28.5 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

R/W oo shuruudo ku xiray xubnaha uu magacaabayo iyo xog dheeri ah

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Wareedyo kala duwan oo ku dhowdhow Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed in uu maanta ama berri ku dhawaaqi doono golaha wasiirada cusub ee xukuumadiisa.

Waxaa la sheegay in golaha wasiirada cusub ay ka koobnaan doonaan tiradooda ilaa 25-wasiir iyo ku xigeeno, waxaana loo badinayaa in ay ahaan doono wajiyo cusub balse siyaasadda Soomaaliya ku dhex jiray 21-kii sanno ee la soo dhaafay.

Xubnaha cusub qaar kood waxa ay ka soo galeen dhinaca baarlamaanka si ay kasta oo meesha ay ku yimaadeen sidaas waxaa noo sheegay mid ka mid ah ilaha warkan aan ka helnay.

Ma soo loobaan doonaan wasiiradii horre?

Wax kasta waa ay dhici karaan, waayo ilaa hadda ra’iisal wasaaraha wuxu wadaa wadatashiyo iyo kulamo aan kala go’ lahayn waxaana ku lug leh arrimahaas madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxaa la xaqiijiyay in tiro xubnihii horre ee wasiiradda ay ku jiraan liiska cusub, ma cadda inta ay yihiin iyo shakhsiyaadka ay noqon doonaan.

Shuruud uu ra’iisal wasaaraha ku xiray golaha wasiiradda cusub?

Sida ay lee yihiin dadka warkan noo soo dusiyay, ra’iisal wasaaraha ayaa golaha wasiiradda cusub wuxuu u sheegay waa in ay kalsooni buuxda ka heestaan xildhibaannada ay isku beelaha yihiin ee ku jirra baarlamaanka iyo odayasha dhaqanka.

Haddii intaas kalsooni ay ka waayaan wasiiradda cusub ra’iisal wasaaraha wuxuu caddeeyay 25-ka wasiir iyo ku xiganadooda in aysan meesha isku ceebeen.

Si kastaba, la arki doonee sidda ay wax u dhacaan maanta ama berri oo la filayaayo in lagu dhawaaqo xubnaha wasiiradda cusub, iyadoo magaalada ay jirto guux ballaaran oo ku aadan magacaabista golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Sababta daahisay magacaabista golaha wasiirada cusub oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ugu dambeeya ee aanu kaheleyno xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in raysal wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed uu soo dhameystiray ururinta magacyada golaha wasiirada cusub iyadoo buuq uu ka taagan yahay jagooyinka iyo sida ay u kala qeybsanayaan beelaha xilalka ay ka heli doonaan xukuumadda cusub.

Raysal wasaaraha ayaa toddobaadkan oo kaliya waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaal, ganacsato, dhalinyaro iyo xildhibaano qaarkood xilal doon yihiin kuwaasoo qaab waji aqoon iyo qaab qabiilba ugu tagaya raysal wasaaraha cusub si ay uga dhaadhiciyaan in mid kasta uu helo xilka beeshiisa kaga soo aadi doona xukuumadda cusub.

MADAXWEYNE XASAN IYO AFARTA WASIIR

Sida ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen , madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ku adkeysanaya in afar ka mid ah golaha wasiiradii xukuumaddii Raysal Wasaare Saacid Shirdoon lagu soo daro xukuumadda cusub, taasoo Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed uusan daw u arkin.  Mar uu dhowaan Raysal wasaaruhu si cad uga hadlay arrimaha afarta wasiir wuxuu sheegay in haddii wasiiradii Saacid ay soo laabanayaan aanba loo baahdeen in la bedelo Cabdi Faarax Shirdoon.

Hadalka Raysal Wasaaraha ayaa dad badan ku fasireen mid uu ku samirsiinayo wasiirada Damu Jadiid ee madaxweynaha ka ag dhow ee weli rajada ka qaba inay xilalka ku soo laabtaan.

Wasiirada afarta ah ee madaxweynuhu wato ayaa ah illaa hadda caqabada ugu weyn ee dib u dhigeysa magacaabista xukuumada oo ay ahayd in lagu dhawaaqo ka hor bilawga bishan Jannaayo maadaama baarlamaanka uu fasax gelayo usbuuca dambe, kalfadhigana la xirayo.

Dalabka madaxweynaha ee afarta wasiir ayaa sidoo kale saameeyay beelaha qaarkood oo halkii ay shakhsiyaad kale ka keensadeen lagu wargeliyey in madaxtooyadu ay taageersan tahay wasiirkii hore, taasoo buuq iyo qeylo ka dhex abuurtay qabiilada dhexdooda.

QABIILADA IYO WASIIRADA DAMU JADIID

Maalin kasta waxaa hotelada Muqdisho ka dhaca kulamo ay yeelanayaan qabiilo isku heysta cida u geli doonta xukuumadda, tiiyoo ay dheer tahay in madaxtooyada shakjsi beeshaasi ka soo jeeda ay taageereyso.

Wasiirada loolanka adag ku jira ee xilkooda khilaafka abuuray waxaa ka mid ah C/kariin Xuseen Guuleed oo raba inuu markale soo laabto, madaxweynuhuna taageersan yahay.

Labo kulan oo iska soo horjeeda oo beesha C/kariin uu ka dhashay ay yeelatay ayaa midna isaga lagu taageeray halka midka labaadna lagu diiday inuu beesha wasiir u noqdo C/kariin Guuleed oo ay beeshiisu ku eedeysay sidii uu u maareeyay xarigii Xasan Daahir Aweys iyo dadkii laga barakiciyey guryihii dawlada ee Muqdisho.

