28.5 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Dad badan oo Kismaayo ugu dhintay….

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegay halkaas galabta ay ku soo duntay kaawo dhagxaanta laga qodo.

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhimmatay kaawada soo duntay, waxaa kaloo jiray baabuur ay wateen oo ah nooca carqada oo ku burburay goobta sida ay lee yihiin goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online.

Waxaa goobtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Juba kuwaasoo dedaal ballaaran ugalay in la soo badbaadiyo dadka ku hoos jiray kaawada soo duntay balse ma jirin dad la soo helay iyagoo nool, waxaana la soo bixiyay hal qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay goobta.

Dhacdooynka noocan oo kale waa ku soo laabtay dalka Soomaaliya labo bil ka hor ayaa magaalada Muqdisho kaawo ku taalla degmada Kaaran oo soo duntay waxaa ku dhintay 15-qof oo ahaa dadka dhagxaanta ka shaqeesta.

Ma jirto wax yaabo ay uga badbaadaan dadka dhagaxda ka xamaasha oo la siiyo, waxaana markasta dhacday khasaaro nafeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Mas’uul sare oo ka tirsanaa DF oo ku dhintay qarax ka dhacay…

Baydhabo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax miino oo ka dhacay deeganka Goofgaduud oo ka tirsan gobalka Baay ay ku dhinteen toddobo qof oo uu ku jirro guddoomiye ku xigeenka deegankaas.

Wariyaal Baydhabo ku sugan oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa kuwa meelaha fogfog laga hago uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenka deeganka Goof-gaduud, waxaa ku dhaawacmay oo kale dad kale oo badan.

Waxaa goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Ethiopia, waxaana ay billaabeen baaritaan balse wax faah-faahin ah lama hayo.

Faah-faahinta kala soco Caasimada Online

Xog: Magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan 7 musharrax oo ku loolamaya hogaaminta sirdoonka Soomaaliya

Laga soo bilaabo xukuumadii Korneel Cabdullahi Yuusuf Axmed, ilaa dowladaan Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa soo maray Hay’adda Nabad Sugida Qaranka, ilaa iyo 5 Taliye oo kala ahaa. Darood, Raxanweyn, Habar-gidir, Dir, iyo Taliyaha hada jooga General Bashir Moxamed Jaamac oo kasoo jeeda beesha shanaad marna lagu sheego inuu yahay Beesha Mohamud Hiraab.

5taan Taliye, waxa ay iskugu jireen kuwa xambaarsanaa kalsoonida madaxweynaha markaas talada hayay iyo kuwa ku yimid cadaadis. General Darwiish oo ahaa madaxa Hay’adda Nabad Sugida Qaranka waqtigii kornel Cabdulaahi Yuusuf, wuxuu haystay kalsoonida madaxwaynaha, sidaas ayaana jagadaas loogu dhiibey, wuxuuna ku fashilmay ilaalinta xukuumadiisa sababta oo ah waxaa la sigay oo dil ka badbaadey qarax Baydhabo loogu geystay madaxweynihii geeriyooday Col. Cabdullahi Yusuf . Waxaa ku xigeen u ahaa General Nur Shirboow oo kasoo jeeday beesha Abgaal iskana ahaa magac u yaal lagu qancinayey muuqaalkiisa Beesha Abgaal, laakiin awooda dhabta ah waxaa hayey Moxamed Adan Bidaar oo ladhihi karo wuxuu ahaa maskaxda iyo aqoonta wax kala waday watigaas kuna magacaawnaa Madaxa Ladagaalanka Argagixisada.

Axmed Macalin Fiqi, isaguna wuxuu heystay kalsoonida madaxwayne Sharif Sheekh Axmed oo ay ka dhexeysay aqoon qotadheer iyo Aala Shekhnimo ama Majmac-nimo. Fiqi wuxuu ahaa qofka keliya ee aan wadanin derejo ama qibrad ciidan ah markii jagadaan loo dhiibayay, laakiin madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa shaqsi faham wanaagsan u lahaa arimaha amaanka ayaa kalsoonidiisa siiyey Fiqina wuxuu ahaa tiirarka ugu wayn ee uu ku taagnaa Madaxweyne Sharif Sh Axmed inta uu xilka hayayna qodxa badan ayuu ka siibay dawladda, Mr Fiqi wuxuu ahaa nin Madaxweyne Shariif sirar badan oo dawlado kala dhaxeeyay ninka kaliya ee uu ka aaaminay ayuu ahaa.

Sedexdaan kale ee General ayaan lagu magacaabin wax kalsooniya oo ay ka haysteen Madaxweynayaashi jagadaas u magacaabay, marka laga reebo General Maxamed Shiikh oo ku yimid kalsoonida Sharif Xasan Sheekh Adan markii danbana ay madaxweyne shariif iskula dhaceen inuusan ka amar qaadan ee shariif xasan uu ka amar qaato taas oo keentay in la bedelo iyadoo marki la bedelay uu monotaring group u bandhigay sir uu ka ogaaday madaxweyne shariif oo aheyd lacag wadanka cuman laga soo qaaday oo qaab aan formal aheyn loo isticmaalay.

General Bashiir oo hada ah Taliyaha Hay’adda sirdoonka & Nabad Sugida Qaranka ayaa wararka hoose ee maalmahaan kasoo baxaya Madaxtooyada sheegayaan in jagadaas laga qaadayo goordhow isaga oo hayay wax ka yar halsano. General Bashiir ayaa lagu eedeeyey in uu marsiiyey Hay’adda wadadii uu ku burburiyay Booliiska sanadihii uu taliya xigeenka ka ahaa. Saraakiil horay uga tirsanayd Hay’adda hadase shaqadii iskaga tegey ayaa sheegay in General Bahiir uu u geeystay Hay’adda bilihii lasoo dhaafay burbur aad u wayn taasina waxa ay keentay inay ka aamin baxdo xukuumada Xasan Shiikh Maxamud.

Waxaana aad u soo badanaya maalmahaan musharaxiinta doonaya in loo magacaabo madaxa ugu sareeya Hay’adda Nabad Sugida. Murashaxiinta soo gudbistay CV-gooda ilaa iyo hada ayay ka mid yihiin,

1- Daahir Maxamed Jimcaale oo loo yaqaano”Taakooy” kana soo jeeda beesha Xaskul hawiye ahna reer waqooyiga Ameerika.

