Dibad-bax ballaaran oo lagu taageeray Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacay isku soo bax ballaaran oo lagu taageeraayo howlaha dib u dhiska ee Turkiga ka wado Caasimada Muqdisho.

Boqolaal qof iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Banaadir ayaa isugu soo baxay Beerta Nabadda oo ku taalla degmada Waabari, waxaana halkaas lagu soo bandhigay wax qabadka Turkiga uu ka wado magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid dadkii isku soo baxa ka qaybgalay ayaa watay sawirka ra’iisal wasaaraha Turkiga, waxaana ku dhawaawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan sida ay raali ka yihiin howlaha horrumarka ee Turkiga ka wadaan Soomaaliya soo bandhigay

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlay isku soo baxa ayaa sheegay in Turkiga wax yaabo horrumar leh oo la taaban karo uu ka sameeyay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu ra’iisal wasaaraha Rajib Tyib Ordugan uu yimid magaalada sannadkii 2011-ka.

Tarsan ayaa xusay dhammaan dhismooyinka muhiimka ah ee ka dhisan caasimada in ay dhiseen dowladda Turkiga iyo wadooyinkii burbursanaa oo ay dib u dhiseen qaar koodna ay laami saareen.

Goobaha uu soo hadlan qaaday waxaa ka mid ah Isbitaalkii Digfeer, Dugsiga Banaadir, Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Xerada barakacayaasha ee Rajo iyo goobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha degmada Waabari Axmed Mayre Makaraan oo ku hadlaayay afka guddoomiyaasha degmooyinka Banaadir ayaa sheegay in Turkiga howlaha uu ka wado Muqdisho aan la soo koobiri karin, wuxuuna caddeeyay in ay wax badan ka qabteen dib u dhiska caasimada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga waa dowladda kaliye ee howlo la taaban karo oo ah dhinaca horrumarinta iyo dib u dhiska ay ka sameeen magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo dalka ku yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com