28 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Maamulka Gobalka Gedo oo ku gacan seeray Shirka Baydhabo

Baardheere (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesytay shir ka socda maagalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaasoo looga arrinsanaayo maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed.

Korneel. Cabdi Bare Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo la hadlay Idaacad ku taalla Muqdisho ayaa sheegay in shirkaas aysan aqoonsaneen wixii ka soo baxanaya aan la keeni karin gobalka Gedo.

Wuxuu ku tilmaamay shirka mid ka dhacay Kismaayo horaantii sannadkii horre oo lagu unkay maamulka Juba ee madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Cabdi Bare ayaa tilmaamay in Maxamed Sayid iyo ergo kale oo ka qaybgaleysa shirka Baydhabo aaney matalin gobalka Gedo sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in ergadaas ay danahooda u aadeen Baydhabo balse dan ay u hayaan maamulka iyo shacabka gobalka Gedo aaney u bixin.

Sarkaalkan ayaa dowladda ka codsaday in ay  ka war qabto shirka ka socda Baydhabo uu ku tilmaamay ay wataan shakhsiyaad dano gaar ah ay wataan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: R/W CABDI WELI Sheekh oo caawa kulan la qaatay beesha Daarood

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow uu soo dhammaaday kulan uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed la qaatay xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda beesha Daarood.

Kulanka oo ahaa mid uu albaabka u xiran yahay, ayaa la sheegay in looga hadlay magacaabiista golaha cusub ee wasiiradda iyo beesha in la siiyo xubin muhiim ah.

Si kastaba si dhab ah looma oga wax yaabaha la isku raacay, balse xildhibaanno ka qaybgalay kulanka waxa ay lee yihiin “Aad ayaan ugu faraxsanahay kulanka caawa aan la yeelanay ra’iisal wasaare Cabdiweli”

Dhinaca kale, warar la isku heleen karo oo laga helay Villa Somalia, ayaa caddeeenaya in dib ay u dhaceen magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiiradda.

Sababta waxaa lagu sheegay in khilaaf ay weli ka taagan qaabka loo qaybsanaayo xilalka iyo shakhsiyaadka la doonaayo in ay ka soo muuqdaan xukuumadda cusub.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirrada si loo sii ambaqaado howlaha badan ee hor yaalla dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

Maxaa ka jira in R/W C/Weli uu maanta magacaabi rabay laba wasiir oo kaliya

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal oo ku sugan Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online, in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu maanta oo Axad ah magacaabi rabay labo wasiir oo ka mid ah 25-wasiir ee xukuumadiisa ka kooban tahay, si ay uga qaybgalaan wajiga shannaad ee wada-hadallada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Balse wasiiradda ayaa magacaabiistooda waxaa ka dhashay khilaaf, waxaana la sheegay in dib loo dhigay sida ay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay.

Waxaa khilaafka uu ka taagan yahay wasiiradda arrimaha dibedda iyo gudaha kuwaasoo hor taagan magacaabista xubnaha cusub ee wasiiradda , waxaana jirra dad madaxweynaha uu doonayo in loo magacaabo xilalkaas, laakin ra’iisal wasaaraha ayaa isna wata shakhsiyaad kale.

Markii uu soo baxay khilaafkan waxaa madaxweyne Xasan Sheekh uu taleefon kula hadlay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana uu ka codsaday in dib loo dhigo wada-hallada labada dhinac.

Qoondada dumarka iyo xukuumadda cusub

Sida ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xiganay xukuumadda cusub dumarka waxa ay ku yeelan doonaan ugu yaraan afar wasiir ama wax ka badan, balse ma cadda wasiiradda ay qaban doonaan.

Waxaa jirra warar sheegaya in xukuumadda cusub ay ku jiraan labo ama seddax ra’iisal wasaare ku xigeen, laakin arrintaas xitta buuq ayaa ka taagan.

Geesta kale, xildhibaannada baarlamaanka ayaa raba in lagu dhawaaqo xubnaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya maadama ay fasax gali lahaayeen.

Waxaa laga yaabaa in 24-ka saac ee soo socda war cusub ka soo yeero xafiiska wasiirka koobaad ee xukuumadda Soomaaliiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Wada-hadallada Somalia & Somaliland oo mar kale dib u dhacay, Sabab?