2- Dr.Maxmed Xasan Nuur oo kasoo jeeda beesha 5-aad ahna reer Sacuudi Arabia RW cusubna ay aqoon wanaagsan isku leeyihiin.

3- General Maxamed Shiikh, oo kasoo jeeda Raxanweyn, horeyna madax uga soo ahaa hay’adda Nabadsugida.

4- General Suubxaanyo oo kasoo jeeda beesha Habargidir/Ceyr.

5- General Cali. Madoobe oo horay Taliye uga soo ahaa Booliiska Somalia kana soo jeeda Beesha Mariixaan.

6- General Nur Shirboow oo kasoo jeeda Beesha Abgaal.

7- General Dhegabadan oo horay u ahaan jiray abaan duuliyaha ciidamada xooga dalka, kana soo jeeda Dir.

Hadaba Su’asha qofwalba isweydiinayo maanta ayaa ah maxay ku soo kordhinayaan amniga qaranka murashaxiintaan intooda badan horay ugu soo fashilmay XASILINTA wadooyinka XAMAR.

Soomaaliya miyaa laga waayey dad kale oo aqoon u leh nabadsugida Qaranka ahna dad wadamiyiin ah? mise waxaa indha beelay hogaanka sare ee dalka???

Xisbi uu SALAAD CALI JEELE madax ka yahay oo Muqdisho looga dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah looga dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo uu madax u yahay Salaad Cali Jeele oo xilal ka soo qabtay dowladihii KMG ah ee dalka soo maray.

Xisbigan oo lagu magacaabo Xisbigga Dimuquraadiyada iyo Midnimada Soomaalia ayaa waxaa la sheegay in uu wax ka qaban doono siddii dalka ay uga dhici lahayd doorasho dimuquraadi ah isla markaana laga gudbo nidaamka 4.5 ee beelaha ku saleesan.

Salaad Cali Jeelle ayaa xusay markii uu arkay xaaladda dalka ay ka mareyso xuquuqda aadanaha uu go’aansaday in uu sameeyo xisbigan oo wax badan ka qaban doona ku xad -gudubka xuquuqda aadanaha ee ka dhaca dalka.

Waxaa kaloo daahfurkan xisbigan ka hadlay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar horre iyo siyaasiyiin waxaana ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan xisbiga maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay dalka in xilligan laga furo axsaab la tartanta kooxda Dam-Jadiid ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay sheegeen dalka in ay hadda ka arrimiyaan.

Si kastaba, xisbigan cusub ayaa ku biiraya xisbiyo aan badneen oo dalka ka dhisan kuwaasoo aqoonsi aan ka heesan baarlamaanka fedaraalka Soomaalia ama aan loo gudbin si loo aqoonsado jiritaankoooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faroole oo Garowe kuo dhaweeyay…

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Khamiis ah gaaray mid ka mid madaxweynayaasha maamulka Khaatumo ee ka dhisan gobalada Sool,Sanaag iyo Ceyn.

Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” oo horre madaxweyne uga soo noqday maamulka Khaatumo ayaa markii uu soo gaaray Garoowe waxaa uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha uu xilkiisa dhammaanayo ee Cabdiraxmaan Faroole.

Wuxuu sheegay in weli aaminsan yahay maamulka Khaatumo in uu yahay mid dhisan balse wuxuu tilmaamay in labada maamul ay isku hadaf yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uulkan ka socda Khaatumo State ayaa sidoo kale sheegay in uu ka mid noqon doono dadka goobjooga ka ah doorashada Puntland oo dhaceysa 8-da bisha Janaayo.

Si kastaba, mar la weydiiyay in ka soo baxay maamulka Khaatumo iyo in kale wuu ka gaabsaday, wuxuuna intaas ku daray in maalmahan joogayo Puntland.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jirro khilaaf soo dhex galay mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo oo hadda kala jabay,waxaana arrintaas ka dambeeyay maamulka Puntland gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka iminka Gen  Cabdisamad Cali Shire oo dhowr jeer tagay deeganka Taleex isla markaana ah ka soo jeeda halkaas.

La arki doonee sheekadan wax yaabaha ay ka badasho dabeesha siyaasadeed ee ka socota Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

ETHIOPA oo calankeeda surtay GEDO iyadoo tuurtay calankii Soomaaliya

Buula-Xaawo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganka Bohol-Garas oo ka tirsan gobalka Gedo, ayaa sheegaya in halkaas ka dhaceen rabshado u dhexeeya ciidamada dowladda Ethiopia iyo dad shacab ah kaddib markii ciidamo Ethiopia oo jooga deeganka ay calankooda ka sureen goobta isla markaana ay dajiyeen calanka Soomaalida.

Arrintaas waxaa ka carooday dadka deeganka oo dagaal kala hortagay ciidamada dowladda Ethiopia sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Ma cadda khasaarasha ka dhashay rabshadaha ka dhacay deeganka Bohol-Garas, waxaana la sheegayaa in arrinta ay soo dhexgaleen maamul ka dhisan halkaas balse aan awood badan lahayn.

Si kastaba deeganka ayaa weli waxaa ka taagan xiisad u dhexeeya dadka shacabka ah iyo ciidamada Ethiopia, waxaana weli deeganka ka suran calanka Ethiopia.

Toddobaadkan meelo badan oo ah Soomaaliya waxaa soo galay ciidamo fara badan oo Ethiopia an kuwaasoo ka soo gudbay dhinaca soohdinta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baardheere

[email protected]

 

Maxaa ka jira in Dr. Dufle uu xalay ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) Dr Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta gudaha kaaso ah in uu ku dhaawacmay qaraxyadii xaley ka dhacay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in uu bad qabo oo wax dhaac ah ka soo gaarin qaraxyada xaley ruxay Muqdisho balse wuxuu caddeeyay in uu ku jiray Hotelka Jazeera markii ay qaraxyada dhacayeen.

