Xagee ayuu shirka maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ku dambeeyey

Baydhabo (Caasimada Online) Odayaasha ku shiraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegay in uu soo gaaray shirka maamul u sameebta goballada Koonfur Galbeed wajigiisii ugu dambeeyay.

Malaakh Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha gar wadeenka ka ah shirka ayaa Idaacad ku taalla Muqdisho u sheegay in shirka mardhow uu soo dhammaan doono isla markaana lagu dhawaaqi doono dowlad gobaleed ka kooban lix gobal sida uu yiri.

“Inta badan shirka wax yaabihii dhibka badnaa waan ka soo gudubnay waxaan soo gaarnay wajigii ugu dambeeyay ooi ah in la qaybsado maamulka dowlad goballeed ka kooban lix gobal” ayuu yiri Malaakh Shiino.

Malaakha ayaa dhinaca kale tilmaamay in marka uu shirka dhammaado ay ka soo qaybgali doonaan qaar ka mid ah wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli si buu yiri ay goobjoog uga noqdaan maamulka cusub.

Si kastaba shirka Baydhabo ka socda oo la doonayo in maamul gobaleed looga dhawaaqo, waxaa meelaha uu ka arriminaayo ka mid ah Jubbbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo hadda leh maamul KMG ah oo ay dowadda aqoonsan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com