Wasiirada kale ee har iyo habeen taagaan Villa Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiir Maryan Qaasim, Wasiir C/xakiin Fiqi, Wasiir Faarax C/qaadir, Wasiir Maxamed Nuur Gacal.  Dhammaantood waxay ka rajo qabaan in madaxweynuhu ku guuleysto in qaar iyaga ka mid ah ay xilalka ku soo laabtaan ama wasaarado kale loo dhiibo.

Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweynuhu ku qanciyey Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan (oo hadda ah wasiirka dibadda) in loo wareejiyo wasaarad kale maadaama wasaaradaha dawlada ay ka badnaan doonaan kuwii hore.   Wasiir Fawsiya oo taasi u muuqata inay ku qanacday ayaa toddobaadkan gudiuhiisa xaflad ka dhacday xarunta wasaaradda ee Muqdisho waxay sagootisay shaqaalihii wasaaradda arrimaha dibadda iyadoo u sheegtay inay la shaqeyn doonto haddii markale xilka loo soo magacaabo.

Inkastoo dad badan ay qabaan in Fawsiyo Yuusuf shaqadeeda si hufan uga soo baxday mudaddii ay joogtay wasaaradda ayaa haddana waxaa sababaha bedelaadeeda loo aaneynayaa in rag badan oo beesheeda ka soo jeeda ay lugta lugta u saareen, waxaana raggaasi ka mid ah Ismaaciil Buubaa iyo C/laahi Sheekh Ismaaciil  oo labaduba xilka wasaaradda uga soo qabtay dawladihii ku-meelgaarka ahaa.

Si kastaba wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saacado kaliya ay naga xigto waqtiga uu Raysal Wasaaruhu shaaca ka qaadi doono liiska wasiiradiisa haddiiba isheysadka isaga iyo madaxweynaha u dhexeeya ee ku aadan“afarta wasiir” ay isku fahmaan.

Isha: RBC Radio

DF oo caqabado dhanka isku-duwidda ah ay haysato iyo jah-wareer jira

Nidaamka cusub ee baasaboorka lagu qaadanayo ayaa Soomaalida waajib uga dhigay in ay keenaan waraaq dhalasho, kaar aqoonsi oo ay bixisay dawladda hoose iyo shahaado ka socota Waaxda Dambi Baadhista (CID) oo caddaynaysa in aan wax dambi ah loo haysan.

Laakiin iyada oo ay jirto in dawladaha hoose ee meelo badan oo dalka ka tirsan aysan shaqaynayn iyo CID-da hawsheeda oo Muqdisho ku kooban, ayaa hannaanka cusub ee baasaboorka waxaa laga yaabaa in uusan gaadhi doonin shacabka intiisa badan, u-kuurgalayaasha ayaa sdiaas leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daaha ka rogay baasaboorada cusub 22-kii December wuxuuna Soomaalida ugu baaqay inay masuuliyiinta ka soo qaataan waraaqo aqoonsi oo sax ah.

Barigii hore khasab kuma aysan ahayn shacabka in ay dukumenti kala yimaadaan dawladda hoose si ay u qaataan baasaboor, waxayna Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha hal mar wada bixin jirtay baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga.

Madaxa Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Gaafow ayaa sheegay in isbaddalka loo sameeyay danaha amniga qaranka iyo in lagu hubiyo muwadinnimada Soomaalinimo ee dadka doonaya in ay baasaboorada helaan.

“Qofkii doonaya inuu qaato baasaboorka cusub waa inuu marka hore dawladda hoose ka soo qaato waraaqad dhalasho iyo kaarka aqoonsiga qaranka markaasna uu soo maro Waaxda Dambi Baadhista qaranka,” ayuu Gaafoow  yiri. “Qofku markuu waraaqaha looga baahanyahay oo dhan soo helo wuxuu iman karaa Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha si uu u dalbado baasaboorka.”

Baasaboorka cusub iyo kaarka aqoonsiga labaduba waa elektaroonig waxaana lagu soo kordhiyay calaamado ammaan oo dheeraad ah oo ka hor istaagaya in la been abuuro, ayuu yidhi.

Jibka elektaroonigga ah wuxuu u sahlayaa baasaboorada cusub ee Soomaaliya, oo dalka gudihiisa lagu sameeyo, in si sahal ah loo baadho markii lala marayo madaarrada caalamka, siduu afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu sheegay.

Baasaboorada cusub ee la soo saaray waxay lahaan doonaan midabadii ay lahaayeen kuwii hore: buluug oo ah midka caadiga ah, casaan oo ah kan diblomaasiga iyo bunni oo la siinayo shaqaalaha dawladda federaalka.

Qiimaha lagu qaadanayo baasaboorka isma baddalin oo wali waa $83, ayuu yidhi Cusmaan. Hase ahaatee, waxaa dheeri ku ah $10.50 lagu bixinayo kaarka aqoonsiga iyo $5 oo lagu bixinayo waraaqda dhalashada.

Baasaboorada waxaa lagu bixin doonaa gobollada ay gacanta ku hayso xukuumadda Soomaaliya waxaana dawladaha hoose loo samaynayaa kayd elektaroonig ah si loo hubiyo in aysan dhicin falal been abuur ah, ayuu yidhi.

Xarun diiwaan gelin ayaa laga furay Muqdisho, halkaas oo ay muwaadiniintu ka soo qaadan karaan dukumetiyada dawladda hoose ee Muqdisho iyo sidoo kale kuwa dawladaha hoose ee gobollada kale ee dalka oo aan wali ka shaqeeynayn meelahaas.