“Waan caafimaad qabaa oo waa annigan idinla hadlaya wax dhaawac ima soo gaarin, waan maqlay in idaacadaha ay sheegeen in aan dhaawacmay laakin warkaas wuxuu ahaa mid aan laga fiirsan” ayuu yiri Dr. Dufle.

Waxaa la weydiiyay bal in uu ka warbixiyo sida ay wax uga dhaceen hotelka maadama uu ku sugnaa?

Wuxuu Dr. Dufle sheegay in labo qarax ay kadhaceen afaafka horre ee hotelka Jazeera, wuxuuna tilmaamay in khasaaro badan ay ka dhasheen laakin dadkii gudaha joogay wax dhibaato aysan soo gaarin sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in hotelka ay ku sugnaayeen xilligaas saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuwaasoo ku caweenayay balse wuxuu tilmaamay in wax khasaaro ah uusan soo gaarin.

Hotelka Jazeera ayaa ku yaalla goob ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana hotelka taga dadka ajaaniibta iyo saraakiisha madaxda dowladda.

Dadka odorasa arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa leh waa meesha labaad ee aad loo waardiyeeyo magaalada Muqdisho marka laga soo tago xarunta madaxtooyda Villa Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

DHAGEYSO: Shariif Xasan oo beddelay go’aankiisi hore, shaacana ka qaaday..

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kasoo horjeestay qaabka ay wax wadaan siyaasiyiinta dhisaya maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ee ku shirsan Baydhaba.

Shariif Xasan ayaa diiday in maamulka laga dhigo 6 gobol, uuna ku habboon yahay kaliya 3 gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Taasi waxa ay xiisad ka dhex dhalisay Shariifka iyo siyaasiyiin kale oo reer Baydhaba ah oo uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mar kale iminka hadlay, ayaa sheegay inuu si buuxda ugu faraxsan yahay shirka weli socda.

Wuxuu beeniyay Shariif Xasan inuu jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo siyaasiyiin kale oo isku haya arrimaha shirka isagoo tilmaamay natiijooyin wanaagsan inay kasoo bixi doonaan shirka Baydhabo.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan deeganada Jubbooyinka iyo qaabka shirka loo maaraynayo.

Halkan hoose ka dhageyso Shariif Xasan

shariif-xasan-sheekh-aadan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

FAROOLE ma mari doonaa waddadii Sh Shariif Sh? (Oddoros Siyaasadeed)

Dhacdooyinkii is daba joogga ahaa ee ayaamahaan ka imaanayay gobollada Puntland waxay ina xussusinayaan qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya ee lagu kala baxay 10kii September 2012kii. Haddaan dib u yara jallecsanno dhacdooyinkii ka horreeyay ama hareeyay doorashadaas ka dhacday Dugsiga Sare ee Booliska ee magaalada Muqdisho maalintii Isniinta 10kii September  2012, waxaa inoo soo baxaya in waxyaabo badan ay isaga eg  yihiin labadaas doorasho marka laga reebo labada meelood ee ay ka kala dhacayaan iyo dabcan midda Garowe ka dhici doonta oo aan weli dhicin aanse oddoroskeeda gadaal ka sheegi doono annagoo ku saleynayna isla jaanqaadka ay tii Xamar isla jaanqaadeen iyo weliba cirib xumada ay leedahay gaboodfalka middaani tii Xamar dheertahay.

Waxaan goob-joog ka ahaa bilowgii soo xulista xubnaha baarlammaanka, ansixintii dastuurka iyo weliba bilowgii ololaha murashixiinta madaxtinnimada ee xilligaas ka socotay magalamadaxda anigoo la kulmay qaar badan oo xildhibaannadii iyo murashixiintii rajada qabay ahaa. Waxaan sidoo kale xilligaas la kulmay qaar badan oo ka mid ahaa odayaashii 35ka ahaa ee xildhibaannada soo xulayay iyo weliba wakiilladii 1000ka kor u dhaafayay ee ka kala yimid beelaha/gobollada Soomaaliyeed ee loo keenay inay dastuurkii la soo bandhigay indhaindheeyaan oo dhegadhegeeyaan ka dibna ra’yigooda ka dhiibtaan. Ha yeeshee, marka laga reebo la socoshadayda hoose iyo helista hadba meesha xaal marayo, goob-joog kama ahayn diyaarinta doorashadaan hadda Garowe ka socota iyo qabanqaabadeeda toona.

Haddaba anigoo soo koobaya saansaanta iyo isu ekaanshaha labada doorasho ayaan ku hormayaa isu ekaanshaha:

  • Labada madaxweyneba waxay gacan geliyeen oo saameyn xooggan ku sameeyeen (haba ku kala badnaadeen oo ha ku kala duwanaadeene) xulista xildhibaannada wax dooran doona iyo guddiga/odayaasha wax ansixin doona
  • Labada ninba waxay geed gaaban iyo geed dheerba u fuuleen sidii ay xukunka dib ugu soo noqon lahaayeen
  • Labada ninba waxay ayaamihii doorashadu soo dhoweyd la heshiiyeen labo nin oo ay aad u kala fogaayeen, loollan siyaasadeedna uu ka dhexeeyay (Shariif Hassan & Cadde Muuse) iyagoo labduba quud-darreynayay in heshiiskaasi codad badan u soo hoyin doono.
  • 22 murashax ayaa labada doorashaba u taagan/naa inay xilkaas loo tartamayo qabtaan
  • Tirada guud ee lagu eedeeyay inay labada madaxweyneba si xoog, xeelad iyo xoolo bixin isugu jirta ugu dareen xildhibaannada wax dooranaya oo ah/aa 21
  • Haba ku kala badnaadeene labada doorashaba waxaa ka qaybgelaya xildhibaanno degaannaday ka soo jeedaan aysan xukuumadda doorashada qabanaysa gacanteeda ku jirin oo maamullo kale gacanta ku hayaan kana arrimiyaan.
  • Kalsoonida buuxda ee kii horena ku qabay kan haddana uu ku qabo in doorashadu ay dhankooda u dhacayso ka dib dadaal xoog, xeel iyo xoolaba isugu jira oo ay labada ninba ku bixiyeen qaadista caqabadaha ka hor imaan kara oo dhan.

