29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Maamulka AXMED MADOOBE oo runta ka sheegay arrimo lagu xamanayey

Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimo maalmahan ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Juba Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaas ay si cad ah ugu lug lee yihiin afduunka ka dhaca magaalada Kismaayo.

Gen Darwiish ayaa ku si feeyay qaar ka mid ah ciidanka Axmed Madoobe in ay yihiin kuwa calooshood u shaqeestayaal ah oo la kireesto sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu wacad ku maray in gacan bir ah ay kula dhaqmi doonaan ciidamadaad caddeestay in afduubtaan dadka rayidka ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale,wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada ay ku leg yihiin dhulalka la isku heesto magaalada oo ku soo baatay bilooyinkii dambe. “arrintaas ammaanka ayey wax u dhibeysaa” ayuu yiri.

Waa markii ugu horreysay oo mas’uul ka tirsan maamulka Axmed uu si cad ah u sheego in ciidamooda ay ku lug lee yihiin falalka ammaan darida ee ka taagan magaalada Kisamayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Xildhibaannada BF Somalia oo maanta meel mariyay miisaaniyada 2014

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca meel mariyay miisaaniyadda seddax bilood ay ku shaqeeneyso xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Kulanka maanta oo ay ka qaybgaleen 172-mudane, waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxaa kaloo ka qaybgalay sii hayaha wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan kaasoo ka jawaabayay su’aalaha ay waydinayeen xildhibaannada.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ayaa natiijada ku dhawaaqay wuxuuna sheegay 167-mudane haa in ay ugu codeeyeen miisaaniyadda seddaxda bil ay ku shaqeeneyso xukuumadda Soomaaliya halka uu didday hal mudane labo kalena ay ka aamuseen.

Wasiirka oo gabagabadii natiijada ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo go’aanka baarlamaanka uu gaaray wuxuuna xusay in miisaaniyadan ay tahay mid KMG ah waayo “xaaladda dalka ayaa sabab u ah” buu yiri.

Si kastaba, waxa ay u muuqatay arrinta mid laga soo shaqeeyay, waayo shaley uun ayaa loo qeybiyay xildhibaannada baarlamaanka miisaaniyada sannadkan cusub isla maanta waa la meel mariyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xagee ayuu shirka maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ku dambeeyey

Baydhabo (Caasimada Online) Odayaasha ku shiraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegay in uu soo gaaray shirka maamul u sameebta goballada Koonfur Galbeed wajigiisii ugu dambeeyay.

Malaakh Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha gar wadeenka ka ah shirka ayaa Idaacad ku taalla Muqdisho u sheegay in shirka mardhow uu soo dhammaan doono isla markaana lagu dhawaaqi doono dowlad gobaleed ka kooban lix gobal sida uu yiri.

“Inta badan shirka wax yaabihii dhibka badnaa waan ka soo gudubnay waxaan soo gaarnay wajigii ugu dambeeyay ooi ah in la qaybsado maamulka dowlad goballeed ka kooban lix gobal” ayuu yiri Malaakh Shiino.

Malaakha ayaa dhinaca kale tilmaamay in marka uu shirka dhammaado ay ka soo qaybgali doonaan qaar ka mid ah wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli si buu yiri ay goobjoog uga noqdaan maamulka cusub.

Si kastaba shirka Baydhabo ka socda oo la doonayo in maamul gobaleed looga dhawaaqo, waxaa meelaha uu ka arriminaayo ka mid ah Jubbbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo hadda leh maamul KMG ah oo ay dowadda aqoonsan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu soo celiyay Yemen kadib markiii….!

San’a (Caasimada Online) Tahriibayaal aad u badan oo isugu jirra Soomaali iyo Yemen oo ku noolaa dalka boqor tooyada Saudi Arabia ayaa dib loogu soo celiyay dalka Yemen.

Wariye VOA-da ka tirsan oo ku sugan San’a ayaa sheegaya in dadkan lagu arkayo waddooyinka Yemen kuwaasoo dawarsanaya.

Wariyaha ayaa sheegay in dadkan ay wataan kaararka qoxootiga, waxaana laga soo qabtaa magaalooyinka u dhow soohdinta Sacuudiga ay la wadaagto Yemen.

Waxaa la sheegay intooda badan dadkan in ay duruufo adag ku heesato magaalooyinka waaweyn ee dalka Yemen.

“Waxaa lagu arkaa maalintii iygaoo ku sugan xaafadda Basaatiin, markii qoraxda soo baxdanaha meelaha geedaha ay galaan waxa ay u badan yihiin rag iyo dumar in kastoo ay carruur ku jiraan” ayuu yiri wariyuhu.

Yemen waxaa ku nool Soomaali badan oo ka cararay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya 20-sanno ka hor.

Inta badan Soomaalida ku dhaqan Yemen, waa siyaabo kala duwan nolasha u maareeya, ragga baabuurta ayey dhaqaan, dumarkana qaar waa ay dawarsadaan kuwa kalena dharka ayey u dhaqaan qoysaska Yementa ah iyo Soomaalida ladan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Maamulka Sh/Dhexe oo sheegay in la dhex dhexaadiyay beelo dagaalamay

Jowhar (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ku guuleestay in uu dhexdhexaadiyo beelo ku dagaallamay deeganno hoos-taga magaalada Jowhar.