“Waxaan qornay qiyaas ahaan 13 dhallinyaro oo farsamo-yaqaaniin ah oo u sahlaya dadka in ay helaan kaararka aqoonsiga iyo sidoo kale waraaqaha dhalashada si ay u dalbadaan baasaboorka,” ayuu yidhi Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur, oo xarunta dad qorista ka furay Muqdisho 23-kii December. “Dhammaan dukumetiyada dawladda hoose waxaa laga bixin doonaa xaruntan wixii hadda ka dambeeya.”

Nuur wuxuu muwaadiniinta oo dhan ugu baaqay in ay soo qaataan dukumetiyada sharciga ah maaddaama ay hawlo badan ugu baahan doonaan kaararka aqoonsiga.

“Haddii aad doonaysid inaad iibsatid guri ama gaadhi, inaad wax soo galisid dalka, inaad iibsato SIM kaar, inaad soo qaadato liisanka darawalnimada, ama wax la mida, waa waajib inaad haysataa kaarka aqoonsiga qaranka,” ayuu yidhi.

Caqabadaha ka jira gobollada aysan xukuumaddu ka talin

Maamulka gobolka Banaadir wuxuu dukumentiyada aqoonsiga siin doonaa dhamaan muwaadiniinta u dhashay gobollada aysan dawladdu gacanta ku hayn illaa uu xaalkoodu iska baddalayo, afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sidaas sheegay.

“Waxaan isticmaali doonnaa nidaam aan ku hubinayno macluumaadka dadka waxaanan siin doonnaa dukumentiga markaan hubino xaaladdooda,” ayuu yidhi.

Laakiin Maxamed Cabdullaahi Rooble, oo wakiil degmo ka ahaa Berbera iyo Jalalaqsi intii ay jirtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, wuxuu sheegay in ay ku adkaan doonto maamulka Banaadir inuu dukumenti siiyo dad aan ka soo jeedin caasimadda waayo qof walba waxaa aqoonsigiisa hubin kara oo kaliya masuuliyiinta maxalliga ah ee deegaankiisa.

Rooble wuxuu yidhi xukuumaddu waa inay gobollada aysan hadda maamulin xafiisyo uga furto Muqdisho si ay iyagu shaqada uga qabsadaan Muqdisho.

“Aad ayay ugu adkaan doontaa muwaadiniin aan haysan hanti iyo waqti toona in ay u safraan Muqdisho si ay u soo qaataan dukumitiyada dawladda hoose iyo baasaboorka, laakiin waa waddada kaliya ee u furan dawladda federaalka illaa iyo inta ay ka hananayso dalka oo dhan,” ayuu yidhi.

Waxaa sidoo kale ay su’aalo ka jiraan in ay CID-du awood u leeydahay in ay bixiso caddayn la isku hallayn karo oo lagu ogaanayo inuu qofku dambi galay iyo in kale, ayuu yidhi Cabdinaasir Xirsi, oo ah wariye fadhigiisu yahay Muqdisho oo wax ka qora arrimaha amniga qaranka.

“CID-du waxay ka hawl-gashaa Muqdisho oo kaliya mana laha kayd [qaran] ee macluumaadka muwaadiniinta,” ayuu yiri “Sidaas darteed, qof walba ma siin karto caddaynta dambiga.”

Masuuliyiinta CID-da waa ay ka gaabsadeen in ay faallo ka bixiyaan sida ay qorsheynayaan in ay ku hubiyaan in ay muwaadiniintu galeen dambiyo, ama sida ay adeeggan ugu fidin doonaan dalka oo dhan.

Isha: Sabahi Online

Dhageyso: Cali Khalif oo xog ka bixyey khilaafka taagan wasiirada cusub iyo qorshe uu BFS ka damacsan yahay

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Xildhibaan Cali KHaliif Galayr, ayaa ka hadlay golaha wasiirada cusub ee dhowaan lasoo dhisayo, waxaana uu ka digay inaanu baarlamanka ansixin doonin, hadddii wasiirada cusub ay ka mid noqdaan kuwii ra’iisul wasaare Saacid.

“Raiisul Wasaaraha waan wada hadalnay telefoon baan ku wada hadalnay dhowr jeerna waan is aragnay laakiin anagoo dad badan ah ayaan kala hadalnay qadiyado inaga inoo gaar ah wixii talo aan qabnayna waan siinay, Madaxwaynaha aniga ismaanaan arag ilamana tashan  sida aniga wax iigu muuqdaana labo arimood baa tixgalin mudan mida hore waa in ninkaaso PM awooda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa awooda ay leedahay Dastuurka waxaa ku taala howlaha Fulinta Xukuumadda waxaa leh Ra’iisul Wasaaraha oo Guddoomiye u ah golaha Wasiirada, ninkaas waa run Madaxwaynaha ayaa magacaabay oo Soomaali wayn kasoo xusha oo u doortay shaqada ugu wayn ee Dastuurka ku leeyahayna waa taas marka anigu waxaan qabaa illaa mar aan Ra’iisul Wasaare u ahaa Mudane C/qasim arimaha shaqada mad madow baa galay Dastuurkuna waa qeexayaa marka waxaan leehaya waligaa ku dhaqan wuxuu Dastuurku ku farayo waana in loo daayo cidii Ra’iisul Wasaare loo magacaabo shaqadeeda, cidii tusaale ka dhiganaysa Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee waa gafayaan Dastuurka dib u heshiisiinta Howl qaybsiga ay kala leeyihiin Hay’addaha Dastuuriga ah iyo awood qaybisag Beelaha Soomaaliyeed intuba waa Tilmaamayaan hadii aan taas la tixgalina mar walba muran Joogto ah ayay ahaan” ayuu yiri Prof Cali Khaliif Galayr.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Ali Khalif ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qaabkii Xukuumadii hore Xilka looga qaaday isagoo tibaaxay ayaan daro inay tahay Wasiiro doonayo Guddoomiyahoodii in xilka laga qaado haddana dadku ay isla Wasiiradaasi leyihiin waa kuwii Xukuumada Fashiliyay.

