Nin diiday in ciidamada DF ay xaaskiisa ku hor kufsadaan oo geeriyooday

Afgooye (Caasimada Online) Degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose waxaa galabta ka dhacay dhacdo aad looga naxay, taasoo ahayd kooxo hubeysan oo xirnaa dharka ciidanka dowladda Soomaaliya oo doonayay in ay kufsadaan haweeney la socotay baabuur rakaab oo marayay inta u dhexeeysa degmada Afgooye iyo deeganka Caddow Dibile.waxaa arrintaas diidday ninkii qabay oo la socday,waana la dilay.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ay baabuurka leexsadeen, dabadeedna waxa ay wateen mid ka mid ah haweenka la socday oo ay doonayeen in ay kufsadaan waxaana arrintaas diidday ninkeeda oo sheegay in uu geeri ka

Waxa ay arrintaas keentay in goobta lagu toogto ninkii qabay haweeneyda la doonayay in la kufsado iyadana waa la dhaawacay sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Meydka ninka qabay haweeneyda la kufsaday ayaa la geeyay saldhigga booliska magaalada Afgooye, waxaana la socday xaaskiisa oo iyana isku dardarsantay.

Kooxda falkan geesatay ayaa durba goobta ka baxsatay mana jirto cid wax ka qabatay arrintaas.

Dhacdooyinka noocan ayaa waayahan ku soo badanayay wadadda isku xirta degmada Afgooye iyo Marka, waxaana ka dilaacay kooxo burcad oo dhibaateeye dadka ku safra halkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in lala dagaalami doono askarigii lagu arko isagoo isbaaro dhiganaya, balse arrintaas wax ka hirgalay ma jirto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com