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa isku afgartay in dib loo dhigo wajigga shannaad ee wada-hadallada labada dhinac kaasoo lagu waday in uu dhawaan furmo.

Go’aankan ayaa yimid markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ay habeenkii xaley qadka taleefonka kuwad-haleen isla markaana ay isku raaceen in dib loo dhigo kulamada labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shir jaraa’id maanta Axad ah ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in codsiga ah in dib loo dhigo uu ka yimid dowladda Soomaaliya sida uu yiri.

Wuxuu xusay in codsi uu uga yimid dowladda Soomaaliya kaddib howllo hadda badan oo ku furan sida uu yir.

Waa markii seddaxaad oo dib uu u dhaco wada-hallada labada dhinac, oo ay martigalineyso dowladda Turkiga.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in weli aan la isku afgaran maamulka hawada Soomaaliya oo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya, arrintaasna wafdi Somaliland oo uu hoggaaminaayo wasiirka duliska iyo hawada ayaan loo xil saaray” ayuu yiri wasiir Biixi.

Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa diidday codsiga in la qabto wada-hadallada iyaga dowladda Soomaaliya 15-ka bishan waayo waxay lee yihin waxaa noo qorseesan safaro aan aadeeno

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan sheegay in uusan hoos imaan doonin maamulka hawada Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in hawadeeda ay si madax banaan u maamulan doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Video: Bilicda magaalada Muqdisho & sanadka cusub ee 2014 (DAAWO)

0

Magaalo Madaxda Muqdisho Bilic ahaan wax weyn ayaa iska badalay ma is dhaheysid Muqdisho ayaa sidaan ah waxaana la ilmeyneysaa sida ay Mqudisho isku badashay.

Aqristoow Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa is dhaheysaa ma’ahan Magaalo 23 sano dagaalo ku soo jirtay ee waxaad moodaa in aysan weligeyd dagaalba ka dhicin ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Magacabaasita Saddex R/W ku xigeen oo khilaaf dhalisay iyo beelo diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa Xildhibaanada beelaha Direed oo kamid ah belaha loo saadaalinayo inay qaadan doonaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay uga digeenmadaxda sare ee dowladda Federaalka inay xukuumadda cusub ee soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed yeelato wax ka badan hal Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo kulanka ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyay Shuruucda dowliga ah ee Soomaaliya inay qabaan hal Ra’iisul Wasaare ku xigeen wixii ka badan ee la sameeyana ay horseedi karaan hoos u dhac ku yimaada awooda Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koowaad.

Sidoo kale waxay xuseen beelaha Soomaaliyeed ee kale in laga doonayo la tashi in lala sameeyo ka hor inta aan lasoo magacaabin Wasiirada si meesha looga saaro caqabado soo wajaha Xukuumadda lasoo dhisayo.

Ugu danbayntii waxay dalbadeen Xildhibaanada beelaha Direed ee kulanka Muqdisho ku yeeshay Dowladda federaalka Soomaaliya si cadaalad ah inay u qaybiso Wasiirada.

Warar saacadihii u danbeeyay soo baxayay ayaa sheegayay inay jirto kala aragti duwanaansho ku aadan tirada Ra’iisul Wasaare ku xigeenada Wasiirada uu soo dhisayo Mr Abdiweli taasoo u dhaxaysa Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Isha: K24

Dhageyso: Shariif Xasan oo ka hadlay cidda noqoneysa madaxweynaha K/G

Muqdisho (Caasimada Online ) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ka hadlay shirka dhismaha maamulka koonfur galbeed ee Somalia ee ka socda magaalada Baydhaba.

Shariif Xasan oo wareysi siiyey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in laga tanaasulay fikraddii ahayd lix gobol oo ay ka mid yihiin labada Jubba iyo Gedo, laguna soo koobayo maamulka saddex gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Waxa uu sheegay in dowladda Somalia ay tahay tan leh hogaanka maamulka, islamarkaana looga baahan yahay inay shirkaas qaadato mas’uuliyaddiisa.

Shariif Xasan, ayaa waxa laga weydiiyey cidda madaxweyna ka noqoneysa maamulka iyo in isaga uu noqonayo madaxweynaha maamulka, sida ay dad badan rumeysan yihiin.