Wuxuu xusay arinta soo celin Wasiirada Hormuudka u ahaa riditaanka Xukuumadii hore inay keeni karto Baarlamanka Soomaaliya inuu u diido codka kalsoonida golaha uu soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli Sheekh Axmed.

Ugu danbayntii wuxuu sheegay Prof Cali Khaliif Galayr marka laga soo tago Dowladii uu Hogaminayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre in Xukuumadaha Soomaaliya intooda badan Dastuuradii ay ku shaqaynayeen qeexayeen awooda labada Hay’addood.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Cali Khaliif Galayr oo uu marka hore ku billaabayo ka hadalka doorashooyinka Puntland

140102_009

Kooxo hubeysan oo xalay nin caan ku dhaawacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ku dhaawaceen nin caan ka ah halkaas.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Ceel-dheere ayaa Caasimada Online u sheegay kooxo hubeysan oo xirnaa dharka ciidanka dowladda Soomaaliya in ay dhaawaceen Cali Shiine oo ah nin matoor ku leh xaafadaas isla markaana caan ah.

“Xalay fiidkii ayaa kooxo hubeysan oo xirnaa dharka ciidamada dowladda waxa ay xaafadda Ceeldheere ku dhaawaceen Cali Shiine oo ah nin xaafadda caan ka ah, dhaawiciisa waxaa loo qaaday Isbitaal Madiina, waxa ay ka rabeen in ay ka dhacaan taleefon gacanta oo uu watay” ayuu yiri qof goobjooge oo u warramay Caasimada Online.

Dadka xaafadda ayaa dhacdadan ka naxay, waxaana ay sheegeen in habeenamadii la soo dhaafay kooxo hubeysan dad ku dhaceen xaafaddaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dhacdooyin noocan oo kale ay ka dhacaan xaafadaha magaalada Muqdisho, mana jirto cid wax ka qabaneysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

Maxaadan la socon oo PUNTLAND ka dhacaya maanta? (Wax badan ogow)

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in qaban qaabada doorashada ay iminka ka socoto xarunta baarlamaanka.

66-ka mudane ee baarlamaanka Puntland oo dhawaan la macaabay ayaa dooranaya guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo ay u taagan mas’uuliyiin hoorre iyo kuwa cusub.

Ragga ugu cad-cad waxaa ka mid ah Cabdirashiid Maxamed Xirsi,guddoomiyihii horre, Axmed Cali Xaashi iyo Saciid Xasan Shirre.

Inta badan maamulka Puntland wuxuu ku dhisan yahay qaab awood qaybsi ah, waxaana inta badan ku guuleesta guddoonka baarlamaanka gobalka Sanaag.

Waa baarlamkii afaraad oo soo Puntland tan  iyo markii la sameeyay maamulkaas sannadkii 1998-dii.

Puntland waxa ay hadda mareysaa xaalad kala guur ah oo indhaha aad loogu wada hayo, waxaana dad badan ay lee yihiin haddii doorashadda soo socota ay ku dhacdo si nabadgalyo leh iyo xalaal, Puntland waxa ay heli doontaa taageero xooggan oo xagga caalamka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Soomaali badan oo laga bad-baadiyay halis xooggan oo ay ku galeen….!

Lampedusa (Caasimada Online) Ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in ay badbaadiyeen dad ku dhow 1000 qof, kuwaasoo ka soo cararay waddamada ku yaalla Afrika gaar ahaan waqooyiga iyo bariga.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa la socday shan doomo kuwaasoo tagay xeebaha Talyaaniga 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Sida ay lee yihiin ciidamada ilaaliya xeebaha Talyaaniga dadka la soo badbaadiyay  ayaa ka soo jeeda waddamada Soomaaliya Tunisa, Ciraaq iyo Libya waxaana ay isugu jiraan dumar, carruur iyo rag.

Dadka la soo badbaadiyay iyo xaqiiqda jirta hadda marka loo eego wax isku dhigma ma ahan waayo xilliga waxaa qaybo badan Yurub ka taagan qabow waxaana kacsan badda oo ma ahan xilliga la soo safro, balse waxa ay muujineysa dadkaas in ay uga caddahay in ay soo aadan Yurub oo ay nolal cuusb sameeyaan.

Horrey waxaa ugu dhintay xeebaha Talyaaniga dad aad u fara badan, balse dowladda Talyaaniga waxay kordhisay ciidamada ilaaliya xeebaha Talyaaniga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Odayaasha Baydhabo ku shiraya oo si kulul ugu jawaabay XASAN SHEEKH

Baydhabo (Caasimada Online) Odayaasha ku shiraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa u jawaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan sheegay in shirkaas lagu koobo maamulkiisa seddex gobal oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Malaakh Shiine oo ah afhayeenka odayaasha ku howlan maamulka u sameenta gobalka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku qaldan yahay in uu yiraahdo maamulka halagu koobo seddax gobal iyadoo dadka ku dhaqan lixda gobalka y doonayaan in ay sameetaan dowlad gobaleed.

Waxaa kaloo uu sheegay madaxweynaha uu hadda aqoonsan yahay koox xoog ku qabsatay magaalada Kismaayo balse dadka ku dhaqan halkaas aysan dooneynin.

Malaakha ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu aqoonsado wixii ka soo baxa shirka Baydhabo ka socda oo hadda galay wajigiisa labaad.