Kulan loo qabtay beelahaas ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka soo qaybgalay odayaal ka kasocda labada dhinac iyo maamulka gobalka.

Waxaa goobta lagu bandhigay khasaaraha soo gaaray dadkii rayidka ee ku noolaa deegannada lagu dagaalamay, waxaana la sheegay in la is cafiyo.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Xaaji Caqiil ayaa odayaasha labada beel ka codsaday in ay dib u soo celiyaan dadkii rayidka ee ku noolaa deeganka.

Wuxuu sheegay oo kale maamulkooda inay ku dedaali doonaan siddii aysan markale ku laaban collaadaha ku soo noqnoqda gobalka.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow ayaa isna sheegay cid kasta oo ku nool gobalka in looga baahan yahay dhinaceeda in ay ammaanka ka ilaaliso, wuxuuna xusay in wixii ka dhaca deegannadooda ay mas’uul ka noqon doonto.

Qaar ka mid ah odayaasha labada ee dagaallamay ayaa goobta ka hadlay waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin mid kasta in uu cafiyo beesha kale.

Dagaallada ka dhacay gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay ib guryo badan lagubo dad badan ay ku dhintaan, waxaana ku lug lahaa ciidamo ka tirsan dowladda oo dhinac la saftat sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Nin diiday in ciidamada DF ay xaaskiisa ku hor kufsadaan oo geeriyooday

0

Afgooye (Caasimada Online) Degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose waxaa galabta ka dhacay dhacdo aad looga naxay, taasoo ahayd kooxo hubeysan oo xirnaa dharka ciidanka dowladda Soomaaliya oo doonayay in ay kufsadaan haweeney la socotay baabuur rakaab oo marayay inta u dhexeeysa degmada Afgooye iyo deeganka Caddow Dibile.waxaa arrintaas diidday ninkii qabay oo la socday,waana la dilay.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ay baabuurka leexsadeen, dabadeedna waxa ay wateen mid ka mid ah haweenka la socday oo ay doonayeen in ay kufsadaan waxaana arrintaas diidday ninkeeda oo sheegay in uu geeri ka

Waxa ay arrintaas keentay in goobta lagu toogto ninkii qabay haweeneyda la doonayay in la kufsado iyadana waa la dhaawacay sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Meydka ninka qabay haweeneyda la kufsaday ayaa la geeyay saldhigga booliska magaalada Afgooye, waxaana la socday xaaskiisa oo iyana isku dardarsantay.

Kooxda falkan geesatay ayaa durba goobta ka baxsatay mana jirto cid wax ka qabatay arrintaas.

Dhacdooyinka noocan ayaa waayahan ku soo badanayay wadadda isku xirta degmada Afgooye iyo Marka, waxaana ka dilaacay kooxo burcad oo dhibaateeye dadka ku safra halkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in lala dagaalami doono askarigii lagu arko isagoo isbaaro dhiganaya, balse arrintaas wax ka hirgalay ma jirto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO: Xususta 2013 iyo waxyaabihii ka qabsomay bilicda Muqdisho

0

Caasimada Online:  Sanadkaa Dhamaaday ee 2013 wax kasta oo ka hirgalay magaalada Muqdisho waxyaabihii ugu Cajiibsanaa ee dib u soo celiyay Bilicda Magaalada & Muuqaalkeeda ayaan Jacelahay in aan idinla wadaagno.

Aqristoow Daawo Muuqaalkani kadib nala wadaag Fikradaada adigoo cabiraya waxii ugu wanaagsanaa ee ka hir galay Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho adigoo tilmaamaya.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Cali Seeko: “Cabdi Kariin Guuleed wuu matali karaa beesha Habar-Gidir”

0

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay hadal habeenkii xaley Idaacadaha Muqdisho ay u sheegeen odayaal ka soo jeeda beesha Habar-gidir kuwaasoo sheegay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa wasiirkii arrimaha gudhaa iyo amniga xukuumaddii Saacid uusan beesha matali karin.

Cali Seeko ayaa warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah oo beesha habar-gidir aysan isla qabin, wuxuu sheegay isagoo ku hadlaya beesha Habar-Gidir gaar ahaan lafta Saruur in uu caddeenaayo Cabdikariin Xuseen Guuleed in uu matalo beesha Habar Gidir.

“Cabdikariin waa nin u dhashay beesha Habar-Gidir wuuna matali karaa, waana loo dhiibi karaa xil kasta oo dowladda u dhiibto waana tageersanahay” ayuu yiri Cali Seeko.

Dhinaca kale, Cali Seeko ayaa soo dhaweeyay ra’iisal wasaare Cabdiweli  Sheekh in uu ku soo daro golaha wasiiradii horre.

Wuxuu xusay in wasiiradii horre ay ku jiraan dad wax badan qabtay maadama qof cusub uu baahan yahay la qabsi iyo shaqo cusub” ayuu yiri.