Jawaabtii uu ka bixiyey halkan hoose ka dhageyso

shariif xasan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Wasiirada cusub oo ay ku jiraan xubno horey uga tirsanaa xukuumadii R/W Farmaajo + Magacyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) Xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaa ka socda kulamo aan kala go’ lahayn iyadoo ay ku qulqulayaan shakhsiyaad doonaya in ay iska arkaan golaha wasiiradda cusub iyo kuwa wakiil ah.

Haddaba wararkii ugu dambeyay waxa ay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha uu soo gabagabeeyay qorshihiisa ku aadan soo magacaabista xubnaha wasiiradda cusub, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo maalinta berri haddii alle idmo.

Yaa ku jirra liiska cusub ee golaha wasiiradda?

Sida ay lee yihiin ilo wareedyo lagu kal soon yahay oo la hadlay Caasimada Online, wasiiradda cusub badankood waa kuwa cusub balse waa ay jiraan shakhsiyaad kooban oo ku jiray xukuumadii Saacid.

Wasiiradda soo laaban kara waxaa ka mid ah Gaashandhigga,Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo arrimaha gudaha iyo amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiiradda meesha ka bixi doonaa ama isbadal uu ku imaan doono waxaa ka mid ah, Warfaafinta, iyo arrimaha dibedda.

Dhinaca kale, wasiiradda cusub waxaa ku jirra qaar ka mid ah wasiiradii horre ee xukuumaddi KMG ah ee uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee Tayo.

Shakhsiyaadka la hadalhayo waxaa ka mid ah Wasiirkii Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Tacliinta iyo hiddaha Cabdinuur Sheekh Max’ed  iyo wasiiru dowlihii xukuumadii Tayo Sahro Maxamed Samatar.

Waxaa jirra faragallin lagu hayo ra’iisal wasaaraha oo ku aadan soo magacaabista golaha wasiiradda cusub, waxaana arrintaas uu kala kulmayaa madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo mid kasta wata shakhsiyaad lagu daro liiska cusub.

Siddee wasiiradda loo qaybsaday?

Waxaa laga yabaa in afarta xil ee ugu weyn xukuumada loo qaybsado si siman oo ah shanta beel, wasiiradahaas oo kala ah, Arrimaha gudaha,Gaashandhigga, Maaliyadda iyo Dibedda , si meesha looga saaro hannaanka 4.5.

Waa markii labaad oo dowladda Soomaaliya ay qaadato nidaamkan haddii ay meel marta haanka shanta beel.

Si kastaba, ra’iisal wasaaraha wuxuu maanta oo ugu dambeesay la kulmay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, waxaana ay ka hadleey dhismaha golaha cusub ee wasiirrada.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in uu si degdeg ah ugu dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirrada si loo sii ambaqaado howlaha badan ee hor yaalla dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamid tahay wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo maalmaha soo socoda dib uga furmaya dalka Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beesha Habar-Gidir oo RW Cabdi Weli u gudbisay shaqsiga u matali doona golaha wasiiradda cusub (Waa kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Sabti ah kulan ballaaran ku yeeshay odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Habar-Gidir,kuwaasoo sheegay in ay isku raaceen Xasan Maxamed Nuur “Xasan Qalaad” in uu u matalo golaha wasiiradda cusub.

Xasan Qalaad oo wax ku soo bartay dalka Ingiriiska isla markaana horrey u ahaa sarkaal ciidamada ayaa loo aqoonsaday in beesha uu u matalo wasiiradda cusub ee u soo dhisaayo ra’iisal wsaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xasan Qalaad oo caawa la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqidsho,ayaa sheegay in uu soo dhaweenaayo kulanka maanta ka dhacay Muqdisho isagoo intaas ku daray in uusan soo abaabulin, balse markii la ogaaday inuu ka so bixi karo xilkaas loo gartay in uu noqdo wasiirka beesha Habar-gidir ay ku lee dahay wasiiradda cusub.

Waxa uu xusay haddii loo magacaabo xilkaas in uu wax badan ka qaban doono xaallada dalka gaar ahaan arrimaha ammaanka.

Xilkan waxaa hadda si KMG ah u haya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay saaxib dhow iyo isku xisbi ka wada tirsan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana loo badinayaa in uu soo laabto oo uu ka mid noqodo wasiiradda cusub.