Hadalka malaakha ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu ku baaqay in shirka ka socda Baydhabo uusan saameey ku yeelan maamulka KMG ah ee Jubba oo dowladda aqoonsatay sida uu yiri

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video Arrin waa hore ugu dambeeyay MUQDISHO oo dib loo arkay.

0

Caasimada Online: Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo aad looga hadal hayo arin waa hore ugu dambeeysay oo dib loo arkay ayadoo si ka duwan sanadihii hore caadi ka ah haatan Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa ku tilmaamay talaabadaani mid dib u tusineysa in wax weyn iska badaleyn amaanka Muqdisho taa oo amcnaheedu yahay in wax yaabo waa hore u dambeeyay dib loo arkaayo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Diblomaasi yiri in Fowsiya ay lunsatay lacag oo ka hadlay wixii qabsaday

Nairobi (Caasimada Online) Cabdisataar Xasan Cali oo ka mid ah diplomaasiyiinta ka shaqeeya safaarada Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay qaab aan sharci ahayn in shaqada looga eryay, wuxuuna ku adkeesanayaa weli in uu yahay shaqaale ka tirsan safaaradda,

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in uu aad uga xun yahay hadal ay dhawaan sheegtay sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Yuusuf.

“Adeer wasiirada waxaaba aysan kala garaneynin shaqadeeda, siddii ayey ku lee dahay Cabdisataar waxaa ceyriyay safiirka soo ma oga safiirka in iyada uu hoos yimaado, teeda kale waxa ay lee dahay waa la eryay, anniga weli waxaan ka tirsanahay shaqaalaha safaarada, waxaana igu og Villa Somalia iyo madaxda dowladda” ayuu yiri .

Wuxuu kaloo sheegay in wax xuquuq ah uusan helin sannadkii horre, isagoona ku celceliyay  lacagihii mushaarka ee loogu talagalay shaqaalaha safaaradaha Soomaalida ay ku lee dahay caalamka ay lunsatay Wasiir Fowsiyo sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, maalin ka hor waxaa magaalada Muqdisho shir ku qabatay sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxaa ay beenisay warka uu sheegay Cabdisataar, iyadoo xustay in ninkaas meesha laga ceyriyay.

Cabdisataar ayaa weli ku adkeesanaya in uu xaqiiqo u hayo wasiiradda in ay lunsatay lacago badan oo loogu talalagalay safaaradaha Soomaalida, wuxuuna ka dhawaajiyay in ay guryo uga dhisatay magaalada Nairobi sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

CULIMO soo saartay fatwo xaaraan ka dhigeysa isticmaalka mobile-ka….!

Sheekh Khalaf Almudlaq oo ka mid ah culumada waaweyn ee Sucuudiga ayaa fatwooday inay xaaraan tahay in qofka gaariga wada uu mobile-ka isticmaalo.

Sheekhu wuxuu yiri: shareecadu waxay u timid inay ilaaliso dadka diintooda, naftooda, maalkooda, sharaftooda iyo ubadkooda.

Sheekhu wuxuu yiri: isticmaalka mobile-ku waa arrin khatar badan marka qofku gaariga wado; waayo wadida gaarigu waxay u baahantahay soojeed iyo feejignaan; si loo ilaaliyo darawalka, rakaabka, maalkooda iyo dadka waddada maraya iyo maalka caamka ahba.

shiikh136Sheekhu wuxuu yiri: qofku marka uu doonayo inuu mobile-ka isticmaalo waa inuu wadida joojiyo; si uu u badbaadiyo dadka iyo maalkooda. Waa in la ilaaliyo nidaamka taraafikada ee qeexaya ammaanka waddooyinka.

Sheekhu wuxuu hadalkiisa ku gabagabeeyey qalabkan casriga ah wuxuu saamayn xun ku yeeshay qoysaska. Waxaa hoos u dhacay waxbarashadii, xiriirka qoyska u dhexeeyey. Wuxuu sababay furiin iyo dadkii oo kala mashquulay.

Halkaan ka akhri hadalkii sheekha: http://almoslim.com/node/197562

Sannad walba kumanyaal ayaa ku dhinta, kuna dhaawacma shilalka gawaarida ee sababsada isticmaalka mobile-ka; sidaa darteed waxaa waajib ku ah dadka gaadiidka wada inay ilaaliyaan nolosha dadka iyo maalkooda.

Sh. Axmed Cabdisamad
[email protected]

Xagee laga haystaa DF oo ay ka soconi la’dahay sideese wax u dhaceen?

Taliyeyaashii Saldhigyada Booliiska Wardhiigley iyo Shangaani ayaa kamid ahaa Dadkii ku Nafwaayay Weerarkii habeen hore lagu qaaday Hotel Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliiska Soomalaiya Col. Maxamed Yuusuf Cumar ‘Madaale’ ayaa sheegay in Labadaas Taliye ay ku dhinteen Qaraxyadii.

Labo xiddigle Mursal Showre oo ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska ee Shangaani iyo Gaashaanle dhexe Cabdiqani Axmed Gacal oo ahaa Taliyihii Saldhigga Booliska ee degmada Wardhiigley ayaa ka mid ah 11 Qof oo ku dhimatay weerarka.

“Weerarka waxaa ku dhintay Dad Rayid ah, ciidammo iyo kuwii weerarradaas fuliyay, waxaana inta badan dadka dhintay ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidamada booliiska iyo Nabadsugidda dowladda (…) Waxaana ku jiray Taliyeyaashii Saldhigyada Booliiska Wardhiigley iyo Shangaani” ayuu yiri Madaale.

Weeraradaan oo ahaa kuwo Qorsheysan ayaa habeen hore ka dhacay Hotelka ay dagaan Siyaasiyiin, Diplumaasiyiin iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.