Iyadoo ay isu-ekaanshayaas kor ku xusan iyo kuwo kaleba wadaagaan labada doorasho, ayaan haddana la is barbardhigi karin soo jiidashada dadka iyo furfurnaanta labada nin gaar ahaan marka la eego  soo jiidashada cadwga. Sheikh shariif oo cadawgiisu aad u badnaayeen ayaa ku guuleystay intii uu talada hayay inuu cadawgiisa yareeyo isagoo adeegsaday siyaasado kala duduwan oo soo jiidasho u badnaa iyo midda aan marna la illoobi karin aan dibna loo arag oo, siday doonto ha ku timaaddee, ahayd furfuranka dhaqaalaha iyo ganacsiga oo gaaray meeshii ugu fiicnayd intii qubta iyo qacda lagu jiray oo dhan. Waxaan shaki iiga jirin in haddii ay jiri lahaayeen haya’do qiyaasaa koboca dhaqaaluhu ay muujin lahaayeen koboc aan horay loo arag oo dhaqaalaha iyo ganacsiga guudba ay sameeyeen muddadii uu xilka hayay Sheekh Shariif. Sida la og yahay, kobaca dhaqaaluhu waa arrinka ugu weyn oo yareeya cadaawadda iyo naca ay dadku u qabaan xukuumadda xilligaas talada haysa. Waa iyada dalalka reer galbeedka marka shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumadu badataba xukuumadaha lagu kaco ilaa la gilgilo ama la rido, marka dhaqaaluhu kobcana qof walba danihiisa ayuu ku mashquulo oo marka doorasho timaaddo uun la is wareysto.

Haddaba iyadoo ay taasi jirtay oo bidhaamaha intooda badani tilmaamayeen in Sheekh Shariif dib loo soo dooran doono ayaa rajadii iyo qabkii Sheekh Shariif saacado yar gudohood dhulka la dhigay oo nin uusan filanayni ka soo hoos baxay. Halkudhigga maqaalkeenna oo ahaa ma laga yaabaa in madaxweyne Faroolana ay taas oo kale qabsato isagoo weliba bidhaamihiisa guushu ay ka  yar yihiin kuwii Sheekh Shariif. Ka hor inta aynaan taas ka jawaabin, aynu iftiiminno labo qodob oo jawaabta inaka taageeraya oo kala ah labada qodob ee ugu muhiimsan waxyaabaha ay labada doorasho ku kala duwanaayeen:

  • Doorashadii xilligii madaxweyne Sheekh Shariif dhacday, qaababka loo gacan-geliyay xulista xubnaha xildhibaannada iyo xataa soo celinta kuwii hore iwm waxay ahaayeen guud ahaan habab xeeladaysan oo aan ka baxsanayn wixii lagu heshiiyay tusale ahaan cod baa loo qaaday in qabqablayaashii dagaalka la soo celiyo iyo in kale, halka midda hadda Garowe  ka socota la dhinac maray marjicii lagu heshiiyay in loo bandhigo xubnaha/gobollada khilaafku ka taagan yahay. 
  • Doorsahdii Muqdisho ma dhicin xildhibaanno beelo matala oo inta meesha  laga saaray booskoodii xildhibaanno beelo/gobollo kale ka soo jeeda loogu deeqay si codad looga helo.

Gunaanad                                                                                                                                      

Haddaba marka aan eegno dhacdooyinkaas dhabta ah  ee kor ku xusan oo mid walba caddeynteeda la heli karo oo aan qiimeyno  dhaqanka Soomaalida ee la xiriira daacad u noqoshada ama u hoggansanka aan salka adag ku fadhiyin ee tolka/xoolaha iyo weliba is beddel jacaylka Soomaalida xataa haddii qofka ay beddelayaan uu qof fiican yahay, waxaan shaki yari iiga jirin in Cabdiraxmaan Faroole uu mari doono waddadii uu maray Sheekh Shariif, maadaama uu wadaadku ka rajo fiicnaa Faroole marka la eego dhaqaalihii gacanta ugu jiray iyo dadaalkii dheeraa ee uu ku saameeyay beelo badan oo Soomaaliyeed oo la filayay in beelo dhammi ay codadkooda oo aan midi ka maqnayn siin doonaan iyo weliba 20kii qabqable ee daqiiqadihii ugu dambeeyay loogu daray, ay haddana ka soo hoos bexeen arrimo iyo rag uusan filanayn oo uusan xisaabtaba ku darsan.  Anigoo arrimahaas aan kor ku xusay iyo kuwo kaleba ku saleynaya aragtidayda ayaan arkaa in Faroole uu saaxiibkiis Sheekh Shariif raacay.

Gunaanadkii iyo gabagabadii, hal toddobaad ayaa inaka xiga doorashada Garowe ee bal aynu aragno 66ka xildhibaan ee la soo xushay siday ugu kala hiiliyaan murashixiinta uu mid walba dantiisa gaarka ah iyo hubkiisuba u qarsoon yihiin ayna muuqato in qaarkood ay hub aan laga filayn goor xille la soo bixi doonaan sidii Xamar ka dhacday 10kii September 2012kii.

Qore: Cali Maxamuud Cismaan       

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Jawaari oo u digniin culus iyo dhaliil u jeediyay garyaqaanka guud ee DFS

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhaliilay howsha uu qabto xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka.

Isagoo ka hadlaayay xildhibaannada baarlamaanka ayuu sheegay in xafiiskaas uu qaribay dhammaan howshii uu hayay baarlamaanka sida uu yiri.

Wuxuu ku eedeeyay xafiiskaas wax qabad la’aan iyo go’aannada baarlamaanka uu gaaro oo uusan waxbo qaban.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka sheegi xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka wuu dhaliilsan yahay wax ma qabto isagoo qaribay nidaamka barlamaanka” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa digniin u diray xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka wuxuuna sheegay haddii muddo bil ah dib u habayn lagu sameen in ay tallaabo sharciga waa faqsan ka qaadi doonaan baarlamaanka.

“Muddo bil ah haddii aan dib u habayn lagu sameen xafiiska waxaa baarlamaanka uu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waa faqsan” ayuu yiri markale.

