QM oo sarkaale kale oo cusub u soo magacowday dalka Soomaaliya

New York (Caasimada Online) Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku dhawaaqay in uu magacaabay Philippe Lazzarini ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan isla markaana isku xirka bini’aadinimada Soomaaliya.

Mr. Lazzarini, ayaa u dashay dalka Switzerland, wuxuu la shaqeen doonaa ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM, Nicholas Kay,kaasoo madax u ah howgalka QM ee Somaliya (UNSOM).

Golaha Ammaanka QM ayaa howgalka UNSOM yagleelay bishii May waxana loogu talagalau in si hagaagsan u isku xiro taageerada beesah caalamka ay siiso dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Mr. Lazzarini, ayaa horrey u ahaa isku duwaha arrimaha bini’aadinimada Soomaaliya tanbishii March ee sannadkan 2013, sidoo wuxuu howllo waaweyn oo dhinaca gargaarka ka soo qabtay Soomaaliya.

Ka hor inta uusan ku biirin QM Mr. Lazzarini wuxuu la shaqeeyay hey’adda caalamiga ee laan qayrta (ICRC) Koonfsurta Sudan, Beirut, Amman iyo Gaza. Sidoo kale wuxuu madax u ahaa howlgalka ICRC ee waddamada Bosnia, Angola iyo Rwanda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com