Waxaa soo baxaysa in uu jirro khilaaf ka dhex jirra beesha Habar Gidir kaasoo ku aadan in wasiirkii horre arrimaha gudaha iyo amnigga uu markale soo noqdo iyo in kale.

Ugu dambeyn siyaasiga Cali Seeko ayaa tilaamay in beesha Habar -Gidir in muddo ah in ay lahayd wasiirka arrimaha guda iyo amnigga haddana xilkaas ayaan sugeynaa ayuu yiri.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo siyaasiyiinta dhaliilsan wasiirka amniga ayaa waxa ay ka dooddayaan Cabdikariin Guuleed in uusan waxbo u qaban beesha taasna uu ka door biday ururka Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

BFS oo loo gudbiyay miisaaniyada ay ku shaqeeneyso xukuumadda cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Talaado ah kulan aan caaddi ahayn ku yeesheen  magaalada Muqdisho, waxa loogu qaybiyay miisaaniyadda ay ku shaqeeneyso xukuumadda cusub seddaxda bil ee soo socota.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa loo yeeray sii hayaha xilka wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan kaaso sheegay in miisaaniyadan ay ahayd in la soo gudbiyo seddax bil ka hor balse ay dib u dhacday markii is qabqabsi dhinaca ammaanka uu kala galay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihii horre Saacid.

Wuxuu xildhibaannada baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan miisaaniyadan oo ah mid KMG ah, waayo waxaa lagu saleeyay golihii wasiirada horre oo ka koobnaa 1- xubnood balse wuxuu sheegay in xukuumadda cusub ay intaas ka badnaan doonaan.

Wasiirka ayaa xildhibaannada ayaa ka raali galiyay ka soo daahida miisaaniyada cusub ee sannadka 2014 maadama uu berri billaabanayo ay ahayd in mar horre loo soo gudbiyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Si kastaba, dood dheer kaddib guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay ilaa inta laga ansixnaayo miisaaniyada cusub ee sannadkan 2014-ka aan wax lacag laga bixin karin bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Arrintan ma cadda wax soo dadajiyay maadama xukuumadda cusub aan la soo dhisin, xildhibaannada baarlamaanka waxa ay u muuqdaan kuwa doonaya in la hor keeno miisaaniyadda sannadka cusub maadama marka caawa la gaaro 12-ka saqda dhexe dalka uusan lahayn wax miisaaniyad ah oo lagu shaqeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QM oo sarkaale kale oo cusub u soo magacowday dalka Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku dhawaaqay in uu magacaabay Philippe Lazzarini ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan isla markaana isku xirka bini’aadinimada Soomaaliya.

Mr. Lazzarini, ayaa u dashay dalka Switzerland, wuxuu la shaqeen doonaa ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM, Nicholas Kay,kaasoo madax u ah howgalka QM ee Somaliya (UNSOM).

Golaha Ammaanka QM ayaa howgalka UNSOM yagleelay bishii May waxana loogu talagalau in si hagaagsan u isku xiro taageerada beesah caalamka ay siiso dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Mr. Lazzarini, ayaa horrey u ahaa isku duwaha arrimaha bini’aadinimada Soomaaliya tanbishii March ee sannadkan 2013, sidoo wuxuu howllo waaweyn oo dhinaca gargaarka ka soo qabtay Soomaaliya.

Ka hor inta uusan ku biirin QM Mr. Lazzarini wuxuu la shaqeeyay hey’adda caalamiga ee laan qayrta (ICRC) Koonfsurta Sudan, Beirut, Amman iyo Gaza. Sidoo kale wuxuu madax u ahaa howlgalka ICRC ee waddamada Bosnia, Angola iyo Rwanda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: Xog cusub oo ku saabsan khilaafka hareeyey wasiirada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwelli Sheekh Axmed ayaa la sheegayaa inuu hareeyay buuq ku aadan soo celinta qaar kamid ah Golihii hore ee Xukuumadii Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” kuwaasoo lagu eedeeyay horay inaysan waxba u qaban mudadii ay xilka hayeen.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta u dhuun daloola arimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu jiro Cadaadis labo dhinac ah oo saaran Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli Sheekh Axmed kuwaasoo kala ah Bulshada Soomaaliyeed oo ku cadaadinaysa inuusan soo celin xubnihii fashiliyay Xukuumadii hore, iyo sidoo kale Hogaanka sare ee dalka sida Madaxwaynaha iyo Saaxiibbadiis oo qaba in lasoo celiyo qaar kamid ah golahaasi oo u arkaan iyagu inay wax qabteen.

Saleebaan Maxamed Ibrahim wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadii Baarlamankii KMG ahaa ee Somalia, waxaana uu isaga oo jooga Muqdisho uu bixiyey xog ku saabsan khilaafka ka taagan golaha wasiirada cusub.

Waxa uu sheegay Soomaaliya maanta inay u baahantahay Hogan karti leh balse aysan rabin in Xukuumadda lagu soo xulo saaxiibtino isagona geesta kale ka digay dadkii fashiliyay Xukuumadii hore inay kamid noqdaan Mida cusub.

