Musharaxiinta Puntland oo shaaciyey xaalad qarsooneyd oo ay wajahayaan

Doorashada Hogaanka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 2014,waxaana ka soo wareegtay 5-sanno xilligii Doorashada 2009-kii oo uu ku guuleystay C/raxmaan Faroole.

Maxamed C/nuur Xirsi, oo kamid ah Musharixiinta Puntland ayaa sheegay in Gurahaya ay ka degenyihiin Magaalada Garoowe uu Faroole dul dhigay Ciidamo aad u hubaysan,kuwaasi oo uu sheegay in Dhibaatooyin xooggan ku hayaan.

“Faroole wuxuu noo adeegsanayaa Awood Ciidan, si aynu uga harnoTartanka Doorshada,waxaana Ciidamo lagu daadiyay Albaabada Xaruumaha Musharixiinta Puntland,taasi oo Caadis iyo Go’doomin nalagu saarayo,”ayuu yiri Musharax Maxamed C/nuur Xirsi.

Musharax Maxamed C/nuur Xirsi, ayaa ka codsaday Col. Saciid Dheere, oo ah Taliyaha Ciidanka Amaanka Puntland in si Deg Deg ah looga dul qaado Ciidamada, maadaama ay doonayaan Musharixiinta inay sameeyeen Olole ku aadan Doorashada.

“Waxaa loo baahan yahay in Amaanka laga wada shaqeeyo, oo uusan Qof gaar ah la Caadin,maxaa yeelay Maamulka waa uu naga wada dhaxeeyaa Mas’uuliyadiisa,” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr. Xirsi.

Hubaal la’aan dhinaca Amaanka ah, ayaa ka jirta Puntland,iyadoo Maamlmo kaliya ka harsantahay Doorashada uu Muranka ka taaganyahay , oo Musharxiin gaaraysa 21 Musharax u taagantahay Xilka Madaxweyne.

Waxaa Xukuumadda Faroole lagu eedeeyaa inay fogaysay xiriirkii Odayaasha Dhaqanka, in aysan wadatashi badan la galin qeybaha Bulshada kala duwan ee Puntland.

Faroole iyo Musharaxiinta Maamulka Puntland, ayaa maalmahanaan waxaa ka dhexe jiray Xiisad Siyaasadeed.

Qaar ka mid ah Musharixiinta ayaa dalka dibediisa ku maqnaa muddo 22-sanno ka badan waxaana jirta in Mushariixinta Madaxweynaha Puntland ay badigood kasoo jeedaan hal reer, arrintaasoo dhabarjab ku ah barnaamijkii dhicisoobay ee Xisbiyadda badan,si looga gudbo nidaam-beeleedkii 1998-kii la dhisay.

Dhibaatooyinka ka dhanka Musharixiinta;

22 December 2013,Musharax Shire Xaaji Faarax,ayaa Ciidamada Puntland waxa ay u diideen in uu galo Garoowe.

22 December 2013,ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Puntland ayaa Rasaaseeyay C/daahir Maxamed Yuusuf (Yeey)oo ka mid ah Musharixiinta xili uu marayay meel u dhaw Madaxtooyada Garoowe.

Dec 24, 2013 · Musharax Cali Xaaji Warsame, oo kamid ah Musharixiinta ugu Cad cad,ayaa waxaa Gurigiisa ku weeraray Ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland,waxaana Weerarkaasi lagu tilmaamay Isku-Day Dil.

Doorashooyinkii hore ee Puntland ee sanadihii 1998-kii, 2005-kii iyo 2009-kii iyo tan soo socota ee Doorashada 2014 oo Mugdi badan uu soo gala dhex galay Faroole iyo Musharixiinta,waxaana tani ay keentay Cabsi dadku ay ka qabann in lagu dagaalo Natiijada.

Gudiga Khilaafaadka iyo Muranka ka taagan

Musharixiintu Waxay Faroole ku eedeeyeen inuusan cidna kala tashan gudiga uu ku dhawaaqay, haddii ay ahaan lahayd Mushaixiinta amaba Isimada, Madaxweynuhuna wuxuu dhankiisa sheegey iney Dastuurivtahay in Madaxweynuhu Magacaabo Gudiga.

Musharixiinta iyana dhankooda waxay soo bandhigeen Gudiga Khilaafaadka iyagoon la tashan Madaxweynaha , waxaana halkaas ka bilowdey khilaaf iyo Qorori Qori ku tag.

Doorashadii hore ee 2009 waxaa jirey khilaaf noocaan ah, waxaana Khilaafkaas Xaliyey Cabdullahi Yuusuf oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, lakiin Su’aalaha hadda taagan oo Dad badan iswaydiinayaan waxay yihiin, yaa Xalinaya khilaafka u dhexeeya Faroole iyo Musharixiinta?, Mise Xalkii Cabullaahi Yuusuf uu ku xaliyey khilaafkii 2008 ayaa la tixraacayaa?, mise Xalkalaa la sugayaa?

Gudiga uu Faroole u magacaabay khilaafaadka ee Doorashada Puntland

1:Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye

2:Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin

3:Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin

4:Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.

5:Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.

6:Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.

7:Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin

8:Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Soo Xulida Xidhibaanada

Wareegto uu soo saaray Faroole oo ka hadlaysay Xildhibaanada cusub waxaa ku cadaa in kulanka u horeeya ee Xildhibaanada cusub uu dhici dooni 1 Janaayo 2014, Doorashada Madaxweynuhuna dhacayso 8 janaayo, lakiin waxaa hada soo baxaya daldaloolo badan, waxaa jir khilaaf ka dhex taagan Beelaha Qaarkood kuwasoo ku muransan Kuraasta Baarlamaanka.

Waxaa jira Beelo reer Puntland ah oo aan waligood Qayb u helin kursi Xildhiban ama qaarkoodna ay qadeen kalkii hore, kusoo kalkaan raba cadkooda ama Tookadooda, Beelihii horey kuraasta u lahaa iyana ma doonayaan iney qadaan.

Waxaa iyana muran xoogan ka taagan yahay 17 ka kursi ee labada Gobol Sool iyo Ceyn, Isimada soo saxiixi lahaa kuraastaa waxay badan koodu qaylo dheer ku sheegeen ineysan soo saxiixayn Xildhibaan dambe, Way jiraan Xildhibaano ay beelohodu diyaar u yihin saxiixa laakiin ma badna, ilaa hada ma jirto dhinaca Xukuumada, Murashaxiinta iyo Isimada kulan laga yeeshey arinta 17 Xildhibaan ee Gobolada Sool iyo Ceyn.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa waxa ay ku dambeyn doonto Doorashada Puntland ee January 8, 2014.

Isha: KON