Qaraxii koowaad ayaa dhacay fiidkii, waxaana Gaariga uu lahaa Taliyihii hore ee Nabadsugidda Gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg lagu xiray Walxaha Qarxa. Taliyaha ayaa markuu Qaraxa dhacayo ku jiray gudaha Hotelka.

Afartan Daqiiqo kadib waxaa dhacay Qaraxii Labaad oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo hotelka hortiisa la dhigay.

Dadka inta badan ayaa waxey ku dhinteen Qaraxii Labaad, waxaana Qaraxaas lala eegtay Gurmadkii iyo Ciidamada Dowladda oo Goobta soo gaaray.

Dowladda oo ku guuldareysatay sugidda Ammaanka

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo arxan-darro ah, wuxuuna sheegay in ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha weerarradaas, halka Wabaahinta Dowladda ay Qortay in Dowladda Federaalka ay “Fashilisay Weerar Argagixiso”.

Sidoo kale, Taliska Booliska Soomaaliyeed, Gen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa sheegay in ay ka hortageen Weeraradii Isqarxinta ahaa.

Su’aasha taagan ayaa ah, ma Weerar ay ku Nafwaayeen 11 Qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 40 oo ka dhacay Hotel si fiican loo ilaaliyo ayaa lagu guuleystay in la “Fashiliyo”?

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay Hay’adaha Ammaanka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha.

Xildhibaan Cabdibsamad Macalin Maxamuud oo hore u soo noqday Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay ku mashquushay Dhanka Siyaasada,o o amaankii ay dayacday.

“Bilihii ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay, Qaraxyo, Dagaal joogta ah, Dilal qorsheeysan, taasna waxa ay muujinayesaa in la Hilmaamay Amaanka Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Samad.

Xildhibaan C/samad Macalin ayaa ugu baaqay Laamaha Amaanka Dalka in aysan Siyaasada Soomaaliya ku lug yeelan islamarkaana ay u soo jeestaan sugida Amaanka.

Xildhibaan Codsaday in aa Magaciisa loo adeegsan Warbixintaan oo aan la hadalnay ayaa dhaliilay Madaxda Dalka, wuxuuna yiri “Meesha Dowladda kama jirta, Dowladd waxey ka fakartaa Shacabkeeda, waxey xooga saartaa Ammaanka, waxeyna siiba ilaalisaa Gurigeeda (…) Waa Ceeb in Dowladdu ay ilaa iyo Maanta aysan dajin Qorshe sidii looga hortagi lahaa Qaraxyaddaan oo kale, marwalba uu Qarax dhaco in la yiraahdi ‘Waan ka xunahay’ wax ma badaleyso”

“Waan ka xumahay laakiin Villa Somalia ayaa ammaan aheyn iskaba daayee Muqdisho” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda ayaa Codsanaya in Xilka laga qaado Mas’uuliyiinta haya Hay’addaha Ammaanka.

Habada yaa Qaadaya Mas’uuliyadda? Ama sidii Qaraxyaddii hore, Labo Maalmood kadib waa la iska ilaawi doonaa?

Isha: KON

Prof. Cali Geedi oo xaqiijiyay arrin lagu jahwareeray oo Muqdisho ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa caawa xaqiijiyay haddii ay soo laabtaan wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid in wax kalsooni ah aysan ka heli doonin baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Geedi ayaa sheegay in xog uu ku helay ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed inuu damacsan yahay in uu soo celiyo qaar ka mid ah golaha wasiiradii horre.

Waxaa uu arrin ayaan daro ah ku tilmaamay in madaxweynaha shakhsiyaad uu doonayo in lagu soo celiyo golaha wasiirada cusub sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka jirra guux ballaaran oo ku aadan in ay soo laabtaan golaha wasiiradii horre, waxaana arrintaas olole ballaaran ugu jirra madaxda dowladda sida madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa wada kulamadii ugu dambeeyay oo uu ku soo xulaayo golaha wasiiradiisa cusub, waxaana la filayaa in ay ka badnaan doonaan tirada wasiir horre oo ahaa 10.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

BIIBTO: Madaale howlkar ah oo aan ku guuleysan abaalmarin caalami ah

Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto): Mucjisada Saxaafadda

In ka badan Muddo 24 Sanno ayaa aad u aqaaney Xabiibo Axmed Jimcaale oo ku Magac Dheer Biibto , waxaana dhawaan kula kulmey Munaasabad ka dhacaysey Hotel Amiira ee Magaalada Muqdisho ka dib markii aan Xoogaa ismoogeyn, hase yeeshee mudadaas dheer ee aan is naqaaney Biibto waxaa inta badan aan  ku kulmi jirey Goobaha Saxafada ee ay wararka ka sameeyaan. Waxay ahayd Haweeney aad u Firfircoon oo marka la yiraahdo Howlaha Saxaafadda , waxaana muddo badan  aan isla qaadaney Tababaro Dhinaca Saxafadda iyo Siminaaro

Haddii aan dib u Qooraansano Biibto Taariikhdeeda  waxay si aad ah iiga Sheekeysey waayaheedii hore  gaar haan waxay markii ay dhignaysey Dugsiga Hoose Dhexe Yaaqshiid ayey ka tilmaamneyd Ardeyda kale ee wax la baraneysey gaar ahaan Dhinaca Hiwaayada Isboortiga ,waxayna Dugsigaas ay kala qayb qaadatey Tartamo isboorti oo ku Dhiirageliyey in ay u Ciyaarto Gobolka Banaadir  siiba dhinaca Kubadda Kloleyga , waa ay ka sii  Gubtey Gobolka Banaadir  waxay Hal mar Dalabyo uga yimid kooxihii Heerka Koowaad ee Dalka ka jirey gaar ahaan Sanadihii Sideetameeyadii waxayna markii ugu horeysey u Ciyaartey Naadiga INJI  sidoo kale waxay u soo Ciyaartey Naadiyada Dowladda Hoose , Batroolka , Horseed iyo Badda .