Wuxuu sheegay Saleeban inay jiraan dal-daloolooyin siyaasadeed oo ka jira Soomaaliya isagoona ayaan daro ku tilmaamay Wasiiradii riday Xukuumadoodii oo ay qeybta ka ahaayeen inay imika dib u soo laabtaan.

Si kastaba waxaa la sheegay in wasiirada cusub lagu dhowaaqi doono ayna ku jiraan xubno hore uga tirsnanaan xukuumaddii Saacid.

Halkan hoose ka dhageyso wareysi

Saleebaan-Maxamed-Ibrahim

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciddii diiday in Xasan uu telefoon uga tagay diyaarad haku qanacdo sawirkan

0

Waxaan maanta daabacnay war gaar ah oo aan helnay oo ku saabsanaa in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu telefoon uga dhex tagay diyaaraddii u qaaday Kenya toddobaadkii tagay, oo 13 saac kadib dib loogu soo celiyey, balse laga cabsi qabo inay Kenya baartay. Halkan ka aqri

Warkaasi oo ay aqristeen kumanaan qof, ayaa haddana waxaa ka dhiidhiiyey dad illaa dhowr iyo toban qof ah, oo Caasimada Online ku tilmaamay inay warkaas abuurtay, oo aanu ahayn mid suurta gal ah.

Waxa ugu weyn ee dadkaas ay ku doodeen ayaa ahaa in madaxdu aysan qaadan telefoen gacmeed, balse ay lee yihiin xog-hayayaal u qaabilsan teleefonada.

Sida ay dadka inoo dhaafay comments-ka ku doodeen waa suurta-gal, waana wax inta badan jira in madaxdu aysan qaadan telefon, laakiin Caasimada Online marka ay runta aragto marnaba ma qariso.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa sawir caddeyn ah, oo muujinaya in Xasan Sheekh uu telefoonkiisa isaga qaato, oo aanay jirin cid u qaaddo, ha ahaato wax uu asaga jecleystay ama ha ahaato protocol xumo.

Xasan Sheekh iyo Faarax C/Qaadir, oo haysta IPad iyo Galaxy S3
Xasan Sheekh iyo Faarax C/Qaadir, oo haysta IPad iyo Galaxy S3

Sawirkan waxaa la qaaday markii dhowr bilood ka hor madaxweynaha uu booqday Washington DC, wuxuuna muujinayaa Faarax C/Qaadir oo haysta IPad iyo Xasan Sheekh oo uu hor-yaallo wax u eg Samsung Galaxy S3.

Waxa uu sawirkan qeyb ka ahaa sawirro dhowr ah oo madaxtooyada ay usoo dirtay Caasimada Online waagaas, balse waqtigaas waxaan go’aan ku gaarnay inaanay habbooneyn in prortocl xumada kooxa madaxweynaha aan bulshada tusno waana ka tagnay, inkasta oo mareego qaar ay baahiyeen, balse markan si aqristayaasha u arkaan xaqiiqda ayaan usoo bandhigeynaa.

Ma jecli inaan mar walba u jawaabo, dadka dhowrka ah ee dhibsada wararka qaar ee aan baahino, waayo dabeecadaha dadka qaar ayaa ah in markii ay arkaan wax aysan ayaga shaqsiyan jecleysan ay dhaliilaan.

Caasimada Online, marar badan ayay qortay warar xasaasi ah, oo durbaba ay kala kulantay dhaliilo, balse markii dambe lasoo raaciyey raali gelin, markii ay soo baxday runta iyo xogta aan baahinay.

Warbixinadaas waxaa ka mid ahaa in aan shaaca ka qaaday jiritaanka kooxda Damul-Jadiid, in Faroole DF kalsoonida kala laaban doono, markii Xasan Sheekh uu weydiistay Saacid is-casilaad, oo markii aan qornay laga dhigay wax aan annaga abuurnay, balse kadib sidii aan u sheegnay ay wax u dhaceen.

Waxaan sawirkan u baahineynaa inaan u caddeyno dadka aysan la ahayn in Xasan Sheekh oo madaxweyne ah uu teleefon gacmeed qaato inay indhahooda ku arkaan, mar haddii ay caddahay inuu qaato telefoon gacmeed, inuu meel ku hilmaamana waxba maaha, oo waa bani aadam.

Sababta dad badan ay u dhibsadaan wararka Caasimada Online, waa wararkeena oo badankood ah kuwa xasaasi ah, waayo Caasimada Online laguma qoro war walba, waxaana inta badan jecelnahay inaan qorno warar gaar inoo ah oo macno weyn xambaarsan, waana taas sababta aqristayaal badan ay u jecel yihiin boggaan.

Waxaan kale oo aan fursaddan uga faa’ideysanaa inaan u sheegno aqristayaasha in boggani aysan lahayn dowlad, koox gaar ah ama qabiil gaar ah, mar walbana runta kama leexan doono, cidii rabto ha dhibto’e. Waxaan idin kaga mahad naqaa inaad waqtigiina ku bixisaan aqrinta webkan.