Beesha Habar-Gidir waa markii labaad oo ay sicad u diiddo Cabdikariin Xuseen Guuleed in uu u matago wasiiradda  cusub oo dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Odayaasha maanta ku shiray magaalada Muqidsho ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha ay ku wargaliyeen shirkooda iyo cidda ay doonayaan beesha in uu u matalo wasiiradda cusub

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shuruudaha iyo lacagta laga doonayo musharixiinta P/L oo la adkeeyey

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay guddiga doorashadda madaxtinnimada maamulka Puntland, iyagoona soo saaray shuruudo adag oo la dul dhigay musharrixiinta doonaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland, xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa faah-faahin ka bixiyay xeerka iyo hannaanka doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay u dhici doonto.

Wuxuu caddeeyay in musharraxa madaxweynaha laga doonaayo Toban kun oo dollar Maraykanka ($10,000) halka madaxweyne ku xigeenka laga doonaayo shan kun oo dollaarka Maraykanka ($5,000), waxaana la sheegay in cidda ku keeni weysa ilaa salaasada in uusan ka qaybali doonin doorashadda.

Lacagtan ayaa la sheegay in aan la soo celin doonin marka uu musharraxa soo gudbiyo, waxaana uu intaas ku daray in khudbadaha musharrixiinta la soo jeedin doono maalinta Salaasada ee soo socota.

Lacagtan waa mid cusub oo ay soo saareen guddiga doorashadda, waayo doorashadii horre ee dhacday sannadkii 2009 waxaa musharrixii laga qaadi jiray shan kun dollar halka ku xigeenkiisa uu bixin jiray seddax kun oo dollar.

Magaalada Garoowe waxaa ka socota diyaargarowga ku aadan doorashadda iyo olole ay wadaan musharrixiinta.

Doorashadda madaxtinnimada ee Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalinta Arbacada waxaana isku soo taagay in ka badan 20 musharrax in kastoo ay jiraan qaar tanaasulay.

Doorashadda Puntland sannadkan aad ayaa indhaha loogu hayaa marka loo eego gudaha iyo dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Maamulka Khaatumo oo go’aan culus qaatay kaddib markii Puntland ay…!

Taleex (Caasimada Online) Maamulka Khaatumo State ayaa xil ka qaadis ku sameeyay labo madaxweyne oo ka tirsan golayaasha madaxweynayaasha Khaatumo, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay jabiyeen sharciga u yaalla maamulkaas.

Afhayeenka maamulka Khaatumo Saleebaan Waji-Xaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) uu ku dhaqaaqay qiyaamo qaran markii uu tagay Puntland.

Axmed Karaasho ayaa markii uu tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wuxuu sheegay in wax la dhaho maamulka Khaatumo State aaney jirin sida uu yiri.

Madaxweyne kale kale  Cabdinuur Cilmi Qaaji (Biindhe) ayaa isna lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo inuu qeyb ka ahaa abaabulka dagaallo ka dhacay deegaaka Taleex,kaasoo uu ku lug lahaa maamulka Farooele sida uu sheegay Waji-Xaad.

Afhayeenka maamulka Khaatumo ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magacaabi doono xilalka laga qaaday labada madaxweyne ee golaha Khaatumo State.

Dhinaca kale, Axmed Karaash ayaa maanta sheegay in uu u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, isagoona intaas ku daray in uu matalaayo gobalada Sanaag, Ceyn iyo Sool.

Axmed Karaash ayaa ka mid ahaa madaxweynayaal seddax oo ka dhisnaa maamulka Khaatumo State.

Si kastaba, waxaa la sheegayaa in uu jirro khilaaf xooggan oo uu dhexyaalo madaxda sarre ee Khaatumo.

Maamulka Khaatumo ayaa ka arrimiya gobalada Sanaag,Ceyn iyo Sool, waxaana aqoonsan dowladda Soomaaliya, balse Puntland waxa ay lee dahay annaga ayaa halkaas ka arrimina.

Caasiamda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Marwada madaxweynaha oo ka farxisay fanaan caan ka ah Somalia

0

Caasimada Online –  Xaaska madaxweynaha Somalia, ayaa qaaday tallaabo dad badan oo ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho, ay ku qeexeen mid wanaagsan oo loo baahnaa mar hore.