Xafiiskan ayaa loogu talagalay in uu dabagal ku sameeyo go’aanada uu gaaro baarlamaanka,balse waxaa soo baxday tan iyo markii la sameeyay baarlamaanka hadda jirra ee uu guddooomiyaha u yahay Jawaari in wax shaqo qaban.

Waa dhaliishii ugu horreysay oo guddoonka sarre ee baarlamaanka uu u jeediyo mid ka mid ha hey’addaha ugu sareeya dowladda oo lagu eedeeyo wax qabad la’aan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Maxaad ogeyn oo sanadki tagay ee 2013 ka dhacay Soomaaliya?

0

Caasimada Online: Dhacdooyinkii sanadkii tagay ee 2013 iyo waxyaabihii ugu waaweynaa ee ka dhacay Wadankeena Somalia iyo Dalalka Dibadda ah.

Aqristoow nala daawo Muuqaalkani oo wax badan oo kaa qorsoonaa Sanadkii tagay aad ka arki doonto Iyo waxyaabo kale oo dhacay Sanadki tagay ee 2013 Daawasho wanaagsan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Dad Soomaali ah oo ku dhaawacmay dab xoogan oo ka kacay Minneapolis

Minneapolis (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Minnapluks ee gobalka Minta dalka Maraykanka waxa ay sheegayaan in halkaas uu ka kacay dab xooggan kaasoo geestay khasaaro naf iyo maal.

Duqa degmada Lixaad ee Minapulis Cabdiwarsame oo la hadlay VOA ayaa sheegay in 14-qof oo u badan dhallinyaro ay ku dhaawacmeen dabka, wuxuu kaloo sheegay in khasaaro uu soo gaaray masjidja Daarul Al-Hijra oo ku yaalla magaalada.

Wuxuu sheegay oo kale in dukaamo badan oo ku yaalay dhismaha oo kooban lix dabaq ay gubteen.

Cabdiwarsame oo ah nin Soomaali ah, ayaa xusay in ay socdaan baaritaano ku aadan siddii loo ogaan lahaa wax yaabaha sabahay dabka ka kacayArbacadii magaalada Minnapulis oo ah magaalada ay Soomaalida ugu badan Maraykanka ku noo shahay.

Waxaa goobta soo gaaray kooxaha gurmadka degdega kuwaasoo isku dayay in ay dambiyaan dabka xawli ku socday.

Waa dabkii ugu xoogganaa ee ka kaca magaalada Minneapolis sida uu sheegay Cabdiwarsame.

Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay dabka, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaalada si halkaas loogu daweeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

 

XOG IYO GORFEYN: “Qeeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada!”

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, aan ku bilaabo’e, Dawacaa laga sheegey, “Qeeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada!”, kadib markii Libaax ku yiri Dhurwaa, “Bal Dhurwaa hilbaha neefkan Habar-Dugaag uwada qeeybi”. Dhurwaa ayaa intuu hilbihii neefka labo u dhigey, yiri; “Habar-Dugaag oo idili qeyb/bar/haaf ha wadaagto, Libaaxna kaligii qeybta kale ha qaato”. Nasiibdarro! Libaax oo sida Dhurwaa wax u qeeybiyey dhaliishan baa Dharbaaxo Il-iyo-Goon jabiyey Dhurwaa, illa Il falaq soo tiri, oo ka laadlaadsatey. Kadib Libaax baa Dawaco ku yiri bal adna qeybi neefka, saa waatan Dawaco neefkii laba u qeeybisey, oo qeyb Libaax siisey, deetana sii kala qeybisey qeebtii kale, oo qeyb libaax siisey, illaa neefkiiba eey Libaax wada siisey. libaax oo la dhacsan sida Dawaco wax u qeeybisey baa yiri, “Oo Dawaco yaa qeeybinta sidan hufan kuu barey?”, waxeey ugu jawaabtey, “Qeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada”

Marka Mudane Ra’isulwazaare: Cabdiweli Sheikh Axmed Sh. Maxamed, taariikhda waa lagu cibro qaataa, lagana faa’ideeystaaye, Qormadan talo siinta ah, waxaan ku ururiyey malaha wixii aan isleeyahay Mudanihii kaa horeeyey ee Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wuu eebsadey, waxaana maangal ah in sida Dawaco uga faa’ideeysatey waxa Dhurwaa ku dhacay, aad adna uga faa’ideeysato waxa Mudane Saacid qabsadey.

Waxeey ka koobnaan doontaa dhowr qodob oo kaliya, ulajeedooyinkoodana waa si aad u badbaado, una kala  badbaadaan adiga iyo madaxweeynaha illaa xilliga dowladan waqtigeedu dhamaanayo. Mudane Ra’isulwazaare waa macquul in qaarkood horeyba laguugula soo heshiiyey, oo eeyba shardi u ahaayeen in laguu magacaabo jagada aad heeyso ee Ra’isulwazaaraha Soomaaliya. Hadiise taasi eeysan hore u jirin, sifiican hadda u dhuux talooyinkan. Waxaase muhiim ah in aan kuusii sheego oo waliba aan ku celceliyo in aaney qasab aheyn in talooyinkaan eey u wanaagsanyihiin Danta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, balse waxaa ku xiran badbaadkaada “Your Survival”. Marka Fadlan talooyinkan qaado oo raac:

A-QODOBKA 1-AAD: LIISKA WAZIIRADA: Waa qodibka 1-aade, mudane Ra’isulwazaare waa in aad soo celisaa qaar ka mid ah waziiradii ka tirsanaa Xukummadii Waxqabad la’aanta lagu eedeeyey, Ra’isulwazaaraheediina loo ceeyriyey. Gaar ahaan “Kooxda Madaxweynaha”.Waxaa macquul ah in eey kula noqoto wax aan caqligal aheyn, balse xaqiiqda jirta ma aha in aad iska indha tirdo. Waxaa waajib kugu ah in aad soo celiso: A-Waziiru dowlihii hore ee Madaxtooyada: Mudane Faarax C/Qaadir (Farah Topaz). B-Waziirkii hore ee Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane: C/kariin Xuseen Guuleed. C-Waziiradii hore ee Arimaha Dibada, aheydna Ra’isulwazaare ku Xigeen: Marwo.Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan. Dhib malaha Kamaal Guutaale oo ah chief of staff-ka Madaxweynaha Soomaaliya cidiba ma aaney ridin, oo sidiisa ayuu u joogayaa. Maxaa yeeley Ra’isulwazaarihii hore ee Saacid ayaa ka horyimi Liiska Madaxweynaha, wuuna eebsadey, oo wuu ku baxay, adigana waad ku baxeeysaa hadii aadan sida uu madaxweynaha kuugu dhiibo aadan u magacaabin. Laga yaabe in aad sifiican uga faa’ideeysan doono, hadii aad aqrisato qormadii aan ka qorey, sirtii ka dambeeysey Iskhilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwazaarihii hore. Qormadaa aadka loo aqristey ciwaankeedu wuxuu ahaa,”SIRTA KA DAMBEEYSA IS KHILAAFKA “MADAXDA QARAN” – “KOOXDA” XASAN SH. Waa Imtixaanka ugu horeeya ee ku horyaalla, sidii aad uga dabaalanlaheydna lagaa sugayo.Nasiibdarro! Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ayaa kugu qiimeyndoonta arintan.