Xiriiro u qarsanaa Jawaari, XASAN SH iyo xildhibaano oo shaaca laga qaaday

WAXTARXUMIDA JAWAARI IYO BAARLAMANKA UU HOGGAAMIYO

Haddi dowladi xumaato mar ama labo waxaa caado u ah baarlamaanka dalku leeyay in ay dib u baaraan waxa dhacay ee dowladdu u xumaatay si aysan mar labaad u dhicin xumaantaasi.

Soomalida muddoyinkaan dambe waxaa soomaray 4 madaxweyne iyo 12 Rasii’sul Wasaare oo maamulka ku heshiinwaayey. Arrintaas waxay ragaadisay howlihii qaranka burburay oo loo baahnaa in dib loo dhiso.

Yaa marka laga sugaayey in ay xal u helaan oo wax cad ka qabtaan madaxweynayaasha iyo R/W-yaasha marwalba dagaalamaya. Madaxweyne Hassan Sheykh iyo R/W Saacid kuwii ka horeeyey waxay ku dhaqmayeen “Charter” lakiina hadda waxaa naloo sameeyey Dastuur uu hoggaminayey dad uu madax u ahaa Maxamed Osman Jawari oo ay ku baxday diyaarintiisa $60,000,000 ($60 millions) 800 oo qof oo shacabka Soomaali degma-walba laga keenay, afhayeenna uu u ahaa Prof. Xussein Warsame ayaa ansaxiyey.

Dastuurkaa waa kii lagu doortay Goddomiyaha barlamanka kaddibna lagu doortay Madaweynha, sal-dhigna u ahaa ictiraafkii beesha caalmku ay aqoonsatay dowladdaa. Maxaa yeelay waxaa loo arkay in madaxda Soomalidu xeer iyo dastuur kala haga qofkasta oo madax ahna qeexaya hawshiisa yeelaty, si aanay u dhicin isqabasho iyo iska horimaad maamulka khuseeya, loona badabaadiyo danta ummad iyo hantida qaranka. Yey ahayd in ay dhowraan “gate keepers” ku dhaqanka dastuurka? Waxay ahay baarlamanka Soomalida in uu xukuumada la xisaabtamo oo kula xisaabtamo wax qabadka iyo fulinta howlaha ummadda. Lakiin nasiibdarro waxaa caddaatay in Madaxweyne Xassan Sheykh uu u yeeriyo tilaabo kasta oo Jawari iyo barlamaakiisu qaadayaan.

Bal u fiirsada R/W hore Saacid markii uu Xassan Sh. xushay wuxuu u keenay Jawaari, koox baarlamanka ka tirsanna wuxuu u sheegay in uu saaxiibkiis uu jecelyahay oo aan dagaal marna dexmaridoonin uu ka xushay murashaxiintii R/Wasaarah. Aan isweydiine ma qaran burburay baa lagu dhisikaraa nin jecleysi mise maamul dowla logu wadikara saxiibtinimo. Jawari iyo baarlamankiisi sacab bay u garaceen sidii cadada u ahayd kuwii ka horreyey. Waxtar, karti iyo in ay hawshaan balaaran ee Soomaali sugeyso ka bixikaaran Saciid iyo wasiirdiisii loo xulay “labo cali ismaweydii” ee sacab baa lootumay.

7 bilood kaadib xubno barlamanka ka tirsan ayaa isku dayey in mooshin ka keenan Saacid iyo dowladiisa in la casilo. Madaxweyne Xassan baa sidii caadadu ahayd u yeeriyey Jawari in uusan aqbalin moshinkaas. Dowr bilood kaddibna Mwayne Xassan wuxuu markale u yeeriyey Afhayenkii barlamanka Jawari in uu aqbalo mooshinka uu xubnaha barlamanka u soo dhibidoono si loo rido Saacid.

Waxaa Saacid lagu soo eedeeye waxtarxumo ayada oo aan halkaas sano oo uu R/W -ahaa maalinna looga yeerin xarunta barlamanka si loola xisaabtamo waxtarxumidiisa, ama waxqabadkiisa, markii uu damcay in uu baarlamanka kala hadlo in aysan xaq ku fadhido eedayntaasi iskana difaaco baarlamaanka hortiisa waa loo diiday maxaa jira Mwayne Xassan baan ogolaan.

Saacid markii la casilaynna, Mwayne Xassan, Cabduweli Sheykh Axmed buu R/W u magacaabay Jawari meeshii uu suaaloo soo hordhigi-lahaa RW cusub ka tirjumaya waxa shacabku gocanayo iyo si ay san mardame u dhicin isqabqasi, sacabkii lagu yaqaaney buu tumay.

Jawari, Maxamed Siyad Barre buu wasiir u ahaan jiray wuxuuna ku soo barbaaray madaxweyne milateri ah oo aan laga dabahadal, marka dhaqankii kacaanka ayu miskaxda ku hayaa bay ilatahay ee in uu madaxwena ka saareeyo isumaba-haysto, kuna diidikaro wixii dastuurka qilaafsan, bil cagsi wixii madaxweyne Xassan uu u yeeriyaba wuu u sacabatumaya.