Waxa ay deeq lacageed gaarsiisay dhowr fanaaniin haween ah, oo ka mid ah kuwa uga caansan dalka Somalia, sida Binti Cumar Gacal, Sitey Qosol Wanaag iy kuwa kale.

HALKAAN KA DAAWO:

 

DFS oo u hambalyeesay guddoonka cusub ee baarlamaanka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa u hamabalyeesay guddiinka ciisn ee baarlamaanka maamulka Puntland oo shaley ka dhacday magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta oo Axad ah ka hadlay kulan uu baarlamaanka ku yeeshay Muqidsho, ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan qaabka ay u dhacday doorashadda Puntland oo uu ku guuleestay Saciid Xasan Shirre.

Jawaari ayaa caddeeyay in uu la socday qaabka ay doorashadda u dhacday wuxuuna tilmaamay in ay si dhow u la shaqeen doonaan guddoonka cusub ee baarlamaanka Puntland.

Dhinaca kale Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isna soo dhoweeyay doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland wuxuuna ku tilmaamay mid taarikhi ah.

War-saxaafadeed maanta oo ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in doorashada ay u dhacday si hufan oo ku dayasho mudan.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa sheegay inuu si dhow ula socday qaabka ay u dhacday doorashada, isagoo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire.

Wuxuu xusay in qaabka ay u dhacday doorashada ay muujineyso horumarka dhinaca siyaasadda ee ay u baahan tahay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cabdiwali ayaa rajeynaya in doorashada madaxtinnimada Puntland ee lagu wado inay dhacdo Arbacada soo socota ay u dhici doonto si dimuqoraadiyad ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Dowladda Soomaliya iyo maamulka hadda ka dhisan Puntland ayaa xiriirkooda uu xumaaday sannadkii horre markii la isku qabtay arrimaha dastuurka.

Maalinta Arbacada ayaa lagu wadaa in Puntland ay ka dhacdo doorashadda madaxtinnimada waxaa la isku soo taagan in ka badan 20 musharrax balse qaar ayaa billaabay in ay u tanaasulaan musharrixiinta kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FAROOLE oo ay guul darro xoogaan ka raacday doorashadii P/L ee maanta

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashada golaha baarlamaanka Puntland oo saakay ka billaabatay magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Puntland.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in doorashada ay u dhacday qab deggan, waxaana aad looga dareemay magaalada oo dhan gaar ahaan xarunta baarlamaanka oo ku taalla bartamaha magaalada Garoowe.

Waxaa codeynta ka qeyb qaatay 66-da xildhibaan oo uu ka kooban yahay baarlamaanka cusub ee Puntland, waxaana guddoomiyaha cusub ay u doorteen Saciid Xasan Shirre, oo horrey u ahaa wasiirka xanaanada Puntland, balse iminka siyaasad ahaan kasoo hor jeeda Faroole.

Wareega sadaxaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku guulaystay Xil. Siciid Xasan Shire, codeyntiina sidaan bay u dhacday:

1. Xil. Sicid Xasan Shire                                 40 cod

2. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi           26 cod

siciid_xasan-400x237

Madaxtooyada Garoowe ee Faroole ayaa wadatay mid ka mid ah Musharixiinta iyaga oo ol-ole aan qarsooneyn u samaynaayey, isla markaana culeys saarayey musharixiinta kale qaarkood. Musharaxa Madaxtooyada laga taageerayey ayaa ahaa Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Dhooba Daared) oo ka mid aha musharixiintii u gudbey wareega labaad.

Musharaxa guushu raacdey ee Siciid Xasan Shire oo horey u ahaa wasiir ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Faroole ayaa saacadiihii u danbeeyey ka hor doorashada cadaadis xoogleh kala kulmaayey Madaxtooyada Garowe, waxaana laga codsadey in uu ka tanaasulo xilkaas isla markaana Boorsooyinka Madaxtooyada u furayaan. Siciid Xasan ayaa diidey in uu ka tanaasulo tartanka isaga oo ka dalbadey in Boorsooyinkooda ay iska xirtaan.

