Cali Seeko: “Cabdi Kariin Guuleed wuu matali karaa beesha Habar-Gidir”

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay hadal habeenkii xaley Idaacadaha Muqdisho ay u sheegeen odayaal ka soo jeeda beesha Habar-gidir kuwaasoo sheegay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa wasiirkii arrimaha gudhaa iyo amniga xukuumaddii Saacid uusan beesha matali karin.

Cali Seeko ayaa warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah oo beesha habar-gidir aysan isla qabin, wuxuu sheegay isagoo ku hadlaya beesha Habar-Gidir gaar ahaan lafta Saruur in uu caddeenaayo Cabdikariin Xuseen Guuleed in uu matalo beesha Habar Gidir.

“Cabdikariin waa nin u dhashay beesha Habar-Gidir wuuna matali karaa, waana loo dhiibi karaa xil kasta oo dowladda u dhiibto waana tageersanahay” ayuu yiri Cali Seeko.

Dhinaca kale, Cali Seeko ayaa soo dhaweeyay ra’iisal wasaare Cabdiweli  Sheekh in uu ku soo daro golaha wasiiradii horre.

Wuxuu xusay in wasiiradii horre ay ku jiraan dad wax badan qabtay maadama qof cusub uu baahan yahay la qabsi iyo shaqo cusub” ayuu yiri.

Waxaa soo baxaysa in uu jirro khilaaf ka dhex jirra beesha Habar Gidir kaasoo ku aadan in wasiirkii horre arrimaha gudaha iyo amnigga uu markale soo noqdo iyo in kale.

Ugu dambeyn siyaasiga Cali Seeko ayaa tilaamay in beesha Habar -Gidir in muddo ah in ay lahayd wasiirka arrimaha guda iyo amnigga haddana xilkaas ayaan sugeynaa ayuu yiri.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo siyaasiyiinta dhaliilsan wasiirka amniga ayaa waxa ay ka dooddayaan Cabdikariin Guuleed in uusan waxbo u qaban beesha taasna uu ka door biday ururka Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com