Maxaa saakay ka cusub PUNTLAND oo berri weji kale u billaaban doono?

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Talaado ah ka billaabatay diyaar garow xooggan oo loogu jirro doorashadda madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Puntland oo barri halkaas ka dhaceysa.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in magaalada oo dhan laga dareemayo diyaar garowga doorashadda, waxaa la adkeeyay ammaanka waxaa la joojiyay gawaarada magaalada isaga kala goosha tan iyo maalinta berri.

Wasiirka amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ammaanka Puntland gaar ahaan Garoowe aad loo adkeeyay, wuxuu tilmaamay in xarumaha muhiimka gaar ahaan xarunta baarlamaanka aad loo adkeeyay si wax nabad galyada u dhimaya aysan uga dhicin.

Wasiirka ayaa xusay in baabuurta la mamnuucay muddo kooban isla markaana wuxu dadka ka codsaday muddadaas in ay dul qaad muujiyaan.

Sidoo kale taliyaha ciidamada ammaanka Puntland Gen Saciid Maxamed Xirsi “Saciid Dheere” ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka magaalada Garoow.

Dhinaca kale, waxaa maanta xarunta baarlamaanka tagi doonaa 11-ka musharrax ee u taagan xilka madaxweynaha Puntland kuwaasoo soo gudbin doona mid kasta wax yaabaha ay qaban doonaan haddii ay ku guuleestaan doorashadda.

Waxaa la hadal hayaa dhow musharrax in mid kood uu ku guuleesto doorashadda Puntland, waxaana ka mid ah dadka aad loo hadal hayo ra’iisal wasaarihii horre Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Cali Xaaji Warsame oo ah mulkiilaha shirkadda Isgaarsiinta GOLIS.

Waxaa dad badan ay lee yihiin madaxweyne Faroole waa ku daayay, waayo sidda uu isbadal ugu yimid guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa la aaminsan yahay in madaxweynahana uu isbadal ugu imaan doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com