Ciddii diiday in Xasan uu telefoon uga tagay diyaarad haku qanacdo sawirkan

Waxaan maanta daabacnay war gaar ah oo aan helnay oo ku saabsanaa in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu telefoon uga dhex tagay diyaaraddii u qaaday Kenya toddobaadkii tagay, oo 13 saac kadib dib loogu soo celiyey, balse laga cabsi qabo inay Kenya baartay. Halkan ka aqri

Warkaasi oo ay aqristeen kumanaan qof, ayaa haddana waxaa ka dhiidhiiyey dad illaa dhowr iyo toban qof ah, oo Caasimada Online ku tilmaamay inay warkaas abuurtay, oo aanu ahayn mid suurta gal ah.

Waxa ugu weyn ee dadkaas ay ku doodeen ayaa ahaa in madaxdu aysan qaadan telefoen gacmeed, balse ay lee yihiin xog-hayayaal u qaabilsan teleefonada.

Sida ay dadka inoo dhaafay comments-ka ku doodeen waa suurta-gal, waana wax inta badan jira in madaxdu aysan qaadan telefon, laakiin Caasimada Online marka ay runta aragto marnaba ma qariso.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa sawir caddeyn ah, oo muujinaya in Xasan Sheekh uu telefoonkiisa isaga qaato, oo aanay jirin cid u qaaddo, ha ahaato wax uu asaga jecleystay ama ha ahaato protocol xumo.

Xasan Sheekh iyo Faarax C/Qaadir, oo haysta IPad iyo Galaxy S3
Xasan Sheekh iyo Faarax C/Qaadir, oo haysta IPad iyo Galaxy S3

Sawirkan waxaa la qaaday markii dhowr bilood ka hor madaxweynaha uu booqday Washington DC, wuxuuna muujinayaa Faarax C/Qaadir oo haysta IPad iyo Xasan Sheekh oo uu hor-yaallo wax u eg Samsung Galaxy S3.

Waxa uu sawirkan qeyb ka ahaa sawirro dhowr ah oo madaxtooyada ay usoo dirtay Caasimada Online waagaas, balse waqtigaas waxaan go’aan ku gaarnay inaanay habbooneyn in prortocl xumada kooxa madaxweynaha aan bulshada tusno waana ka tagnay, inkasta oo mareego qaar ay baahiyeen, balse markan si aqristayaasha u arkaan xaqiiqda ayaan usoo bandhigeynaa.

Ma jecli inaan mar walba u jawaabo, dadka dhowrka ah ee dhibsada wararka qaar ee aan baahino, waayo dabeecadaha dadka qaar ayaa ah in markii ay arkaan wax aysan ayaga shaqsiyan jecleysan ay dhaliilaan.

Caasimada Online, marar badan ayay qortay warar xasaasi ah, oo durbaba ay kala kulantay dhaliilo, balse markii dambe lasoo raaciyey raali gelin, markii ay soo baxday runta iyo xogta aan baahinay.

Warbixinadaas waxaa ka mid ahaa in aan shaaca ka qaaday jiritaanka kooxda Damul-Jadiid, in Faroole DF kalsoonida kala laaban doono, markii Xasan Sheekh uu weydiistay Saacid is-casilaad, oo markii aan qornay laga dhigay wax aan annaga abuurnay, balse kadib sidii aan u sheegnay ay wax u dhaceen.

Waxaan sawirkan u baahineynaa inaan u caddeyno dadka aysan la ahayn in Xasan Sheekh oo madaxweyne ah uu teleefon gacmeed qaato inay indhahooda ku arkaan, mar haddii ay caddahay inuu qaato telefoon gacmeed, inuu meel ku hilmaamana waxba maaha, oo waa bani aadam.

Sababta dad badan ay u dhibsadaan wararka Caasimada Online, waa wararkeena oo badankood ah kuwa xasaasi ah, waayo Caasimada Online laguma qoro war walba, waxaana inta badan jecelnahay inaan qorno warar gaar inoo ah oo macno weyn xambaarsan, waana taas sababta aqristayaal badan ay u jecel yihiin boggaan.

Waxaan kale oo aan fursaddan uga faa’ideysanaa inaan u sheegno aqristayaasha in boggani aysan lahayn dowlad, koox gaar ah ama qabiil gaar ah, mar walbana runta kama leexan doono, cidii rabto ha dhibto’e. Waxaan idin kaga mahad naqaa inaad waqtigiina ku bixisaan aqrinta webkan.