B-QODOBKA 2-AAD: ARIMAHA BADDA: Waloow eey jirto in Bishii Oktoobar sideedeedii 2011-da (October 8, 2011) in Xildhibaanaddii Baarlamaankii DFKMG aheyd eey si buuxda isugu raaceen 6-qodob oo ku aaddanaa Badda Soomaaliya, oo Guddoomiyihii fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-daa qodob. Waqtigaa waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga, cid diidey ma jirin, cid ka aamusteyna ma jirin, wuxuuna Go’aanka baarlamaankii DFKMG ahaa si wada jirta u yiri: “Waa in Soomaaliya ku dhaqantaa sharcigii Badda ee soo baxay 1988-dii”. Balse waa in aad waxaas iska indho tirtaa, oo aad u jilicsanaataa kuwa wata danaha boobka Badda Ummadeena Soomaaliyeed. Kuwaas oo eey ugu horeeyaan: Kenya, Norwey, Shirkadaha shidaalkan, iyo France. Waa in aad soo istaagtaa Foowqifka Madaxweynaha ee uu ugu qudbeeyey Kooxda “Somali Contact Group-ka”. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Xasan ayaa maalin Arbaco ah, taariiqduna ku beegneyd May 1, 2013. Wuxuu qoraal iyo hadal Video ahaanba u jeedeyey Kooxda Contact Group ee qaabilsan Burcad-Badeeda, kuna sugan New York ee cariga Mareykanka. Waxanaa uu markii ugu horesey taariikhda Soomaaliya ku andacoodey in Dhul-Badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) yahay “12-Mayl oo kaliya”, isagoo jajuubaya ama meesha ka saaraya xeerkii badda Soomaaliyeed ee dhigayey in Dhul-Badeedka Soomaaliya yahay “200-Mayl-Badeed”. Mudane Ra’isulwazaare waa in aadan ka hor iman usaxiixidii eey Kenya ugu saxiixdey Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan (May 31, 2013) in in Dhul-Badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) yahay “12-Mayl oo kaliya”. Waa in aad taageertaa in la suuliyo xeerkii Badda Soomaaliya Law No. 37 ee dhigayey in “Somalia Terrtorial Waters” uu yahay 200-Mayl-badeed. Waana in aad sidooda oo kale ogolaataa in lagu soo koobo Badda Soomaaliya 12-Mayl oo kaliya intii aad difaaci laheyd baaxadeeda saxda ah ee ah 200-Mayl. Mudane Ra’isulwazaare waa in aadan marsiin Baarlamaanka oo laga yaabo in uu diido, ama ka hor yimaado qorshahaa boobka Baddeena Soomaaliyeed, Golaha Waziiraduna ay khabaar-moog maqaar-saar ah ka ahaadaan arrintan. Sida qorshuhu yahayna Madaxweynaha DFS wuxuu si degdeg ah ayadoo aan baarlamaanka la tusin uu Qarammada Midoobey ka diiwaan galindoonaa markii ugu horeysey taariikhda in Dhul-Badeedka Soomaaliya Territorial Waters yahay “12-Mayl oo kaliya”. Fadlan ha hilmaamin in Gudoomiyaha Baarlamaanka qudhiisa Mudane Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu wax ka ogyahay qorshahan, waxna ka wadoba. Halkan ka daawo wareeysigiisii ku caanbaxay ereyadii xanaaqa badnaa ee uu kulahaa Isaga weydii. Ogoow in Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tegey Norway intii u dhaxaysey 6-13 April 2013, in si qayaxan loogu soo bandhigay Dukumiinti qaarkood ahaa QARSOODI (CONFIDENTIAL), oo ku saabsanaa “Xeer eey Norway u diyaarsatey” in loo sameeyo badda Soomaaliya, laguna burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya ee Law No. 37. Mudane Ra’isulwazaare waxaad sidoo kale ogaataa in Prof. Jawaari yahay muwaadin heeysta dhalashada/Passport-ka Dalka Norwey, mudana uu halkaa ku noolaa, oo waliba uu ku haray xitaa markii qoyskiisu eey Ingiriiska u guureen, sidaa daraadeedna eey Dowlada Norwey dhaqaale xoogan ku bixisey sidii uu ugu soo bixi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka si arinta Boobka Badda Soomaliya iyo Shidaal ka qodashadeeda uu ugu meelmariyo. Waloow Ra’isulwazaarihii hore ee mudane Saacid uu ka horyimi, iyadoo isaga iyo Golihii waziiradiisuba eey qoraal cad ku soo saareenJune 6, 2013, in Badda Soomaaliya tahay 200-Mayl Badeed, hadana mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wuu ka laabtey kadib markuu Muqdisho, 15, June, 2013-ka uu xafiiskiisa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondevik oo hada ah gudoomiyaha Xarunta Oslo ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda aadanaha oo la asaasay sanadkii 2006, balse u ololeeynaya danaha dalkiisa ee ku saabsan boobka Shidaalka Badda Soomaaliya, sidaa daraadeedna eey Xukuumadda mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Baarlamaanka Soomaaliya ugu Gudbisey Xeerka Kalluumaysiga, kaasoo Badda Soomaaliya kusoo koobaya 12-Mayl, qodonkiisa afaraadna uu dhigayey sidan “Dhulka Badda: Macnihiisu waa dhulka biyaha badda ee ilaa 12 mayl (12 miles) u jira xeebta Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo xeerka Qaramada Midoobay ee Sharciga Baddaha 10kii December 1982”, sidaana loogu tirtirayey Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37.