Kadib markii uu wareegii labaad ku harey Cabdixakiin Xaaji Maxamuud ayaa laga dareemaayey wejiyada shaqaalaha ka yimid Madaxtooyada oo qaarkood kuraastii ay fadhiyeen dabada ka jaftey isagana huleelay.

Inkasta oo doorashada Guddoomiyaha aysan wax badan ka beddelin kan Madaxweynaha ayaa dadku sheegayaan in maanta ay soo baxdey awoodda Madaxweynaha xilka ka degaaya uu ku yeelan karo baarlamaanka taas oo ah mid ka hooseysa 16 Xildhibaan kaliya, oo ah wax Faroole uuan marnaba fileyn.

Doorashadda guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa qaadatay seddax wareega, waxaana ay ahayd mid aad u culus.

Waxaa kaloo la doortay ku xigeenada guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland , waxaana loo kala doorytay Cabdixakiin Macalin Daahir iyo Xuseen Xaaji Diiriye.

Ammaanka goobta doorashadda ay ka dhaceysay ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la dhigay ciidamo badan oo ah kuwa darwiish-ka.

Doorashadda maanta ayaa billow ah waji cusub oo ay galeyso toddobaadkan Puntland, waxaana la sugayaa doorashadda madaxtininimada oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bishan taasoo ay u taagan musharrixiin farabadan oo uu ku jirro madaxweynaha hadda xilka haya Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Baarlamaanka oo loo gudbiyay codsi deg deg ah oo ka yimid RW C/Weli Sh

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Sabti ah xildhibaannada baarlamaanka u sheegay codsi uga yimid ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Codsigaas ayaa wuxuu ahaa in la joojiyo ka dooddistay sharciyada ay horrey u soo bandhigeen xukuumadii Saacid  ilaa inta uu ka soo dooranaayo laga soo dhisaayo golaha wasiiradda cusub.

“Waxaan rabaa in aan idiin sheego inta aan furin fadhigeena maanta codsi idiinka yimid ra’iisal wasaare mudane Cabdiweli Sheekh Axmed kaasoo ku saabsan in dib loo dhigo sharciyada aan ansixino ee ku aadan xukuumadda ilaa inta la soo dhisaayo golaha wasiiradda, arrintaas waan yeelnay” ayuu yiri Jawaari.

Codsigan ayaa yimid markii baarlamaanka Soomaaliya ay maalmahan meel mariyeen dhowr sharci oo qaar kood quseeya xukuumadda iyo golaha wasiiradda, balse maba jirto golle wasiiro oo arrintaas wax laga weydiiyo.

Dhinaca kale, waxaa xafiiska ra’iisal wasaaraha ka socda kulamo goon-gooni ah oo looga hadlaayo soo magacaabista xubnaha golaha wasiiradda cusub, waxaana la lee yahay wasiiradda cusub waxa ay u badanaan doonaan xukuumadii Farmaajo ee Tayo in kastoo ay jiraan xubno kale oo ka socda xukuumadii Saacid.

Ra’iisal wasaaraha ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonaa xukuumadiisa taasoo ka badan golihii wasiiradda xukuumadda ka horreeyasay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomalida qaxootiga ku ah Dhagaxley oo war aan fiicneyn uu usoo yeeray

Dhagaxleey (Caasimada Online) Dab xooggan oo khasaaro dhaliyay ayaa galabta ka kacay xarunta MSF ay ku lee dahay xerada dhagaxleey ee gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Ku xigeenka hey’adda MSF ee dhagaxleey Abuukar Maxamed Maxamuud ayaa VOA-da dabka in uu baabi’yay qaybtii nafaqada iyo dawada ee hey’adda.

Wuxuu xusay in dabka uu baabi’iyay lix bilood wax yaabihi la isticmaali lahaa ee hey’adda ugu keydsanaa goobta sida uu yiri.

Mar la weydiiyay sarkan wax yaabaha ku jiray qolka gubtay wuxuu tilmaamay in uu ahaa keydka MSF ee xerada Dhagaxleey.

Wuxuu sheegay in dabeel xooggan oo ka socotay deegan uu sahlay in dabka uu baabi’iyay qalabkii yaalay xarunta, balse waxaa nasiib ah buu yiri in wax dhimasho aysan jirin.