ka sokow Dhinaca Kubadda Koleyga, waxay Biibto ay ciyaari jirtey Tartamada Kubadda Laliska ,Kubadda Gacanta, iyo Oradka , markii aan ka soo Gudubno ku dhex jirka Bahda isboortiga, Biibto waxay ka mid ahayd Shaqaalaha Madbacada Qaran waxay si gaar ah uga shaqeyneysey Qaybta Daabacaada Baasaboorada, sidoo kale waxay ahayd Iibiye Sare Dhinaca Joornaalka Xiddigta Oktoobar , waxayna Biibto ka dhex Muuqatey Shaqaalihi markaas la Shaqeynayey waxaana  dhowr jeer la Gudoonsiiyey Shahaado  Sharaf.

Weriye Amiin Khasaaro (Bidix) iyo Xabiibo Biibto (Midig)
Weriye Amiin Khasaaro (Bidix) iyo Xabiibo Biibto (Midig)

Markii ay Dhaceen Dagaaladii Sokeeye Biibto kama harin Mihnadeedii  Dhinaca Daabacaada iyo Saxaafadda sidoo kale waxay iibiye Sare ka noqtey Joornaaladii faraha Badnaa ee ka soo bixi jirey Dalka , iyadoo Howshaas ku  dhex jirta ayey Bilawdey in ay Sameyso Wargeyskii ugu horeeyey oo lagu Magaabi jirey Danjire  kaasoo ay ka noqtey Tafaftire,Farsamayaqaan wax Daabaca , Qoraa Wargeyskaas wax ku Qora  sidoo kale Biibto Haweeney ku fiican  Dhinaca Farshaxanka (Arts ),  Biibto dadaalkeedii halkii ayey ka sii wadey, waxay kaloo ay Dhidibada u Aastey Wargeyskii isna lagu Magacaabi jirey Xog-Waran

XabiIbo  Xaaji Jimcaale (Biibto) intii ku dhex jirtey Bahda Saxaafadda  waxay Samaysey Urur Saxaafadeed  Sanadihii Sagaashameeyadii  dhinaca Gabdhaha oo lagu Magacaabo SOWPA kaasoo qabtey Tababaro fara badan oo Gabdhaha Saxafiyiinta waxayna Biibto ii sheegtey in  aan cidi Dhaqaale ku siisey aaney jirin  waxayna soo saartey Gabdho badan  oo Dhinaca Saxaafadda oo qaarkood maanta meel sare ka gaarey

Howlkarnimadeedii  waxaa uu keeney in Salka u dhigto Wargeyska Maalinlaha ee  Muqdisho Times  oo iaa iyo haatan Shaqeeya , Nasiibdaro Sanadihii Sagaashameeyadii ayaa Biibto waxaa soo gaarey Dhaawac Xili ay ku Guda Jirtey Howlaheeda Saxaafadeed , waxana Dhaawac Culus uu ka soo gaarey gacanta oo ilaa iyo haatan si aad ah looga Dareemo sioo kale Biibto haatan waa Gudoomiye ku xigeenka Ururka Suxifiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (Nusoj)

Madaalaha Saxaafadda Biibto ayaa waxaan wax ka weydiiyey Sababta intaas oo shaqo adiga oo Haween ah soo qabtey aad Abaal marin Caalami ah laguu siin waayey  waxayna ku Jawaabtey Xabiibo  “ Waa Runtaa waxaan kuu sheegayaa in Dad aan Ehel u ahayn Saxaafadda ay Soo Xulaan sidoo kale waxa ka sii yaab badan in dadka la siiyo Abaalmarinta ay yihiin kuwa iyana aan Ehel u ahayn  Saxaafada marka walaal waan iska Sugayaa  Goortii Ilaah ii Qadaro ayaa Heli doonaa “  waxay sii raacisey “ waxaana u soo jeedinayaa Dhinacyada Isku haya Siyaasada Soomaaliya in ay Warbaahinta  u ogolaadan in Howlahooda si wanaagsan u Gutaan’

Biibto markii ay ii sheegtey in intaa oo Hawlood ay ka qabato  Dhinaca Saxaafada ayaa ku tilmaamey Mucjisada Saxaafadda waayo howlaha Biibto ilaa iyo haatan ku dhex jirto Dhinaca Saxaafadd  iyadoo Haween ah  oo mararka qaar Xirfadaha ay ii Tilaamaantey in ay qaban karto oo raga Qaarkii  aysan qaban karin ayaa mar kale ku tilmaaami karaa Madaalaha Saxaafadda Soomaaliya  ama Maamada Saxaafadda,  waxaan kaloo aan weydiiyey maadaama Wargeyska  Muqdisho Times  uu weli uu soo baxo halka  Wargeysyo kale oo fara badan   ay Baaba’een oo aan ogahay in aan  wax Dhaqaale ah laga helin maxaa u soo saartaa  waxay ku jawaabtey “ Runtii waxba kama helo hase yeeshee waxaa Wargeyska ku Xiran dad fara badan oo ka raadsada Biilkooda kuwaa ayaa u daneynayaa “

