Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu soo celiyay Yemen kadib markiii….!

San’a (Caasimada Online) Tahriibayaal aad u badan oo isugu jirra Soomaali iyo Yemen oo ku noolaa dalka boqor tooyada Saudi Arabia ayaa dib loogu soo celiyay dalka Yemen.

Wariye VOA-da ka tirsan oo ku sugan San’a ayaa sheegaya in dadkan lagu arkayo waddooyinka Yemen kuwaasoo dawarsanaya.

Wariyaha ayaa sheegay in dadkan ay wataan kaararka qoxootiga, waxaana laga soo qabtaa magaalooyinka u dhow soohdinta Sacuudiga ay la wadaagto Yemen.

Waxaa la sheegay intooda badan dadkan in ay duruufo adag ku heesato magaalooyinka waaweyn ee dalka Yemen.

“Waxaa lagu arkaa maalintii iygaoo ku sugan xaafadda Basaatiin, markii qoraxda soo baxdanaha meelaha geedaha ay galaan waxa ay u badan yihiin rag iyo dumar in kastoo ay carruur ku jiraan” ayuu yiri wariyuhu.

Yemen waxaa ku nool Soomaali badan oo ka cararay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya 20-sanno ka hor.

Inta badan Soomaalida ku dhaqan Yemen, waa siyaabo kala duwan nolasha u maareeya, ragga baabuurta ayey dhaqaan, dumarkana qaar waa ay dawarsadaan kuwa kalena dharka ayey u dhaqaan qoysaska Yementa ah iyo Soomaalida ladan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com