Dabka ayaa in muddo socday, waxaana aaney jirin gaadid gurmad oo goobta yimid markii dabka uu ka kacay xarynta sida uu yiri Abuukar Maxamed ku xigeenka hey’adda MSF ee dhagaxleey.

Waa dabkii labaad oo muddo toddobaad ah ka kacay xerada qoxootiga Dhagaxleey, seddex maalin ka hor ayaa dab xooggan uu ka kacay xilli habeen ah suuq weyn oo ku yaalla halkaas kaasoo baabi’iyay hanti baallaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: China oo dhiseysa MUQDISHO

0

Caasimada Online:  Warbixin lagu farxay oo laga sii daayay Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed ee (SNTV) ayaa lagu sheegaya in dowladda China ay dib u dhis ku sameyneyso goobo muhim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Waxaa tani ay ka dambeysa kadib wafti ka socda China oo tagay magaalada, lana kulmay dowladda Somalia.

HALKAAN KA DAAWO:

R/W oo shuruudo ku xiray xubnaha uu magacaabayo iyo xog dheeri ah

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Wareedyo kala duwan oo ku dhowdhow Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed in uu maanta ama berri ku dhawaaqi doono golaha wasiirada cusub ee xukuumadiisa.

Waxaa la sheegay in golaha wasiirada cusub ay ka koobnaan doonaan tiradooda ilaa 25-wasiir iyo ku xigeeno, waxaana loo badinayaa in ay ahaan doono wajiyo cusub balse siyaasadda Soomaaliya ku dhex jiray 21-kii sanno ee la soo dhaafay.

Xubnaha cusub qaar kood waxa ay ka soo galeen dhinaca baarlamaanka si ay kasta oo meesha ay ku yimaadeen sidaas waxaa noo sheegay mid ka mid ah ilaha warkan aan ka helnay.

Ma soo loobaan doonaan wasiiradii horre?

Wax kasta waa ay dhici karaan, waayo ilaa hadda ra’iisal wasaaraha wuxu wadaa wadatashiyo iyo kulamo aan kala go’ lahayn waxaana ku lug leh arrimahaas madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxaa la xaqiijiyay in tiro xubnihii horre ee wasiiradda ay ku jiraan liiska cusub, ma cadda inta ay yihiin iyo shakhsiyaadka ay noqon doonaan.

Shuruud uu ra’iisal wasaaraha ku xiray golaha wasiiradda cusub?

Sida ay lee yihiin dadka warkan noo soo dusiyay, ra’iisal wasaaraha ayaa golaha wasiiradda cusub wuxuu u sheegay waa in ay kalsooni buuxda ka heestaan xildhibaannada ay isku beelaha yihiin ee ku jirra baarlamaanka iyo odayasha dhaqanka.

Haddii intaas kalsooni ay ka waayaan wasiiradda cusub ra’iisal wasaaraha wuxuu caddeeyay 25-ka wasiir iyo ku xiganadooda in aysan meesha isku ceebeen.

Si kastaba, la arki doonee sidda ay wax u dhacaan maanta ama berri oo la filayaayo in lagu dhawaaqo xubnaha wasiiradda cusub, iyadoo magaalada ay jirto guux ballaaran oo ku aadan magacaabista golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Sababta daahisay magacaabista golaha wasiirada cusub oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ugu dambeeya ee aanu kaheleyno xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in raysal wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed uu soo dhameystiray ururinta magacyada golaha wasiirada cusub iyadoo buuq uu ka taagan yahay jagooyinka iyo sida ay u kala qeybsanayaan beelaha xilalka ay ka heli doonaan xukuumadda cusub.

Raysal wasaaraha ayaa toddobaadkan oo kaliya waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaal, ganacsato, dhalinyaro iyo xildhibaano qaarkood xilal doon yihiin kuwaasoo qaab waji aqoon iyo qaab qabiilba ugu tagaya raysal wasaaraha cusub si ay uga dhaadhiciyaan in mid kasta uu helo xilka beeshiisa kaga soo aadi doona xukuumadda cusub.