DARDAARAN KU AADAN SADDEXDA MADAX OO DALKA UGU SARREYA:

Madaxnimada waxaa loo doontaa 4 shay midkood:

1) In aad xukun jeceshaya (power hunger)

2) In aad xoolo jeceshay oo maal aad xaddo ka raadineysid (corruption)

3) In aad xoolo badantahay oo aad xoolahaga ku ilaashaneysid (Wealth protection)

4) Iyo in aad isbadal doontahay oo aad degaankaas dooneysid in wax ka badasho xaladda uu ku suganyahay.

Soomaaliya maantay waxay u baahantahay qof isbadaldoon ah ee haaddeydaan ahayn isbadal doon xaaladda wax ka badala xaaladda soomaalya isagata meesha.

R/barlamaanka Jawari waxaan leeyahay is dabaqabo arrinwanaagsan baad maalindhaweyd ku dhawaaqaday oo aad leedahay dowladda waan la-xisaabtamaynaa hadda kaddib oo waa in ay soo bandhigto waxay qabaneyso, waqtigay qabneyso iyo maalka ku baxaya. Allow run ka dhig. Waxaa laga garandoona ansixinta wasiirada la soo xulidoono: sida in aad waydiisaan kartida iyo aqoonta uu u leeyahay wasaaradda loo magacaabay wasiirwalba ee aan duuduub loo ogolaan wasiirada. Ilaalinta Dastuurkana waa wajibka ugu horreya ee saaran Jawari iyo barlamanka.

Madaweyne Xassan waxaan leeyahy Dastuurka akhri qodobada 90 iyo wixii ka dambeeye ee qeexan howshaada madaweynenimo, kuna dhaqan, oo taariikhna sameyso oo hormuud u noqo ku dhaqanka Dastuurka, boorsadaan kuu xirxiran ee aad casimadaha addunka ku wareygeysidna jooji waa lagaa xiiso dhacay oo airport-dambe loguma soo dhaweyn doone sidaa safarkaagii ugu dambeeyey kuu caddatay. Hadda safar jeceshahay ku wareeg xafadaha iyo degmooying Soomaalida ayagaa kuu bahan, madweynahoodiina tahaye.

R/W Caduweli waxaan leeyahay isbaddal la taabankaro oo cad muuji laga bilaabo Wasiirada aad xulaneysid. Dad aad hubtid kartidooda, aqontooda iyo hufnaantooda magacaw waxaana kuu caddeynkara wasiiradaas kartidooda marka ay midmid u hor-fariistaan baarlamanka oo imtixaan dhab ah laga soo bilaabo tariikhda wasiirwalba leeyahy iyo in uu caddeyo sida uu wax u qabankaro ama ay u qabankarto.

Haddikale adiga ayaa waxtarxumi lagugu soo eedan doonaa marka wasiirku howshisa ka soo bixiwaayo. Ha ogolaan wasiir madaweynuhu kuu soo magacaabo ama Jawari, haddad ogolaatid ku tala gal sidii Saacid in laguu gelidoona oo aysan Golaha wasiirada shirkooda imaandoonin, dabadeedna markaad dhaliishid casilaadaada ay u ololeyndoonan; sidaas darteed marka horaba yey-ku soo gelin, haddad ogollaati Soomaalina waxba uma-qaban doontid magacaaguna siddii Saacid buu ku dhammandoona waxmatare.

Ugudamayntii SOOMAALI IN AAD U HIILISID DASTUURKEEDANA KU DHAQANTID IYO IN AAD MADAXWEYNE XASSAN SHEKH AAD OGOLAATID YEERISKIISA MID DOORO IYO XADGUDUBKIISA DASUURKA.

W/Q: Cabdulqaadir Aden “Jangeli”

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Taleefonadii madaxweyne Xasan oo u gacan galay Kenya (Xog halis ku jirta)

0

Nairobi (Caasimada Online) Ilo xog ogaal oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online, in dowladda Kenya ay gacanta ku dhigtay taleefono uu watay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud kuwaasoo looga tagay diyaarad uu la socday oo uu ka soo raacay Nairobi.

Taleefonadan ayaa la sheegay in uu madaxweynaha uga tagay diyaarad dhawaan uu ka soo raacay Nairobi markii uu ka qaybgalay shirkii madaxda urur gobaleedka IGAD.

Taleefonadan ayaa la sheegay in ay ku jireen sirar badan oo ku saabsan qaranka Soomaaliya, mana cadda haddii ay baareen hey’addaha ammaanka Kenya iyo in kale.

Ilaha warkan aan ka xiganay ayaa noo sheegay in taleefonada 13-saac kaddib dib loogu soo celiyay madaxweynaha.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dowladood oo ku aadan warkan ku saabsan in taleefonadii gacanta ee madaxweynaha Soomaaliya in looga tagay diyaarad madaxweynaha ka keentay Kenya.

Waxaa arrintan ka sii horreysay markii madaxweynaha iyo wafdi la socda ay gaareen Nairobi wax mas’uul ah aysan garoonka ku soo dhaween.

