DHAGEYSO: Xog cusub oo ku saabsan khilaafka hareeyey wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwelli Sheekh Axmed ayaa la sheegayaa inuu hareeyay buuq ku aadan soo celinta qaar kamid ah Golihii hore ee Xukuumadii Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” kuwaasoo lagu eedeeyay horay inaysan waxba u qaban mudadii ay xilka hayeen.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta u dhuun daloola arimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu jiro Cadaadis labo dhinac ah oo saaran Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli Sheekh Axmed kuwaasoo kala ah Bulshada Soomaaliyeed oo ku cadaadinaysa inuusan soo celin xubnihii fashiliyay Xukuumadii hore, iyo sidoo kale Hogaanka sare ee dalka sida Madaxwaynaha iyo Saaxiibbadiis oo qaba in lasoo celiyo qaar kamid ah golahaasi oo u arkaan iyagu inay wax qabteen.

Saleebaan Maxamed Ibrahim wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadii Baarlamankii KMG ahaa ee Somalia, waxaana uu isaga oo jooga Muqdisho uu bixiyey xog ku saabsan khilaafka ka taagan golaha wasiirada cusub.

Waxa uu sheegay Soomaaliya maanta inay u baahantahay Hogan karti leh balse aysan rabin in Xukuumadda lagu soo xulo saaxiibtino isagona geesta kale ka digay dadkii fashiliyay Xukuumadii hore inay kamid noqdaan Mida cusub.

Wuxuu sheegay Saleeban inay jiraan dal-daloolooyin siyaasadeed oo ka jira Soomaaliya isagoona ayaan daro ku tilmaamay Wasiiradii riday Xukuumadoodii oo ay qeybta ka ahaayeen inay imika dib u soo laabtaan.

Si kastaba waxaa la sheegay in wasiirada cusub lagu dhowaaqi doono ayna ku jiraan xubno hore uga tirsnanaan xukuumaddii Saacid.

Halkan hoose ka dhageyso wareysi

Saleebaan-Maxamed-Ibrahim

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com