Biibto waa Saxafiyada si aad ah looga yaqaan Dalka  waxaana Xaqiiqo ah in Biibto ay u qalanto in la Gudoonsiiyo Abaalmarin Caalami ah  si ay Dhiiragelin ugu noqoto Howsha Baaxadda leh ee ay ku dhex jirto  maadaama ay tahay Qof Haween ah oo intaa Shaqo qabta sidoo kale Biibto  waxaan dhihi karaa waa Saxafiyad Garab weysey marka waxay ugu Dambeyntii halkaan uga Mahacelineysaa Saxafiga weyn Cali Muuse Cabdi oo ay ku tilmaantey in uu ku dhiirageliyey in ay ku sii dhex jirto Mihnadda Saxaafadda Sidoo kale waxay u Mahadcelineysaa Xaaji Muxyadiin Yuusuf oo ay oo mararka qaar Takaakuleyn ka heli jirtey, Waxay Biibto halkaan uga Mahadcelineysaa Hayadda SAACID  oo ay sheegtey in ay Gacan weyn ka heshey markii uu Dhaawaca soo gaarey waxay sidii kale u Mahadcelineysaa Dhamaan qaybaha Warbaahinta Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail [email protected]

E-Mail  [email protected]

DAAWO VIDEO: Maxaysan fileyn oo ay qurbo-joogta ku arkeen Muqdisho?

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo marti gelisay Kumanaan Qurba Joog Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo noqoyay Mudooyinkaan ayaa waxeey ka heleyn wax aysan filaneynin.

Qurba Joog u badan dhalin yaro anan dalka arkin ayaa helay wax aysan ku fakareynin in aysan oolin dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho haba ugu weynaato ee dhinaca wax barashada.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Muqdisho oo $100,000 ugu deeqday dhibaatadii gaartay reer Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) Maamulka gobolka Banaadir ayaa 100,000 oo dollarka Maraykanka ayaa ugu deeqay dadka ku wax yeeloobay fatahaadda Wabiga Shabeelle oo tuulooyin hoos-taga Jowhar baabi’iyay.

Guddoomiyaha degmada Waabari Axmed Mayre Maka oo ka mid ah mas’uuliyiinta lacagta gaarsiiyay Jowhar ayaa sheegay laga soo ururiyay dadka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in maamulka gobalka Banaadir oo kaa shaanaya dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay ka go’antahay siddii ay u caawin lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Wuxuu guddoomiyaha degmada Waabari ku celceliyay Soomaaliya meel kasta oo ay joogto in aysan kala maarmin.

Waa lacagtii labaad oo laga uruuriyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee la gaarsiiyo dadka wax ku noqday fatahaada iyo dabeylaha ka dhacay sannadkii horre gobalada Shabeellaha Dhexe, Nugaal iyo Bari.

Bishii horre ayaa maamulka gobalka Banaadir wuxuu maamulka Puntland ku wareejiyay 200,kun oo dollaar Maraykanka kuwaasoo laga aruuriyay dadka Muqdisho.

Caasimaa Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhagayso: Beesha Absame oo maanta ka shirtay aayaha C/llaahi CIILMOOGE dalabna u dirtay R/W Cabdi Weli Sh

Muqdisho (Caasimada Online) Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Absame ama Ogaadeen oo uu ka dhashay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadii hore ee Soomaaliya Mudane Abdullahi Ciilmooge Xirsi ayay uga dalbadeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdiweli Sheekh Axmed inuu kusoo daro liiska golaha cusub ee Xukuumadda uu soo dhisi doono.

Nabadoon C/qaadir Maxamed Ibrahim oo kamid ah Waxgaradkii kulanka yeeshay ayaa xusay in Wasiir Ciilmooge mudadii uu Xafiiska joogay inuu wax badan ka qabtay wasaaradiisa isagoo tilmaamay Ciilmooge inuu ahaa Wasiirka kaliya ee kasoo baxay shaqadiisa.

“Si-aan qabyaalada iyo waxyaabaha xun xun uga baxno ninkii wax wanaagsan qabta waa in la taageero Wasiirkaasi wixii uu qabtay ayaan qiimaynay Ciilmooge wuxuu Hormuud u ahaa waxqabadkii ay samaysay Xukuumadii hore, Ra’iisul Wasaarha cusub waxaan leenahay Wasiirada kusoo dar, waliba ku abaal mari Ra’iisul Wasaare ku xigeen” ayuu yir Nabadoonka.

Sidoo kale mid kamid ah Ururada Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Cabdiweli inuu soo magacaabo Wasiiro tayo leh oo ka dhex Muuqdo Wasiir Ciilmooge.

Halkan hoose ka dhageyso codka Nabaddoonka iyo kan Ururada

Wareysi-Cabdulqaadir-Maxamed-Ibraahim-

Isha: K24

Dad badan oo Kismaayo ugu dhintay….

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegay halkaas galabta ay ku soo duntay kaawo dhagxaanta laga qodo.

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhimmatay kaawada soo duntay, waxaa kaloo jiray baabuur ay wateen oo ah nooca carqada oo ku burburay goobta sida ay lee yihiin goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online.

Waxaa goobtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Juba kuwaasoo dedaal ballaaran ugalay in la soo badbaadiyo dadka ku hoos jiray kaawada soo duntay balse ma jirin dad la soo helay iyagoo nool, waxaana la soo bixiyay hal qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay goobta.

Dhacdooynka noocan oo kale waa ku soo laabtay dalka Soomaaliya labo bil ka hor ayaa magaalada Muqdisho kaawo ku taalla degmada Kaaran oo soo duntay waxaa ku dhintay 15-qof oo ahaa dadka dhagxaanta ka shaqeesta.

Ma jirto wax yaabo ay uga badbaadaan dadka dhagaxda ka xamaasha oo la siiyo, waxaana markasta dhacday khasaaro nafeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]