Maamulka Sh/Dhexe oo sheegay in la dhex dhexaadiyay beelo dagaalamay

Jowhar (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ku guuleestay in uu dhexdhexaadiyo beelo ku dagaallamay deeganno hoos-taga magaalada Jowhar.

Kulan loo qabtay beelahaas ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka soo qaybgalay odayaal ka kasocda labada dhinac iyo maamulka gobalka.

Waxaa goobta lagu bandhigay khasaaraha soo gaaray dadkii rayidka ee ku noolaa deegannada lagu dagaalamay, waxaana la sheegay in la is cafiyo.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Xaaji Caqiil ayaa odayaasha labada beel ka codsaday in ay dib u soo celiyaan dadkii rayidka ee ku noolaa deeganka.

Wuxuu sheegay oo kale maamulkooda inay ku dedaali doonaan siddii aysan markale ku laaban collaadaha ku soo noqnoqda gobalka.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow ayaa isna sheegay cid kasta oo ku nool gobalka in looga baahan yahay dhinaceeda in ay ammaanka ka ilaaliso, wuxuuna xusay in wixii ka dhaca deegannadooda ay mas’uul ka noqon doonto.

Qaar ka mid ah odayaasha labada ee dagaallamay ayaa goobta ka hadlay waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin mid kasta in uu cafiyo beesha kale.

Dagaallada ka dhacay gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay ib guryo badan lagubo dad badan ay ku dhintaan, waxaana ku lug lahaa ciidamo ka tirsan dowladda oo dhinac la saftat sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com