Ugu dambeeyna waxeey ka mid aheyd waxyaabihii uu eebsadey Ra’isulwazaarihii kaa horeeyey ee Mudane Saacid, ee dadaalka, waqtiga iyo dhaqaalaha gaarayey $11-Million-ka loogu bixiyey ridistiisa, tasoo qoladii howshaa wadatey eey ku guuleeysteen, adigana wadadaaa ayaad mareeysaa hadii aadan ku waano qaadan. Laga yaabe in aad sifiican uga faa’ideeysan doono, hadii aad aqrisato qormadii aan mudo fog aan ka qorey, boobka Badda ciwaankeeduna ahaa: “Biloowga Dagaalka Shidaalka (Black Gold) Ee Soomaaliya!“.

C-QODOBKA 3-AAD: DHAQAALE IYO LAALUUSH. Mudane Ra’isulwazaare marka aad taariikhda dib u raacdo oo aad dib u eegto mudadii 13-ka sano aheyd ee aan yeelanney 4-ta Madaxweyne, waxaan yeelanney 11-Ra’isulwazaare, taasi waxeey kuu sheegeeysaa in aadan daaheeyn waxkasta oo dhaca, oo ugu dambeyn laaluush xubnaha Baarlamaanka ah lasiiyo ayaad ku baxeeysaa sida Mudan Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu ugu baxay, waa hadii aadan dhib la’aan isaga bixin inta dhowr Million jeebka laguugu shubo sida Ra’isulwazaarihii hore Mudane: Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Sidaa daraadeed, waxaad u baahnaaneeysaa in aad usii diyaargaroowdo dagaalkaa hubaalka ah in uu ku qabsandoono, oo aad wajihi doonto. Ugu horeyn maadaama madaxweynuhu ku tiirsanyahay Dowlada Qatar oo Mareeykanku uu ku leeyahay saldhigiisa Military ee ugu weyn aduunka, ugana wakiilka ah danaha uu ka leeyahay dowladaha Carabta iyo guud ahaan dunida Islaamka, oo dhaqaalahana ku bixisey soo saaristiisii iyo la diristii Mudane Saacid, waxaad adigana u baahnaaneeysaa in aad hesho dowlad Carbeed oo dhaqaale adna kugu bixisa marka xaalada dhabta ah “The Moment of Truth” la gaaro. Dhacdooyinka Masar adiga oo ka faa’ideeysanaya, dowladaa waa kuu diyaar. Sida laga yaabo in aadba la socoto Dowlada Qatar waxeey taageertey Madaxweynihii talada laga xayuubiyey ee Dalka Masar Mudane Dr. Maxamed Mursi iyo Ikhwaankiisiiba. Waxaa dhinaca kale kasoo jeeda oo lid ku ah, dowladaha kalee Khaliija, haba ugu darnaadeed Sucuudiga, Imaaradka iyo Kuwait’e. Waa muhiim marka in aad kuwaa xiriir fiican la yeelato, dhaqaale xooganna meel usii dhigato, si adiga iyo isagaba aad dhaqaalihii ummadan tabaaleeysan loogu talagaley, ee wax badana loogu qabankari lahaa, aad is eryashadiina laaluush Xildhibaanada lasiiyo ugu baabi’isaan. Dalka iyo Dadkana aad silica iyo marxaladan adag oo eey marayaan aad ugu sii dheereeysaan, sidaana waqti iyo dhaqaane aad muhiim ugu ah aad uga wada dhumisaan.

AFEEF

Waxaan ka afeefanayaa in sida aan horeyba u sheegey talooyinkan aaney qasab aheyn in dalka iyo dadka eey dan u yihiin. Waase fariin aan si dadban ugu gudbinayo Ra’isulwazaaraha cusub. Waxaan sidoo kale ka afeefanayaa in aanan ku jirin kuwa Dowlada maanta jirta ku mucaarada, ku neceb, dacaayadaha rakhiista ahna uga fidiya qabyaalad darteed sida: “Kooxda S-A-H-A-L”, iyagoo dowlada ummada Soomaaliyeed, ee Soomaali oo dhami kuwada jirto, ku tilmaama erey qabyaaladeedka, eey u xushaan ee  ah “Doowlada Xamar ama Doowlada Muqdisho”, taasoo hadafku yahay in waxmagaradka loogu shaabadeeyo in dowladuba tahay mid hal Reer oo xamar daga leeyihiin. Waaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo jecel in sharaf dhaca, sumcad xumida iyo bahdilna caalamka inoo yaalla in mar uun ummadeeydu ka baxdo, si shaqsi-shaqsi ah, ama Reero-Reero ahna inaga saarimeeyso, sidaa daraadeedna waxaan jeclahay, aadna u taageerayaa dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeeynta ku dhisan “Danta guud ee inaga wada dhaxeeysa”, iyo “Cadaalad dhab ah oo madaxda dalka eey hormuud ka yimiin”. Mahadsanidiin

Writing only for SOOMAALINIMO

W/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor

Maamule ku xigeen ahna Bare/Macallin Jaamacadeed (Deputy Dean & Fulltime Lecturer) Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Al-Madinah International University, Malaysia

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

PROF. GALAYR oo si kulul uga hadlay doorashada P/Land iyo wasiirada DFS

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa caawa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashada Puntland iyo soo magacaabista xubnaha golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog oo ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in doorashada Puntland uu kheyr u rajeenaayo iyo inay nabad ku dhacdo.

Bale waxaa aan la aqbali karin wuxuu ku tilmaamay in la sheegto goballo sameetay maamulka Khatuumo oo lagu mashquulo kuwaasoo ah Sool Sanaag iyo Ceyn sida uu yiri.

Cali Khaliif Galeyr ayaa ku eedeeyay madaxweyne Faroole iyo ku xigeenkiisa in ay gumaad ka geesteen deeganka Taleex sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay arrintaas in la is weydiin doono mar ay ahaataba.

