan kuwa bilooyin xirnaa.

Dadkan oo la socday diyaarad weyn oo ay lee dahay shirkadda Daallo ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana ka muuqday raadka ay ku reebtay intii ay ku jireen xabsiga.

Waxa ay u badnaayeen dhallinyarro balse dumar iyo carruur ayaa ku jiray, waxaana qaar kood ay sheegeen inay isku dhiibeen hey’addaha ammaanka Sacuudiga si loogu celiyo dalkooda.

Qaar kood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo qabtay iyagoo shaqeenay markii ciidamada ammaanka Sacuudiga ay raaf xooggan ka sameeyeen magaalooyinka si loo qabqabto dadka sharci darada ku jooga dalkaa.

Badankood waxba ma aysan wadan waayo waxaa la soo qabqabtay iyagoo shaqeenaya ama lugeenay.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Sacuudiga kuwaasoo ku tagay qaab tahriib markii ay ka caraareen dhibaatooyinka ka jiray dalkooda.

Dhinaca kale, waxaa maanta Muqdisho la keenay qaybtii labaad ee Soomaalida laga soo daad gureenaayo dalka Koonfurta Sudan kuwaasoo ka soo cararay dagaallada ka socda dalka ugu cusub aduunka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com