MADAXWEYNE XASAN IYO AFARTA WASIIR

Sida ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen , madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ku adkeysanaya in afar ka mid ah golaha wasiiradii xukuumaddii Raysal Wasaare Saacid Shirdoon lagu soo daro xukuumadda cusub, taasoo Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed uusan daw u arkin.  Mar uu dhowaan Raysal wasaaruhu si cad uga hadlay arrimaha afarta wasiir wuxuu sheegay in haddii wasiiradii Saacid ay soo laabanayaan aanba loo baahdeen in la bedelo Cabdi Faarax Shirdoon.

Hadalka Raysal Wasaaraha ayaa dad badan ku fasireen mid uu ku samirsiinayo wasiirada Damu Jadiid ee madaxweynaha ka ag dhow ee weli rajada ka qaba inay xilalka ku soo laabtaan.

Wasiirada afarta ah ee madaxweynuhu wato ayaa ah illaa hadda caqabada ugu weyn ee dib u dhigeysa magacaabista xukuumada oo ay ahayd in lagu dhawaaqo ka hor bilawga bishan Jannaayo maadaama baarlamaanka uu fasax gelayo usbuuca dambe, kalfadhigana la xirayo.

Dalabka madaxweynaha ee afarta wasiir ayaa sidoo kale saameeyay beelaha qaarkood oo halkii ay shakhsiyaad kale ka keensadeen lagu wargeliyey in madaxtooyadu ay taageersan tahay wasiirkii hore, taasoo buuq iyo qeylo ka dhex abuurtay qabiilada dhexdooda.

QABIILADA IYO WASIIRADA DAMU JADIID

Maalin kasta waxaa hotelada Muqdisho ka dhaca kulamo ay yeelanayaan qabiilo isku heysta cida u geli doonta xukuumadda, tiiyoo ay dheer tahay in madaxtooyada shakjsi beeshaasi ka soo jeeda ay taageereyso.

Wasiirada loolanka adag ku jira ee xilkooda khilaafka abuuray waxaa ka mid ah C/kariin Xuseen Guuleed oo raba inuu markale soo laabto, madaxweynuhuna taageersan yahay.

Labo kulan oo iska soo horjeeda oo beesha C/kariin uu ka dhashay ay yeelatay ayaa midna isaga lagu taageeray halka midka labaadna lagu diiday inuu beesha wasiir u noqdo C/kariin Guuleed oo ay beeshiisu ku eedeysay sidii uu u maareeyay xarigii Xasan Daahir Aweys iyo dadkii laga barakiciyey guryihii dawlada ee Muqdisho.

Wasiirada kale ee har iyo habeen taagaan Villa Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiir Maryan Qaasim, Wasiir C/xakiin Fiqi, Wasiir Faarax C/qaadir, Wasiir Maxamed Nuur Gacal.  Dhammaantood waxay ka rajo qabaan in madaxweynuhu ku guuleysto in qaar iyaga ka mid ah ay xilalka ku soo laabtaan ama wasaarado kale loo dhiibo.

Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweynuhu ku qanciyey Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan (oo hadda ah wasiirka dibadda) in loo wareejiyo wasaarad kale maadaama wasaaradaha dawlada ay ka badnaan doonaan kuwii hore.   Wasiir Fawsiya oo taasi u muuqata inay ku qanacday ayaa toddobaadkan gudiuhiisa xaflad ka dhacday xarunta wasaaradda ee Muqdisho waxay sagootisay shaqaalihii wasaaradda arrimaha dibadda iyadoo u sheegtay inay la shaqeyn doonto haddii markale xilka loo soo magacaabo.

Inkastoo dad badan ay qabaan in Fawsiyo Yuusuf shaqadeeda si hufan uga soo baxday mudaddii ay joogtay wasaaradda ayaa haddana waxaa sababaha bedelaadeeda loo aaneynayaa in rag badan oo beesheeda ka soo jeeda ay lugta lugta u saareen, waxaana raggaasi ka mid ah Ismaaciil Buubaa iyo C/laahi Sheekh Ismaaciil  oo labaduba xilka wasaaradda uga soo qabtay dawladihii ku-meelgaarka ahaa.

Si kastaba wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saacado kaliya ay naga xigto waqtiga uu Raysal Wasaaruhu shaaca ka qaadi doono liiska wasiiradiisa haddiiba isheysadka isaga iyo madaxweynaha u dhexeeya ee ku aadan“afarta wasiir” ay isku fahmaan.

Isha: RBC Radio