Muxuu ka yiri soo magacaabista xubnaha golaha wasiirada cusub?

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya in looga baahan yahay in uu joojiyo faragallinta uu ku hayo ra’iisal wasaaraha oo ku aadan soo xulista golaha wasiirada cusub.

Cali Khaliif Galeyr ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ay soo laabtaan wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid, wuxuuna yiri “Waa nasiib daro in wasiiro lahaa xukuumadii Saacid waxbo ma qaban, haddana leh waan soo laabaneynaa arritaas weli lama maqlin” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, wuxuu caddeeyay in guux weyn uu ka dhex jirro baarlamaanka gudihiisa oo ku aadan haddii ay soo laabtaan wasiiradii horre in aan la siin doonin wax kalsooni ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Qaraxyo waa weyn oo caawa laga maqlay magaalada MUQDISHO iyo Hotel iyo goobo caan ah oo la haleelay

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in goordhow qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada Muqdisho.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa soo sheegay in meelaha qaraxyada laga maqlay ay ka mid yihiin Hotel Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo wadadda Makah Al-Mukaramah.

Hotelka Jazeera ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay qof watay baabuur wax yaabaha qarxa balse ma cadda in uu gudaha u galay iyo in kale.

Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday Hotelka Mubaarak oo ku yaalla waddada Makah Al-Mukaramah oo ah waddo aad loo waardiyeeyo.

Ammaanka hotelka ayaa waxaa durba isku gadaamay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mana cadda khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay.

Qaraxyada kaddib waxaa magaalada laga maqlay rasaas xooggan oo ka dhaceysa meelaha qaraxyada ay ka dhaceen.

Faah-faahin  kala soco Caasimada Online in shaa allah

CC Sharma’arke: P/Land waa hooyada Somalia cid diiddi karto-na ma lahan

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Arbaca ah gaaray ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Cumar Cabdirashiid oo ay la socdaan siyaasiyiin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Faroole.

Mar uu la hadlay warbaahinta ayuu sheegay socdaalkiisa in uu la xiriiro siddii uu goobjoog uga noqon lahaa doorashadda Puntland ka dhaceysa 8-da bishan Janaayo.

Waxaa kaloo uu sheegay ra’iisal wasaarihii horre in uu ka qaybgali doono siddii la isugu soo dhaweeyn lahaa musharrixiinta iyo madaxweyne Faroole isla markaana doorashada ay ugu dhici lahayd si nabadgalyo leh oo cod.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa Puntland ku tilmaamay in ay u dub dhexaad u tahay isagoona ku sifeeyay hooyada Soomaaliya

Dhinaca kale, waxaa maanta lagu dhaariyay Garoowe xildhibaannada baarlamaanka Puntland kuwaasoo dhawaan la magacaabay.

Munaasabadda lagu dhaariyay xildhibaannadan cusub oo tiradooda ah 66-mudane waxaa ka qaybgalay madaxweynaha xilka uu ka dhammaanaayo Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii horre Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirse Cadde Muuse iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Xubnaha golaha wakiilada cusub ayaa isku raacey Cali Axmed Cismaan oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn in uu s KMG ah uu haya xilka guddoomiyaha baarlamaanka halka ku xigeenkiisa looga dhigay Cali Axmed oo horrey uga tirsanaa xildhibaannadii horre,

Waxaan munaasanadda ka qaybgalay qaar ah musharrixiinta u taagan xilka madaxtinnimada Puntland, waxaana u hadlay Cali Cabdi Awaare oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin xubnaha cusub ee baarlamaanka Puntland iyo sidda loo dhaariyay.

Waxaa jirta warar sheegaya in xildhibaannada ay ku yer yihiin dumarka, waxaana arrintaas kulamo ka yeeshay dumarka ku dhaqan deegannada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Xasan oo oo hadal aysan ku farxin ku yiri Odayaasha ku shirsan Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladiisa in ay aqoonsan tahay maamulka KMG ah ee Juba oo ka arrimiya goballada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna odayaasha ku shirsan magaalada Baydhabo ka codsay in shirkooda ay ku koobaan uun seddax gobal oo kal aha Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka Baaydhabo uu san saameyn ku yeelan maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna tilaamay in laga fiican yahay in lagu mashquulo maamul dhisan oo dowladda ay aqoonsatay sida uu yiri.

“Annaga maamulka Jubooyinka waan aqoonsanay waana mid hadda shaqeenaya, marka yaan lagu mashquulin maamul dhisan balse waan soo dhaweyneynaa in dadka ay dhistaan maamul, dalka oo dhan ayaa maamul laga rabaa, maamuladan dhammaan waa KMG ah taladeena waa sidaas”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caddeeyay in ay tagi doonaan magaalada Baydhab oo ay ka qaybgali doonaan shirka halkaas ka socda, oo ay soo barakeen doonaan sida uu yiri.

Hadalka madaxweynaha ayaa daliil u ah khilaafka ka taagan maamulka Koonfur Galbeed oo la isku heetso in laga dhigo lix gobal iyo seddax gobal.

La arki doonee jawaabta ay ka bixiyaan odayaasha ku shirsan magaalada Baydhabo hadalka uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka AXMED MADOOBE oo runta ka sheegay arrimo lagu xamanayey

Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimo maalmahan ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Juba Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaas ay si cad ah ugu lug lee yihiin afduunka ka dhaca magaalada Kismaayo.

Gen Darwiish ayaa ku si feeyay qaar ka mid ah ciidanka Axmed Madoobe in ay yihiin kuwa calooshood u shaqeestayaal ah oo la kireesto sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu wacad ku maray in gacan bir ah ay kula dhaqmi doonaan ciidamadaad caddeestay in afduubtaan dadka rayidka ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale,wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada ay ku leg yihiin dhulalka la isku heesto magaalada oo ku soo baatay bilooyinkii dambe. “arrintaas ammaanka ayey wax u dhibeysaa” ayuu yiri.

Waa markii ugu horreysay oo mas’uul ka tirsan maamulka Axmed uu si cad ah u sheego in ciidamooda ay ku lug lee yihiin falalka ammaan darida ee ka taagan magaalada Kisamayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]