Xildhibaannada BF Somalia oo maanta meel mariyay miisaaniyada 2014

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca meel mariyay miisaaniyadda seddax bilood ay ku shaqeeneyso xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Kulanka maanta oo ay ka qaybgaleen 172-mudane, waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxaa kaloo ka qaybgalay sii hayaha wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan kaasoo ka jawaabayay su’aalaha ay waydinayeen xildhibaannada.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ayaa natiijada ku dhawaaqay wuxuuna sheegay 167-mudane haa in ay ugu codeeyeen miisaaniyadda seddaxda bil ay ku shaqeeneyso xukuumadda Soomaaliya halka uu didday hal mudane labo kalena ay ka aamuseen.

Wasiirka oo gabagabadii natiijada ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo go’aanka baarlamaanka uu gaaray wuxuuna xusay in miisaaniyadan ay tahay mid KMG ah waayo “xaaladda dalka ayaa sabab u ah” buu yiri.

Si kastaba, waxa ay u muuqatay arrinta mid laga soo shaqeeyay, waayo shaley uun ayaa loo qeybiyay xildhibaannada baarlamaanka miisaaniyada sannadkan cusub isla maanta waa la meel mariyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com