BFS oo loo gudbiyay miisaaniyada ay ku shaqeeneyso xukuumadda cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Talaado ah kulan aan caaddi ahayn ku yeesheen  magaalada Muqdisho, waxa loogu qaybiyay miisaaniyadda ay ku shaqeeneyso xukuumadda cusub seddaxda bil ee soo socota.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa loo yeeray sii hayaha xilka wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan kaaso sheegay in miisaaniyadan ay ahayd in la soo gudbiyo seddax bil ka hor balse ay dib u dhacday markii is qabqabsi dhinaca ammaanka uu kala galay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihii horre Saacid.

Wuxuu xildhibaannada baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan miisaaniyadan oo ah mid KMG ah, waayo waxaa lagu saleeyay golihii wasiirada horre oo ka koobnaa 1- xubnood balse wuxuu sheegay in xukuumadda cusub ay intaas ka badnaan doonaan.

Wasiirka ayaa xildhibaannada ayaa ka raali galiyay ka soo daahida miisaaniyada cusub ee sannadka 2014 maadama uu berri billaabanayo ay ahayd in mar horre loo soo gudbiyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Si kastaba, dood dheer kaddib guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay ilaa inta laga ansixnaayo miisaaniyada cusub ee sannadkan 2014-ka aan wax lacag laga bixin karin bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Arrintan ma cadda wax soo dadajiyay maadama xukuumadda cusub aan la soo dhisin, xildhibaannada baarlamaanka waxa ay u muuqdaan kuwa doonaya in la hor keeno miisaaniyadda sannadka cusub maadama marka caawa la gaaro 12-ka saqda dhexe dalka uusan lahayn wax miisaaniyad ah oo lagu shaqeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com