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii protocol xumo lagu qeexay, markii lasoo awiray madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo uu telefon hor-yaallo, taasi oo dad badan ku dhalisay su’aal ah sababta madaxweyne telefon u dhiibtay, oo aanay xoghayntiisa u hayn telefonada.

xasab iyo farax mobile

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Musharaxiinta Puntland oo shaaciyey xaalad qarsooneyd oo ay wajahayaan

0

Doorashada Hogaanka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 2014,waxaana ka soo wareegtay 5-sanno xilligii Doorashada 2009-kii oo uu ku guuleystay C/raxmaan Faroole.

Maxamed C/nuur Xirsi, oo kamid ah Musharixiinta Puntland ayaa sheegay in Gurahaya ay ka degenyihiin Magaalada Garoowe uu Faroole dul dhigay Ciidamo aad u hubaysan,kuwaasi oo uu sheegay in Dhibaatooyin xooggan ku hayaan.

“Faroole wuxuu noo adeegsanayaa Awood Ciidan, si aynu uga harnoTartanka Doorshada,waxaana Ciidamo lagu daadiyay Albaabada Xaruumaha Musharixiinta Puntland,taasi oo Caadis iyo Go’doomin nalagu saarayo,”ayuu yiri Musharax Maxamed C/nuur Xirsi.

Musharax Maxamed C/nuur Xirsi, ayaa ka codsaday Col. Saciid Dheere, oo ah Taliyaha Ciidanka Amaanka Puntland in si Deg Deg ah looga dul qaado Ciidamada, maadaama ay doonayaan Musharixiinta inay sameeyeen Olole ku aadan Doorashada.

“Waxaa loo baahan yahay in Amaanka laga wada shaqeeyo, oo uusan Qof gaar ah la Caadin,maxaa yeelay Maamulka waa uu naga wada dhaxeeyaa Mas’uuliyadiisa,” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr. Xirsi.

Hubaal la’aan dhinaca Amaanka ah, ayaa ka jirta Puntland,iyadoo Maamlmo kaliya ka harsantahay Doorashada uu Muranka ka taaganyahay , oo Musharxiin gaaraysa 21 Musharax u taagantahay Xilka Madaxweyne.

Waxaa Xukuumadda Faroole lagu eedeeyaa inay fogaysay xiriirkii Odayaasha Dhaqanka, in aysan wadatashi badan la galin qeybaha Bulshada kala duwan ee Puntland.

Faroole iyo Musharaxiinta Maamulka Puntland, ayaa maalmahanaan waxaa ka dhexe jiray Xiisad Siyaasadeed.

Qaar ka mid ah Musharixiinta ayaa dalka dibediisa ku maqnaa muddo 22-sanno ka badan waxaana jirta in Mushariixinta Madaxweynaha Puntland ay badigood kasoo jeedaan hal reer, arrintaasoo dhabarjab ku ah barnaamijkii dhicisoobay ee Xisbiyadda badan,si looga gudbo nidaam-beeleedkii 1998-kii la dhisay.

Dhibaatooyinka ka dhanka Musharixiinta;

22 December 2013,Musharax Shire Xaaji Faarax,ayaa Ciidamada Puntland waxa ay u diideen in uu galo Garoowe.

22 December 2013,ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Puntland ayaa Rasaaseeyay C/daahir Maxamed Yuusuf (Yeey)oo ka mid ah Musharixiinta xili uu marayay meel u dhaw Madaxtooyada Garoowe.

Dec 24, 2013 · Musharax Cali Xaaji Warsame, oo kamid ah Musharixiinta ugu Cad cad,ayaa waxaa Gurigiisa ku weeraray Ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland,waxaana Weerarkaasi lagu tilmaamay Isku-Day Dil.

Doorashooyinkii hore ee Puntland ee sanadihii 1998-kii, 2005-kii iyo 2009-kii iyo tan soo socota ee Doorashada 2014 oo Mugdi badan uu soo gala dhex galay Faroole iyo Musharixiinta,waxaana tani ay keentay Cabsi dadku ay ka qabann in lagu dagaalo Natiijada.

Gudiga Khilaafaadka iyo Muranka ka taagan

Musharixiintu Waxay Faroole ku eedeeyeen inuusan cidna kala tashan gudiga uu ku dhawaaqay, haddii ay ahaan lahayd Mushaixiinta amaba Isimada, Madaxweynuhuna wuxuu dhankiisa sheegey iney Dastuurivtahay in Madaxweynuhu Magacaabo Gudiga.

Musharixiinta iyana dhankooda waxay soo bandhigeen Gudiga Khilaafaadka iyagoon la tashan Madaxweynaha , waxaana halkaas ka bilowdey khilaaf iyo Qorori Qori ku tag.

Doorashadii hore ee 2009 waxaa jirey khilaaf noocaan ah, waxaana Khilaafkaas Xaliyey Cabdullahi Yuusuf oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, lakiin Su’aalaha hadda taagan oo Dad badan iswaydiinayaan waxay yihiin, yaa Xalinaya khilaafka u dhexeeya Faroole iyo Musharixiinta?, Mise Xalkii Cabullaahi Yuusuf uu ku xaliyey khilaafkii 2008 ayaa la tixraacayaa?, mise Xalkalaa la sugayaa?

Gudiga uu Faroole u magacaabay khilaafaadka ee Doorashada Puntland

1:Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye

2:Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin

3:Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin

4:Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.

5:Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.

6:Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.

7:Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin

8:Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Soo Xulida Xidhibaanada

Wareegto uu soo saaray Faroole oo ka hadlaysay Xildhibaanada cusub waxaa ku cadaa in kulanka u horeeya ee Xildhibaanada cusub uu dhici dooni 1 Janaayo 2014, Doorashada Madaxweynuhuna dhacayso 8 janaayo, lakiin waxaa hada soo baxaya daldaloolo badan, waxaa jir khilaaf ka dhex taagan Beelaha Qaarkood kuwasoo ku muransan Kuraasta Baarlamaanka.

Waxaa jira Beelo reer Puntland ah oo aan waligood Qayb u helin kursi Xildhiban ama qaarkoodna ay qadeen kalkii hore, kusoo kalkaan raba cadkooda ama Tookadooda, Beelihii horey kuraasta u lahaa iyana ma doonayaan iney qadaan.

Waxaa iyana muran xoogan ka taagan yahay 17 ka kursi ee labada Gobol Sool iyo Ceyn, Isimada soo saxiixi lahaa kuraastaa waxay badan koodu qaylo dheer ku sheegeen ineysan soo saxiixayn Xildhibaan dambe, Way jiraan Xildhibaano ay beelohodu diyaar u yihin saxiixa laakiin ma badna, ilaa hada ma jirto dhinaca Xukuumada, Murashaxiinta iyo Isimada kulan laga yeeshey arinta 17 Xildhibaan ee Gobolada Sool iyo Ceyn.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa waxa ay ku dambeyn doonto Doorashada Puntland ee January 8, 2014.

Isha: KON

Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland oo ka badbaadisay isku day dil

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntladn ayaa maanta barqadii ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.

Sarkaalkan ayaa lagu weeraray baabuur uu la socday waqooyiga Gaalkacyo, waxaana la sheegay in uu ku dhaawacay weerarkaas oo ahaa miino nooca dhulka lagaliyo.

Weerarka kaddib ciidamada maamulka Puntland ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadaha ka agdhow goobta qaraxa uu ka dhacay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Cabdi Warsame Ciiro ayaa loo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu daweynaayo.

Ma jirto koox sheegatay qaraxa miino ee lagu weeraray baabuurka uu la socday guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

 

Soomaalida Minnesota iyo R/W cusub

0

Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaa dhawaan loo magacaabay ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo bedalaya ra’isal wasaarihii ugu horreeyey ee xilka qabta tan iyo markii Soomaaliya ay kumeel-gaarnimada ka baxday Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Magacaabista ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee xilka la wareegay ayaa waxaa laga soo dhaweeyey meelo badan oo gudaha dalka iyo dibaddaba ah, waxaana meelaha sida weyn looga soo dhaweeyey ka mid ah gobolka Minnesota oo ay ku dhaqan tahay Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool.

Munaasibad si weyn qaban-qaabadeeda looga dareemayo guud ahaan deegaanada iyo xaafaddaha ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa afarta bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2014-ka oo ku beegan sabtiga soo socda waxaa lagu qaban doonaa xarunta shirarka ee gobolka “Convention center”.

Madasha ayaa waxaa soo xaadiri-doona guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee gobolka ku dhaqan oo la filayo in goobtaaasi soo buux dhaafin doonaan iyagoo xiran hidaha iyo dhaqanka iyo waliba maryo loo ekaysiiyey calanka Soomaaliyeed ee buulugga ah.

Marka laga yimaado hambalyeynta, dardaaranka iyo hadallada siyaasadeed ee ku wajahan ra’isal wasaaraha cusub iyo mas’uuliyadda uu qabanayo, waxaa sidoo kale xafladu ay yeelan doontaa xiiso gaar ah, iyadoona ay wacdaro suugaaneed ku bandhigi-doonaan qaar badan oo ka mid ah fanaaniintii qaranka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Axmed Cali Cigaal, Cabdi Shire Jaamac “Jooqle” iyo kuwo da’da yar ee reer Minnesota.

“Reer Minnesota, waxaan ku wargelinayaa in ay nagu soo socoto munaasibad qaran oo aad u balaaran, waxaana leeyahay yaanan u kala harin ayididda iyo soo dhaweynta ra’isal wasaaraheena cusub Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed..maadaama reer Minnesota ay ahaayeen waligoodba dad kaalin muuqata ku leh isbeddal waliba oo dhinaca wanaagsan loo qaaday oo ku saabsan dalkeena hooyo ee Soomaaliya..hadaba yaanan u kala maqnaan habeen soo dhaweyn iyo fantasyo 4 January iyo Convention Center,” sidaasi waxaa dad weynaha kala dardaarmay Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebene oo xubin ka ah guddiga qaban-qaabada munaasibaddaan.

Maxamed Faarax Talyaani
Minneapolis, Minnesota
[email protected]